Saturday, May 25th, 2013

Fadeexad qabsatay Shariif Xasan iyo malaaqyo uu watay.

Horay ayay Soomaalidu u tiri ”Shimbir duulis badan madax abeesuu ku degaa” Shariif Xasan oo ku jiro riyo ah inuu mar un Soomaaliya madaxweyne ka noqdo ayaa waxaa kusoo baxay rag Digil iyo Mirifle ah oo laga yaabo inay iskusoo sharaxaan gudoomiyanimada baarlamaanka taasoo haddii ay dhacdana meesha ka saarayso riyo maal meedka Shariif Xasan.

Habeen hore ayaa waxaa maqaaladay lagu magacaabo Village restaurant ku wada balamay Shariif Xasan iyo malaaqyada inta badan jeebka ugu jiro isaga kuwaasoo uu kula balamay inay horay u keenaan xildhibaanadii ay soo qoreen ee Digil iyo Mirifle si halkaas loogu dhaariyo looguna wada afuro si aanay xilka gudoomiyanimada isugusoo taagin.

Maxaa dhacay hadaba?

Markii maqaayadii la yimid oo ay rag badan oo xildhibaanimo u sharaxan, Shariif Xasan iyo malaaqyadii laysku yimid ayaa waxaa dhacday in rag magac leh liiska xildhibaanadana ku jira loogana shakisanyahay gudoomiyanimada baarlamaanka inay iskusoo taagaan halkaas laga waayo!

Arintaas ayaa fajaciso ku noqotay Shariifka iyo malaaqyadiisii ayada oo ay xaaladu hal mar is bedeshay shakigii ahaa inay jiraan rag gudoomiyanimada baarlamaanka u taagana cirka uu isku shareeray.

Maxaa dhacay markaas kadib?

Waxaa laga dalbaday raggii joogay ee xildhibaanada u sharaxnaa inay dhaartaan ballana qaadaan taasoo ay ayagana diideen oo ay dal badeen in ragga maqan la keeno si hal mar loo wada dhaarto ballan dhab ahna loo wada galo, hadaba xalay ayaa mar kale la wada balamay.

Xalay ayaa uu Shariifku dalbaday in xildhibaanada ay bixiyaan qarashka maqaayada ragga dhimana la keeno balse ka daroo dibi dhal ayay sheekadu noqotay oo cid meeshiiba soo istaagto ayaa la waayay.

Hada Shariif Xasan ayaa ay xaaladiisu tahay mid cakiran oo riyadiisii ahayd inuu mar un madaxtooyada kasoo jeestana mugdi sii galeysaa waayo mar haddii ay soo baxeen xildhibaano Digil iyo Mirifle ah oo gudoomiye baarlamaan u taagan waxaa meesha ku dhamaanayso rajada Shariif Xasan oo kusoo ururi doonto xildhibaan inuu iskasii ahaado ama wasiirnimo u xariiftamo.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


2 Responses to Fadeexad qabsatay Shariif Xasan iyo malaaqyo uu watay.

  1. Aden Ibraahim says:

    Xildhibaan xittaa inuu noqdo waa xaaraan maxaa yeeley kuwa maalmahaan la soo celinaayey wuu ka xun yahay, wuuna ka dembi badan yahay.

  2. ALLAA WEYN says:

    WAR WAXAAN LA YAABANAHAY, DADKA DIGIL IYO MIRIFLE TAARIIKHDOODA MADOOW, DADKA MA AQLIGA AYAA LAGA GATAY, MISE DHOW SHILLIN OO DOWLADDA LAGA XADEY AYAA LAGU QALDEY, WAR NINKA SHARIIF HASSAN MADAXWEYNE U DOORANAAYO, MA DAD KALE AYUU WAAYEY, WAR DADKEENA WAA DAD AAN TAARIIKH LAHEYN. SHARIIF WAA NINKII BAYDHABO DOWLADDA KA GUURIYEY OO MUQDISHU U RARAY CAASIMADDA, OO BAYDHABO INEY CAASIMAD NOQOTO.
    WAR CALOOSHIIS U SHAQEEYSTE, ISKA DHAAF MADAXWEYNI, ANIGA WAXBO KAMA DHIGEEEN. WAXAASE LA SII YAABANAHEYT KUWA XAFLADDA U DHIGAAYO, KUWAAAS WAA KHASAAREEN AYAAN QABAA.

Leave a Reply