LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

FAALLADII HOOSTA WALA YAALONY DEY IYO FALCELINTII AKHRISTAYAASHA.

Waa wax ku dhisan dabeecadda qofka aadanaha miyirka qaba inuu falcelin (reaction) ka bixiyo hadba xaaladdii ama wixii lasoo gudboonaada oo ka duwan wixii uu horey ugu bartay, waxaas lasoo gudboonaaday haku yimaadaan hab ficil gacanta ah, hadal ama qoraal. Maxaa yeelay, dabeeciyan aadunuhu ma jecla is beddel ku yimaada hab nololeedkiisa xitaa hadduu is beddelkaasi yahay mid dani ugu jirto mustaqbalka dhow iyo kan fog labadaba. Falcelinta qofku sammeynayana waa wax uu xaq u leeyahay haddaanay xudduudeeda dhaafsiisneyn.

Haddaba, dhowaantaan markaan baraha internetka soo dhigay qoraalkii ka hadlayey siyaasadda Digil-i-Mirifle ee cinwaankiisu ahaa ‘hort dey reedka dey hoosta wala yaalony dey’ ayaa akhristayaal fara badan waxay email ahaan iigu soo direen araa’dooda ku wajahan waxay ka qabaan maqaalkaasi. Marka hore waxaan jeclahay annigoo fursaddaan ka faa’ideysanaya inaan halkaan uga mahad celiyo dhammaan akhristayaashii fikradahooda isoo gaarsiiyey ha ahaadaan kuwii sida aan qabay ila qaba, ama kuwii kasoo horjeeday fikradda uu qoraalku xambaarsanaa, ama kuwii labadaa midkoodna ahayne iskala aamusay aragtidooda.

Falcelinta akhristayaasha waxba kama duwanayn sidii horeyba caadada u ahayd markay timaaddo ka hadalka siyaasadda Digil-i-Mirifle waxaan u qeybsannaa saddex (3) kooxood waaweyn. Koox walibana falka ay sammeyneyso waxay u aragtaa midka ugu haboon ee ay danta ugu jirto horumarka siyaasadda Digil-i-Mirifle. Haddaba, annigoo dhowraya xuquuqda gaarka (privacy)ahee aaraa’da akhristayaasha ayaa waxaan isku dayi doonaa keliya inaan tilmaan guud ka bixiyo dabeecadaha iyo dhaqamada ay yeelan karaan saddexdaas kooxood anigoo cuskanaya fikradahoogaas kala duduwanaa, marka lagu daro tayda gaarka ahee uu xambaarsanaa qoraalka. Qaabka aan u marayana taxliilintoodaasna waa koox-kooxeyn sawirka guud ee ka muuqda araa’da akhristayaasha ee ma ahan mid ku dhisan xaraf-xaraf u dul istaagid.

 BISHAARA-KU-NOOLAYAASHA

Kooxdani waa dad aaminsan in siyaasadda Digil-i-Mirifle aanay waxba ka hallaysneyn oo halkii abid ugu wanaagsanayd ay mareyso, waa bishaara-kunoolayaal. Kooxdani waxay dadka intiisa kale kula dagaashaa ka hadalka iyo wax ka sheegga khaladaadka iyo dulduleelada ay yeelan karto siyaasadda Digil-i-Mirifle. Dadka ku sifoobay kooxdaan waxaay u qeybsamaan laba qeybood:

i) Qeyb ay ka tan badisay wanaag-doonnimo iyo daacadnimo xad dhaaf ah sidaa darteed ay dhibeyso in wax dhaliil ah lala xiriiriyo magaca Digil-i-Mirifle. Daacadnimadaa iyo wannaag-doonimadaas ayaa waxay gaarsiisay inaanay arkinba wax xummaan ah oo waxay arkaan keliya wax wanaagsan; iyo

ii) Qeyb daacad iska yeelyeel ah oo dan iyo maslaxad gaar ahi ay ugu jirto inay xaaladdu ahaato siday haatan tahay, waxay ku sugan yihiin cabsi iyo anfariir joogta ah oo ay ka qabaan isbeddel walba oo lasoo hadal qaado iyagoo ka baqaya inay halkaas ku waayaan hoggaan siyaasadeed ay hayaan, mansab ama maamuus gaar ahoo shakhsiyeed ama mid beeleed. Sidaa darteed, ma ogola in lasoo hadal qaado dulduleelada iyo cilladaha siyaasadeed, horumar iyo bulshaba si ay u ilaalaashadaan maslaxaddoodaas gaarka ah. Waa dad danahooda gaarka ah ka doorbida danta guud ee ummadda.

 

BAASEYSTAYAASHA

Kooxdani waa dad afar iyo labatanka saac u taagan quursiga, daciifinta iyo dhaleeceynta dhammaan dhinacyada ay khuseyso siyaasadda Digil-i-Mirifle. Waa koox u hadasha sidii inaanay iyaga ka mid ahayn dhibaatada ay ka hadlayaan, waxay jecelyihiin inay mar waliba farta ku fiiqaan dadka intiisa kale. Sidii kooxdii koowaad oo kale, kooxdani iyana waxay u qeybsantaa laba qeybood waaweyn:

 

i) Qeybta koowaad waa dad iyana ka tan badisay wanaag-doonnimo iyo daacadnimo xad dhaafa isla markaana dabeeciyan xamili karin waxa hortooda ka muuqda dabeedna doonaya inay daaha ka rogaan ama daboolka ka qaadaan dib-u-dhacyada siyaasadeed ee qof walba u muuqda iyo sida aan waxba looga qabaneynin oo Alle ka sokoow cid kaloo u maqan aanay jirin;

 

ii) Qeybta labaad waa dad damqashadoodu ay salka ku hayso jaahilnimo dillootay oo cidday wax ka sheegayaan iyo cidday wax u sheegayaan aan kala garaneynin. Ma kala garan kartid cidday la jiraan iyo cidday ka jiraan iyagoo iska yeelyeelaya inay u damqanayaan ummaddooda. Hayeeshee waxay ceebtoodu soo baxdaa markay la joogaan dadka kale ee aan u dhalan Digil-i-Mirifle. Waxaad mooddaa inay dhaleeceynta siyaasaddooda, dhaqankooda iyo dadnimadooda gaarka ah ay sharaf iyo wanaag kaga raadinayaan dadyowga kale! Qoladani waa dad si sahal ahi ay dadyowga kale wax ugu shuban karaan, inta badanna waxay u adeegaan danaha siyaasado kale. Waa dad dullinimo oo dhami ay ku habsatay xitaa waxay ka xishoodaan ama ka baqaan dadka kale hortooda inay sheegtaan magacyada Digil-i-Mirifle, Raxaweyn, Eelaay IWM.

 

KUUDANAYAASHA

Kooxda saddexaad waa koox iyada iska aamusan oo innaba wax ka qeybgal ah ku lahayn siyaasadda Digil-i-Mirifle. Sidii labadii qeybood ee hore, kooxdani iyana waxaan u qeybin karnaa laba qeybood waaweyn:

 

i) Qeybta koowaad waa dad niyada ka jecel, ku farxa wannaaga iyo horumarka ummaddooda laakiin dabeeciyan aan u dhalan soo dhexgalka dadka, ka qeybgalka howlaha siyaasadeed iyo tan bulsho intaba. Waa dad wixii looga baahdo, maal iyo maskax, aan laga waayin balse u baahan in mar walba la xiriiriyo oo lasoo jiido;

 

ii) Qeybta labaadse waxaa ku jira dad sidoodaba ka faanna in lagu dhex arko kulamada siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee dadyowga Digil-i-Mirifle. Sidaasoo ay tahay ayaad haddana waxaad ku arkaysaa iyagoo dhex boodaya siyaasado dadyow kale. Inta badan waxay ku andacoodaan iyagoo leh waxaan ka fogaaneynaa ‘qabiil’ – haddana waxaad arki iyagoo qabaa’il kale howlahooda ku jira. Digil-i-Mirifle waxay uga fogaanayaan qabiil dartii, beelaha kalana way u adeegaan iyagoo lagu beer laxawsanayo magacyo guud aan waxba uga jirin sida loo sheeganayo sida Soomalinimo IWM. Waa yaabe markaan Digil-i-Mirifle u shaqeeyo miyaanan Soomaali u shaqeynin?

 

Haddaan si fiican ugu fiirsano sawirka guud ee dabeecadaha saddexda kooxood ee aan halka sare ku soo xusnay, waxaa kuusoo baxaysa intooda badan dabeecadaha saddexdaa kooxood waa kuwo aan la wadaagno guud ahaan aadanaha intiisa kale gaar ahaan dadyowga kale ee Soomaaliyeed. Dabeecadda aan la gaarka noqonay waxay tahay ‘u adeegidda danaha dadyow kale’ taasoo salka ku haysa ‘isku kalsooni darro iyo liidnaan nafsiyan ah’ middaasoo loo aaneyn karo culeys xagga dibadda iyo kala furfurnaan xagga gudaha ah. Si ay isugu kalsoonaato ruuxda qofka bani’aadamka ahi waa inuu is weydiiyaa su’aalo dhor ah oo ay ka mid yihiin: Maxaa ii diidaya inaan ku naaloodo qab ka sareeya qabka uu ku naaloonayo qofka asaageyga ah? Maxaa ii diidaya inaan doono ka badan waxa ay dadyowga kale ka doonayaan siyaasadda dalka? Illeyn raggu bil isma dheeree, waana isku bidhaan iyo birlab simmanna

weeyaan, hadba kuwii is buurta hadba kuwii is baanta oo bar qura lahaada, bushi hadduu yimaaddana basarka looga baxayo beekhaamin garan yaqaana boqorkoodu waysaga.

Rajada laga qabo isbeddel ku yimaada ummaddani waxay ku xiran tahay hadba tirada boqolleyda (percentage) tirada guud ee dadka u dhashay ummaddaan ee ku jira qeybaha labaad ee saddexda kooxood. Tirada loo baahan yahay waa uun boqolkiiba labaatan (20%) ka mid ah dadweynaha. Haddii la helo dad QADDIYADI garwaddana waxa loo baahan yahay keliya waa boqolkiiba toban (10%) si isbeddel wax ku ool ah uga hirgalo ummaddaasi dhexdeeda. Haddayse tiradu u badato dhankaa iyo qeybaha koowaad ee saddexda kooxood taasi waxay astaan u tahay in weli howl badani na hortaalo si wax looga beddelo qaabka siyaasadeed, horumar iyo bulsho ee ummaddeena.

Waxaan qoraalkeygaan kusoo gunaanadayaa fikirka iiga baxay anniga ka shakhsi ahaan sawirka guud ee aaraa’da akhristayaasha. Hadday tiradaa yarta ahee araa’da akhristayaasha ay ka tarjumi karto guud ahaan aragtida guud ee dadweynaha Digil-i-Mirifle – alleylahe waxaa i gashay rajo aad u weyn iyo farxad aan lasoo koobi karin; waxaa ii muuqata in baraarug xawli ku socda uu jiro; waxaa ii muuqata in dacwadii uu mudda dheer waday, mahadi haka gaadhee, Prof. Maxamed Xaaji Mukhtar ay mira dhal noqotay oo maanta dad badani indhaha u kala furmeen. Hayeeshee, maadaama burburka siyaasadeedba uu ku dhacay si tartiib-tartiib ah muddo dheer, soo kabashaduna waxay ku imanaysaa si tartiib-tartiib ah – REEGHASY MA RAKAASHE WEERE LEY.

 

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

Unishef@live.com


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>