Ayada oo ay ergayda ansaxinta dastuurka qabyo qoraaleedka Soomaaliya goor dhow meel mariyeen dastuurka qabyo qoraaleedka ayaa waxaa kasoo baxayo faah faahin dheeraad ah xarunta ansaxinta dastuurka oo ah Iskool Pluzio oo ku taalo magaalada Muqdisho.
Tirada ergayda guud ee joogtay xarunta oo loogu talagalay inay ahaato 825 ayaa waxa ay ahayd 645 ayada oo ay u codeysay haana dhahday 621, isla markaasna maya dhaheen oo ay diideen 13 halka 11na diideen taasoo ka dhigayso in 96% ergaydu ogolaatay dastuurka.
Hada waxaa ka socoto Iskool Pluzio xaflada ansaxinta dastuurka qabyo qoraalka ayada oo uu hada soo gaaray halkaas raisalwasaaraha dowlada KMG Soomaaliya mudane Cabdiweli Maxamed Gaas sidoo kalena uu ku suganyahay goobta ay ansaxintu ka socoto wasiirka arimaha dastuurka mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com