Tuesday, May 21st, 2013

Faah faahin kasoo baxayso dilkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo,

Wararka dheeraadka ah ee kasoo baxayo dilkii ka dhacay suuqa saraflaha magaalada Baydhabo maanta ayaa waxa ay tibaaxayaan in qofka la dilay uu ahaa nin rayid ah oo ay dileen maleeshiyooyin la sheegayo inay ahaayeen Alshabaab.

Ninka la dilay ayaa waxa uu ka shaqaynayay dukaan lagu iibiyo dahabka oo uu leeyahay ganacsade Maxamed Cabaas kaasoo ku yaalo suuqa dahabka ee magaalada Baydhabo.

Allaha u naxariistee ninka la dilay ayaa waxaa la oran jiray Cabdi Iidow ayada oo aan weli la ogeyn sababta ay Alshabaab u dishay ninkaas oo aan wax xiriir ah la lahayn ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Raggdii dilka geystay ayaa durba meesha ka baxsaday ayada oo ay halkaas markii dambe soo gaareen ciidamo katirsan kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Dhawaanahaanba waxaa ka socday magaalada Baydhabo dilal loo geysanayo dadka rayidka ah kuwaasoo intooda badana ay fulinayeen ciidamada Xarakada Alshabaab.

 

Xafiiska warqabadka Baidoa media

ee Baydhabo.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Faah faahin kasoo baxayso dilkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo,

  1. ALLAA WEYN says:

    ASCWW,

    MAR WALBA WAXAA LA DHAHAA KII WAX DILAY WAAA BAXSADEY, LAMA ARKIN. ANIGA TAAS MA QABO, WAA LA YAQAANA, WAANA LA GARANAA, OO CIIDAMADA AYAA KA JIIFA.

    TAN KALE, GOW KII WAX DILEY INAADAN DHUUMANIN, EE ALLA SUBXAANA WATACAALAA UU SI FIICAN KUU ARKAYO, MAALINTA QIYAAMANA AANKU ARKI DOONO, ADIGOO GACANTA DHIIG KU SITA. OGOW MAALINTAAS, KOOX HEBEL AYAA ISOOO DIRTAY IYO AMIIR HEBEL AYAA IIUG WACNAA MA JIRTO. WAR DIINTA WAA WAX CAD, DILNA WAA DAMBIGA UGU WEYN, IN QOF DUKAANKIISA KA SHAQEYSANAAYO AAD NAFTA KA QAADO. ALLAHAHOW MEESHA LAGUUU CADAABAYO HANA GEYNIN. ALLOW U NAXRIISWO KUWA DHIIGOODA LA BANEYSTAY OO DHAN…..

Leave a Reply