Ayada oo uu Shariif Xasan sanadkaan ku dadaalay inaanay xildhibaanada Digil iyo Mirifle soo gelin shaqsiyaad daneynayo xilka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxa uu Shariif Xasan hor joogsan waayay waxkasta oo uu sameeyay prof Jawaari oo looga cabsi qabo inuu iskusoo sharaxo gudoomiyaha baarlamaanka taasoo haday dhacdana meesha ka saarayso riyada Shariif Xasan ee ah inuu madaxweyne ka noqdo dalka Soomaaliya.
Hadaba baidoamedia ayaa waxa ay soo ogaatay inuu Shariif Xasan u diray ergay prof Jawaari inuu ka tanaasulo rabitaankiisa ah gudoomiyanimada baarlamaanka ergaydaas oo ay kamid ahaayeen dalaalka weyn ee Shariif Xasan oo lagu magacaabo Shariif Maxamed Cabdullaahi, Barbaar Amar iyo Yuusuf Baadiyow oo isaga oo aan ogeyn si qalad ah horay loogusii daray ergayda Shariif Xasan uu u diray prof Jawaari.
Hadaba markii ay ergaydii gaartay guriga uu deganyahay prof Jawaari ayaa waxaa dhacday inayba la kulmi waayeen profesorka kadib markii loo sheegay inuu mashquul yahay sidaas darteedna sugitaan badan kadib ay dib iskagasoo laabteen.
Shariif Xasan oo rajo weyn ka qabay xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya ayaa hada waxaa muuqato inaysan sidii hore ahayn rajadiisa maadaama lahadal hayo inuu prof Jawaari iskusoo taagi doono gudoomiyanimada baarlamaanka Soomaaliya taasoo ay wararka qaar sheegayaan inay beesha caalamka qaarkeed la damacsanyihiin inuu xilkaas kusoo baxo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com