Thursday, May 23rd, 2013

Duqa magaalada Beledweyne oo loo doortay Maxamed Xasan Nuuriye

Golaha degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa wxaa uu maanta doortay duqa magaaladaasi ayada oo Maxamed Xasan Nuuriye loo doortay inuu noqdo duqa magaalada Beledweyne.

Doorashada oo ka dhacday xarunta gobolka ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka dowlada KMG Soomaaliya mudane Cabdifitaax Xasan Afrax iyo weliba masuuliyiin kale oo katirsan maamulka gobolkaas.

Doorashada duqa magaalada Beledweyne ayaa waxaa iskusoo taagay ilaa iyo afar musharax balse waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Nuuriye, gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo munaasabada doorashada duqa cusub ee degmada Beledweyne ka hadlayay ayaa waxa uu kula dar daarmay Maxamed Xasan Nuuiye inuu u guto waajibaadkiisa si sharciga waafaqsan.

Dhawaan ayay ahayd markii uu gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdifitaax Xasan Afrax magacaabay gudoomiyayaasha degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply