Thursday, May 23rd, 2013

Dr. Husseney Relief Org

For donation. Please call. Haredo Bolis 001647-702-9812

Dr.Husseney notable humanitarian inter-relief aid organization is a non-profit and non-political organization which is currently engaged in supporting the drought effected people in Somalia, especially in the southern part of the country where  the drought and famine have reached their worst levels according to the UN.

This organization has offices in Mogadishu and Baidoa towns where thousands of internally displaced people are provided with food, shelter and health services by dozens of organizations including Dr. Husseney notable humanitarian inter-relief aid organization. This organization is run with the donation of generous people who support the drought victims world wide.

The organization is hoping to expand its activities to the different drought effected areas in the south of Somalia but only if it gets the funds and donations it needs to facilitate the humanitarian activities. All the organization staff in Somalia are Somalis and know well where to fucuss on and who to help.

Ururkaan waa urur samafal ah looguna magac daray Allaha ha u naxariistee Dr. Xuseen Maxamed Nuur oo kamid ahaa dhaqaatiirtii Soomaaliyeed ee naftooda kuweysay ayaga oo u adeegaya bulshadooda dhibkana kula qaybsan jiray gudaha dalka xili dagaalo ay kasocdaan. Ururka waxa uu xafiiskiisa ugu weyn kuyaalaa magaalada Toronto ee dalka Canada balse mardhow ayuu xafiisyo kafuranayaa magaalooyinka Muqdisho, London iyo Baydhabo isaga oo kabilaabi doono magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo raashiin qaybin uu u samayndoono dadka ay abaaraha kudhufteen ee koonfurta dalka Soomaaliya.

 [[7207]]                        Ururuka Samafalka Dr. Husseney oo raashiin qaybin kasameeyay Muqdisho.

Ururuka samafalka ee Dr. Husseney oo ah urur dhawaan xafiis kafurtay magaalada Muqdisho xaruntiisuna tahay magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada ayaa waxa uu markii ugu horeysay kafuliyay howlo cunto qaybin ah qaar kamid ah xeryaha ay kujiraan dadka ay abaaraha kasoo barakiciyeen gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya ee kuyaalo magaalada Muqdisho.

Ururka ayaa maalintii shalay ee Khamiista ahayd waxa uu u qaybiyay 140 qoys bariis, saliid iyo maacuun u badnayd digsiyada wax lagu karsado ayada oo ay dadka loo qaybiyay gar gaarkaasna ahaayeen dad si weyn ugu baahnaa gar gaarkaas isla markaasna ahaa dad aan weli helin mucaawinooyinka kala duwan ee laga qaybinayo magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dadkaasi.

Xasan Axmed C/raxmaan oo ah wakiilka ururka samafalka Dr. Husseney ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu u sheegay wariyaha shabakada warbaahinta Baidoamedia.com in diirada ay saarayaan dadka jilicsan iyo kuwa aan weli helin gar gaarka sidoo kale Xasan Axmed C/raxmaan ayaa waxa uu sheegay in ay mar dhow wax ka qaybin doonaan magaalada Baydhabo islamarkaasna uu kaocdsaday dadka Soomaaliyeed ee gacanta kageysanayo howlaha lagu taakulaynayo dadka abaaraha ay haystaan inay sii wadaan shaqadooda.

Shamso Ibraahim Boolis oo sidoo kale kamid ah howlwadaneeda ururka ayaa waxa ay kasheekaysay taariikhdii Allaha u naxariistee Dr. Xuseen maxamed Nuur oo ahaa dhakhtar xaga indhaha ah islamarkaasna ay gacan ka xaqdaran kudishay magaalada Muqdisho isaga oo gudanaaya howlihiisa shaqo ee uu u hayay shacabka Soomaaliyeed, Shamso ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadayaan howlaha ururkan islamarkaasna ay gaarsiindoonaan gar gaarka meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya kana codsatay ummada Soomaaliyeed inay gacan kagaystaan howsha gar gaarka ee uu ururku wado.

Ururka Dr. Husseney ayaa waxa uu kuhowgalaa dhaqaale urururin ay iska dhex sameeyaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ayada oo hada howlgalkiisii koowaad gacan kageysteen jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto.

[[7360]]


Baidoamedia.


WARARKII