Dowlada Uganda oo qayb ka ah ciidamada AMISOM ayaa waxa ay qorsheynaysaa inay diyaarado u adeegsato dagaal lagu qaadayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose.
Sida ay sheegeen saaraakiisha ciidamada Uganda ee loo yaqaano UPDF, ciidamada dalka Uganda waxa ay adeegsan doonaan diyaarado cusub oo ay dhawaan kasoo iibsadeen dalka Ruushka si au ula wareegaan magaalada Kismaayo oo ay ku xooganyihiin ciidmada Alshabaab oo hada lagala wareegay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalo koonfurta Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada Uganda waxa ay sheegeen inay fasax
Ka sugayaan Qamaramada midoobay.
Cidamada Uganda waxa ay qayb weyn ku leeyihiin ciidamada AMISOM ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaga oo dhawaan ka qayb qaatay dagaaladii Alshabaab lagaga qabsaday degmooyinka degmooyinka Afgooye iyo Balcad.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com