Saturday, May 25th, 2013

Dowlada KMG Soomaaliya oo magacawday gudi wada xaajood la gala maamulka Somaliland.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa ay magacawday gudi ka kooban 7 xubnood oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samed Macallin Maxamuud.

Gudigaan todobada xubnood ka kooban ayaa waxaa magacaabay madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayada oo ay dhawaan u amba bixi doonaan xubnaha gudigaan magaalada London ee dalka Ingiriiska si ay wadahadalo gogolxaar ah ula galaan gudi wasiiro ah oo uu soo magacaabay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Gudiyada ay soo kala magacaabeen dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa looga gol leeyhay sidii ay u horseedi lahaayeen wadahadalo toos ah oo dhexmara labada dhinac ayada oo ay qayb katahay in la wada hadlo heshiiskii ka dhacay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska bishii Febaraayo ee sanadkaan 2012.

Somaliland ayaa waxa ay aaminsantahay inay ayada oo jamhuuriyad gooni ah wadahadal lagaleyso Soomaaliya balse majiraan wax dalal caalamka ah oo weli aqoonsi u siiyay Somaliland oo lagu amaano maamul wanaag iyo ka shaqaynta amniga.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply