Sunday, May 26th, 2013

”DOWLADA KENYA WAXAAN UGU BAAQEYNAA ( IN AY KA JOOGTO KA KALLUMEYSIGA BIYAHA KACSAN” madaxweyne Cali Baab.

  DOWLADA KENYA WAXAAN UGU BAAQEYNAA

                      ( IN AY KA JOOGTO KA KALLUMEYSIGA BIYAHA KACSAN)

Aniga oo ku hadlaaya Magaca Maamulka Koofurta Soomaaliya ee(ASAL-LAND) iyo kan Bulshaweynta(6)Lixda Gobol:-
Gob.sh/hoose,J/dhexe,J/hoose,Gedo,Baay&Bakool,waxaan cambaareyn&Nacalad dusha ugu tooreynaa,oo aan ka soo horjeednaa,
Dow.Kenya& Arga-gixisada(ONLF) shirkii aay ku yeesheen Maagaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Waxaan Qaramada Midoobay(UN),Midowga Afrika(AU),Urur-goboleedka(IGAD)& Beesha caalamka,ugu Baaqeeynaa in ay si deg-deg ah
ugu hortagaan,falalka guracan oo ay Dow.Kenya la damacsantahay in ay ku fashaliso dadaalada ay Beesha caalamka ugu jirto sidii Dalka
Soomaaliya,Nabad-waarta&Dowlad-rasmi ah ay u yeelan laheyd.Dow.Kenya waxa ay maleegeysaa sidii markale Dalka Soomaaliya ugu qarxi
lahaa Dagaal-sokeeye,iyadoo danaheeda gaarka ah fiirsaneysa.
Dow.Kenya dhax-dhaxaad ka ma ahan arimaha Soomaaliya,iyadoo ku biiritaanka ciidamadeeda Amisom ay ku kaliftay,sidii ay u gaari laheyd danaheeda-gaarka
ay ka leedahay Soomaaliya,ayaa maalmahan ugu socday shirar aay ku taageereyso Maamul ay iyada gacanteeda ku rimisay,oo daacad u ah,
Maamulkaasi oo loogu wanqalay(AZANIA),oo ay horboodaan shakhsiyaad ka mid ah Dow.Kenya,sida Waziirka Gaashaandhiga&ku-xigeenka Afhayeenka
Baarlamaanka,kuwaasi oo baadi-goob ugu jira sidii Maamul Reerkooda hormuud kayahay loogu sameeyn lahaa Goblada Jubbooyinka oo ah koofurta
Soomaaliya,iyada oo hogaanka Maamulkaasina ay ku magacaabeen Prof.Maxamed Gaandi,oo aan ka mid aheen Soomaalida,soomaaliya,balse ka soo jeeda
Soomaalida ku hoos nool xukunka kenya ee Deegaanka waqooyi-bari(NFD),iyadoo lawada ogyahay hadiiba ay jirto in ay wax ka deganyihiin Deegaanadaasi
ee Jubbooyinka Soomaaliya,waxa ay noqonayaan Dadka ugu Tirada-yar ee ku nool deegaanadaasi.
Dow.Kenya oo dano-gaar ah ka leh ay iska Indha-tireeyso xaqaaiqa,oo ah Qabiil in uusan xoog ku maquunin karin Qabil kale,ayeey u bareertay arintan.

                                                   MAXEEY-YIHIIN DANAHA DOW.KENYA
                                                AY BIYAHA-KACSAN KA DHAX-RAADINEYSO

1-In ay ku aamusiso Shacabka ku hoos nool Gumeysigeeda
2-In uu run u noqdo Damaceedii ahaa ilaa Deg.Baraawe in ay ka mid yihiin Dhulka Kenya
3-250M ee Badda oo ay boobka ku heliweysay,in ay xeelad ah ku hesho(yeelato)
4-Iyada oo go’doon ka noqotay Mandiqada Geeska&Bariga Afrika,&tuhuno badan ay ka qabto Dow.Ethiopia,in ay saldhig
ugu sameyso Deegaanada Jubbooyinka Arga-gixisada(ONLF)ee uu hogaamiyo Axmed-Madoowe,si ay carqalado joogta ah ugu sameeyaan(geestaan)
gudaha Dalka Ethiopia,ka dib markii ay Dow.Ethiopia ay sifeeysay Kililka Shanaad(Ogadenia).
Runtii waxaa cadeyn inoogu filan,hadalkii uu warbaahinta ka sheegay ku-xigeenka Af-hayeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallim,ee ahaa Gobolada
Jubbooyinka Soomaaliya in aan dbi danbe aan loogu talin doonin Muqdisho,nuxurka hadalkaan waxa uu cadeynayaa in Jubbooyinka ay mid yihiin Dalka Kenya.
Ugu danbeyntii waxa aan leeyahay Dow.Kenya Ka Jooga Biyo Kacsan ayaad ka Kalluumeysaneysaan
Yuusuf,Faarax&Gaandina,waxaan u sheegayaa Dhashii Halyeey Nasiib Buunde,in ay leeyihiin,waxaa soo noqon doonta

                                       Dhacdadii Taariikhiga eheed ( OOJIYOW- ABUUR  NAGA REEB)

                        Lecturer,Cali Cabdi.A.Baab
                  Madaxweynaha Maamul-goboleedka K/galbeed Soomaaliya
                                             ( ASAL-LAND)
Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply