Sunday, May 19th, 2013

DOWLADA JABAN OO DEEQ MILATARY KU WAREEJISEY DOWLADA KMG+SAWIRO

Dowlada Jaban ayaa maanta waxay ku wareejisey dowlada kmg soomaaliya aqab milatary oo ka koobnaa 16 Land gurusar oo kuwa booliiska ah,2 Amblance,2 gaari oo ah kuwa lagu daad gureeyo ciidanka,jaakadaha xabada loo xirto( bulet proof) iyo koofiyadaha aan xabada karin.

Xafladaasi deeqda lagu kala wareegaayey oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada kmg ee soomaaliya iyo safiirka dalka Jaban u fadhiya dalka Kenya ayaa waxaa ugu horeyn ka hadley taliyaha ciidanka booliiska soomaaliyeed Gen.Shariif sheekhuna isagoo mahad balaaran u jeediyey dowlada Jaban sidoo kalana xusey ineysan aheyn taageeradaan tii ugu horeysey oo kasoo gaarto dowlada Jaban balse sidoo kale ay dhinaca mishaaraadka ciidanka booliiska ay ka taageerto dowlada Jaban.

Taliyaha ayaa ugu danbeyntii wuxuu ugu mahadceliyey dowlada iyo shacabka reer Jaban taageerada ay la garab taaganihiin walaalahooda soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa xaflada deeqdaan lagu kala wareegaayey goob joog ka ahaa safiirka dowlada Jaban u fadhiya dalka Kenya Amb. Shahisa Takeh isagoona goobta ka hadley ayaa waxaa uu sheegey iney tahay markii ugu horeysey uu yimaado magaalada Mugdisho,aadna ugu heley markuu cagta soo dhigey,isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri: mar walbo shacabka iyo dowlada Jaban waxay taageero la garab taaganyihiin walaalahooda soomaaliyeed,sidoo kale safiirka ayaa sheegey ineysan aheyn taageeradaan  ineysan aheyn tii ugu horeysey uguna danbeysey,balse ay sii wadi doonto dowlada Jaban taageerada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale xaflada waxaa goob joog ka ahaa ra’isal wasaaraha soomaaliya mudane: Abdiweli Ali Gaas iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane: Abdisamad Macalin,  iyagoo dhamaan mahad balaaran u jeediyey shacabka iyo dowlada Jaban.

Hadaba qalabkaan loogu deeqey ciidamada booliiska soomaaliyeed ayaa la filayaa iney wax badan ka bedesho,sidoo kalana ay u fududeyso howgalada ay sameeyaan iyadoo ay ku dhiiran karaan iney meelaha qatarta ah ay howlgalo ka sameeyaan.


 

Ibrahim Mohamed Nur(ibraxaaji)

 ibraxaaji@hotmail.com

 Baidoamedia Cairo-Egypt

Mob:01223740392

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply