LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

DOWLADA INGIRIISKA OO SHAACISAY XILIGA UU QABSOOMAYO SHIR DALKEEDA LOOGU QABAN DOONO SOOMAALIYA.

Dowlada Ingiriiska ayaa shaacisay xiliga uu dhici doono shir lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Raisalwasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa ku shaaciyay bogiisa twitterka xiliga uu qabsoomayo shirka arimaha Soomaaliya looga hadli doono.

Raisalwasaaruhu waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla garteen inuu shirku dhaco bartamaha sanadkaan 2013.

David Cameron waxa uu sheegay inay isla garteen madaxweynaha Soomaaliya inuu shirku dhaco 7 bisha May 2013 ayada oo ay shirkaas kasoo qayb geli doonaan dowlado fara badan.

Dalka Ingiriiska ayaa hada waxa uu madax ka yahay dowladah xaga warshadaha ku hormaray ee laysku yiraahdo G8 waxaana la filayaa inay dhamaan dowladahaas kasoo qayb galaan shirka arimaha Soomaaliya looga hadli doono kaasoo socon doona hal maalin.

Ajendaha shirka ayaanan weli la shaacin balse waxa ay u badantahay in Soomaaliya loogu raadiyo dhaqaale dib loogu dhisayo dalka balse waxaanan la ogeyn inay Somaliland kasoo qayb geli doonto shirka maadaama ay shirkii horay loogu qabtay dalka Ingiriiska sanadii 2012dii kasoo qayb gashay kana mid ahayd maamuladii Soomaalida ee halkaas yimid.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>