Dowlada tirada yar ee dalka Holland ayaa waxa ay mamnuucaysaa indho shareerka iyo guud ahaan dharka wejiga daboolo laga bilaabo sanadka soo socdo ayada oo noqonayso dowladii labaad ee ka tirsan dalalka Yurub ee mamnuuca indho shareerka.
”Dadku waa inay awood u lahaan karaan inay wejiyadooda arki karaan oo ay is aqoonsan karaan marka ay kulmaan” wasaarada arimaha gudaha ayaa sidaas ku sheegtay hadal qoraal ah shalay oo Jimce ah.
Mamnuucida ayaa waxa ay sidoo kale saameyn doontaa koofiyadaha madaxa lagashto marka mootada lawadayo iyo weliba koofiyada qofka uu isku qariyo wejiga ilaa iyo madaxa ee ay Soomaalidu u taqaano ‘Niinjaha’ balse labada dambe ayaa waxaa la daba dhigay innaan lagu isticmaali Karin meelo aan munaasab ahayn sida bakhaarada iyo dukaamada gudahood sida uu wariyayaasha u sheegay raisalwasaare ku xigeenka dalka Holland Maxime Verhagen isaga oo inkiray in mamnuucida ay wax shaqo ah ku leedahay wax diin ah.
Dalka Holland waxaa ku nool 1 milyan oo qofood oo Muslimiin ah ayada oo ay guud ahaan tirade dadka dalka Holland gaarayso 17 milyan.
Dalka Faransiiska ayaa horay u mamnuucay inay dumarka Muslimka ah ku xirtaan indho shareerka goobaha dadweynaha ayada oo ay taasi dhalisay caro badan oo ka timid dadka Muslimka ah ee ku dhaqan dalkaas.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com