Sida uu sheegay taliye kuxigeenka ciidamada booliska midowga Afrika ee AMISOM, Benson Oyo Nyeko, ciidamo katirsan booliska dowlada KMG Soomaaliya ayaa loo qaadayaa dalka Kenya si loogusoo taba baro halkaas.
Ciidamadaan ayaa lasoo barayaa ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta iyo weliba ka hortaga kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed sida uu sheegay taliye kuxigeenka ciidamada booliiska AMISOM Benson Oyo Nye kaasoo ka qayb galayay shir maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay kasoo qayb galeen saraakiil katirsan ciidamada booliska dowlada KMG Soomaaliya oo uu ku jiro taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Shariif Skeekhunaa Maye.
Benson Oyo Nyeko, taliye kuxigeenka ciidamada booliska AMISOM ayaa waxa uu sheegay inay dowlada Denmark maalgelinayso tababarka lagu siin doono dalka Kenya ciidamada katirsan dowlada KMG Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska.
Shirka oo looga hadlayay horumarinta ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay taliyaha ciidamada booliska
Soomaaliyeed Shariif Sheekuna kaasoo sheegay inay ciidamada booliska Soomaaliyeed ku shaqeeyaan daruufo adag.
Dhawaanahaanba waxaa isasoo tarayay dowladaha gacanta siinayo ciidamada booliska Soomaaliyeed ayada oo ay dhawaan dowlada Japan ugu deeqday ciidamada booliska Soomaaliya gaadiid iyo khalab ciidan halka ay dowlada Turkigana qorsheynayso inay tababar ugu qaado dalkeeda ciidamo ka tirsan booliska dowlada KMG Soomaaliya.





Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com