Ayada oo bilooyinkii ugu dambeeyayba ay ku jirtay xaalad colaadeed magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa markii ugu horeysay mudo bilooyin ah dekeda magaaladaas kusoo xiratay dooni ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed.
Doonta oo wada shixnad ganacsi ayaa lagu wadaa in saakay laga dejiyo ayada oo ay dhaq dhaqaaqyo arintaas ku aadan ka socdaan dekeda weyn ee magaalada Kismaayo.
Dhawaan ayay ahayd markii magaalada kismaayo ay la wareegeen ciidamada huwanta ah ee dowlada Soomaaliya, Raaskambooni iyo ciidamada Kenya ee hada qaybta ka ah AMISOM.
Dhanka kale waxaa aad loo adkeeyay amaanka guud ee dekeda magaalada Kismaayo iyo guud ahaan magaalada ayada oo uu ka dhisanyahay magaalada gudi KMG ah kaasoo kala hagaya arimaha sida dhaqaalaha, amniga, bulshada iyo xiriirka hay’adaha.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com