Sunday, May 19th, 2013

DKMG Soomaaliya iyo Xarakada Alshabaab oo si isku mid ah u iclaamiyay in beri ay tahay Ciid.

DKMG Soomaaliya ayaa kudhawaaqday in maalinta beri ah ay tahay maalin ciideed guud ahaan dalka Soomaaliya. Wasiirka Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille) ayaa Takbiirta ka qaaday Idaacada afka Dowladda ku hadasha, isagoo ka dhawaajiyay in berri ay tahay Maalin Ciid ah, isla markaana bisha laga arkay Gobolo dhowr ah.

“Waxaan shacabka u sheegeynaa kadib dadaal fara badan oo wasaarada sameysay ilaa markii laga soo baxay Maqribkii, sidaas darteed berri waa Ciid”ayuu yiri Wasiirka Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta oo sheegay in mar hore dalalka Caalamul islaam lagaga dhawaaqay.

Dhanka kalena Xarakada Alshabaab ayaa ayana dhankeeda sheegtay inay maalinta beri ah tahay maalin ciid ah oo ay ummada Muslimka ah ay tahay inay ciidaan ayada oo magaalooyin dhowr ah oo ay gacanta kuhayso Xarakada Alshabaab masaajida kuyaalo ayaa caawa waxaa laga qaadayaa takbiirta ayada oo ay dadkana isku diyaarinayaan soo dhaweynta iyo u dabaaldegida maalinta Ciida.

 

Baidoa Media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply