Diyaarado dagaal ayaa shalay gelinkii dambey duqeyn ugu geystay deegaano katirsan gobolka Jubbadda hoose sida ay sheegayaan saraakiisha ciidan ee ku sugan deegaadanadaas.
Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Aadan Axmed, 2 diyaaradood ayaa duqeeyay kolonyo mareysay deegaanka Caga Libaax ayaga oo dilay 11 dagaalyahan oo Alshabaab ah.
“Labo gaari ayay ahaayeen, shalay galab, abaarihii 5-tii ayay labo diyaaradood ku duqeeyeen deegaanka Caga-libaax, 11-ayaa meesha ku dhimatay”ayuu yiri Aadan Axmed.
Sidoo kale sarkaalkani waxa uu sheegay inay ku dileen dagaalyahano Alshabaab ah ku dileen dagaal ka dhacay deegaanka Taabta ee isla gobolada Jubbooyinka gaar ahaan gobolka Jubbadda hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com