Tuesday, May 21st, 2013

Diyaaradii Somali Airlines oo dhowaan dib hawada ugusoo laabanayso. (War xiiisa badan)

Wasaaradda gaadiidka Cirka iyo dhulka  ayaa sheegtay ka in dhowaan la howlgalindoono Diyaaradda Soomaali Airline iyadoona dhanka kale sheegtay in ay wado qorsho lagu mamnuucayo gaadiidka duuga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed Cusmaan Cali “Dhagaxtuur” ayaa sheegay in ay dhowaan howlgalindoonto Diyaaradda Soomaali Airline taas oo aan howlgalin mudadii uu burburka jiray.

Sidoo kale agaasimaha ayaa intaa ku daray in ay wadaan qorsho lagu mamnuucayo gaadiidka duuga ah ee ka howlgala dalka maadaama ay dhibaatooyin badan kala kulmaan shacabka.

Dhagaxtuur ayaa xusay in wadanka la soo galidoono baabuur cusub si ay u badalaan kuwa duuga ah ee haatan ka howlgalo dalka maadaama ay yihiin kuwo uu dhamaaday waqtigooda dhibaatooyina ay u geystaan shacabka.

Hadalka kasoo yeeray dowlada KMG Soomaaliya ee ku aadan inay dib u howlgelin doonto dhowaan diyaaradii Soomaaliya ee Somali Airline ayaa imaanayo xili ay diyaarada Turkish Airlines oo laga leeyahay dalka Turkiga ka howlgasho magaalada Muqdisho.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Diyaaradii Somali Airlines oo dhowaan dib hawada ugusoo laabanayso. (War xiiisa badan)

  1. CALI XAAJI says:

    WAY FDICNAAN LAHEED IN AY SOMALI AIRLINES LA HAWLGELIYO. NASIIB DARESO MASHRUUCAN MA AHA MID SAX AH EE WAA MID DAD SHAQSIYAAD AH OO RABO IN AY MAGACII SOMALI AIRLINES KU ADEGTAAN AYADOO AY JIRAAN SHAQALIHII XAQA U LAHAA IN AY HAWLAHAS QABTAAN, XUQUUQNA AY KU LA HAYEEN SOMALI AIRLINES LA RABO IN XAQUUQDOODA LA DUUDSIYO OO DAD GAAR AH AFKA U DHIGTAAN.

    CALI XAAJI

Leave a Reply