Monday, May 20th, 2013

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo xoolo laayay halka saraakiisha dowlada KMG sheegeen inay gaadiid Shabaab ah gubeen.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa deegaan Boko lagu magacaabo una dhow Hoosingow oo ku taalo gobolka Jubbadda hoose ku weeraray goobo ay ku tilmaameen inay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Xarakada Alshabaab, baalse wararku waxa ay sheegayaan inay halkaas ku laayeen xoolo fara badan.

Sarkaal u hadlay dowlada KMG Soomaaliya oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Xirsi ayaa sheegay in duqeymihii shalay dhacay lagu bar tilmaameedsaday saldhigyo ay Alshabaab halkaas ku leedahay isaga oo sheegay in lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan oo ay Alshabaab leedahay, ”Duqeynta waxaa lagu bur buriyay saldhigyo ay kooxahaas ku lahaayeen deegaanka Boko, waxaa lagu laayay tiro dagaalyahano, gaadiid waa looga gubay”ayuu yiri Sarkaalkan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Geedi ayaa sheegay inay diyaaradaha dagaalka Kenya duqeeyeen xoolo dhaqato isaga oo sidoo kalena sheegay inaanay ciidamada Kenya kala aqoon shacabka iyo Shabaab, ”Waxaa muuqata in Kenyanku aanay kala saareyn shacab iyo Shabaab, nimankaas xoolo dhaqata ayay xoolahooda ka laayeen, ayagana dhibaatooyin culus ayay u geysteen”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Geedi.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya gobolada Jubbooyinka ayada oo inta badana lagu eedeeyo inay wax yeeleeyaan dadka xoolo dhaqatada ah iyo xoolahooda.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply