Tuesday, May 21st, 2013

Dimuqaraadiyada iyo Dhaqanka Soomaalida

Hordhac

‘………………………

Soomaali hoog baa qabsaday ama halaag weyne

In hadaadunkeedii ka dhacay dunida heedaaman

Uu haad ku cunay meel kastaba kala-hallawgeeda

Aan welina haabkeed la hayn soo-humhumiddeeda

Ay Janannadii ku halgameen horeba loo eeday

Aan haybaddeedii dhammaan laguba haasaasin

Oo aan baryada hay’adaha laga han-weynaannin

Ay gacanta uun hoorsataa waa halaaq-xumo e!’

(Aadan-Carab: 1996)

Maxay Soomaaliya xukuumad ugu baahan tahay? Waa su’aal meesha ku jirta

oo la isweyddiin karo, iyada oo muddo labaatan sano ka badan aanu dalku

yeelan xukuumad shaqaysa. Dhallinyaro Soomaaliyeed oo kumaankun ah

ayaan weligood u soo joogin hab-xukun rasmi ah oo dalkooda si wax-ku-ool

ah loogu maamulaayo. Muddadaas wax ka badanna, Soomaalida xukun

dimoqraaddi ahi ma soo marin.

Xukuumad dimoqraaddi ah waxaa loola jeedaa xukuumad uu dadku awoodda

leeyahay, si toos ahna uu isagu ugu shaqeeyo, iyada oo taana loo marayo

wakiillada la soo doorto; kuwaas oo laga filaayo inay u taagnaadaan

meelmarinta danaha muwaaddiniinta. Xukuumad dimoqraaddi ah oo wax-kuool

ahi markii ay jirto ayaa waxaa suuroobi kara in la helo adeegyada

dadwewynaha ay xukuntaa ay u baahan yihiin. Adeegyadaan oo badan

waxaa ka mid ah caafimaadka, waxbarashada iyo nabadgelyada. Isla

xukuumaddaas oo kale waxaa xil ka saaran yahay dhismaha waddooyinka,

dugsiyada iyo isbitaallada. Sidoo kale, waxay mas’uul ka tahay inay salka u

dhigto hannaanka fulinta qawaaniinta iyo tababbaridda dhinacyada

hirgelintooda u xil-saaran. Siday u badan tahayna, xukuumad kasta oo

dimoqraaddi ahi adeegyada ay bixiso waxay ku fulisaa dhaqaalaha kolba ay

ka hesho canshuuraha iyo kaalmada ka soo gaadha dalalka shisheeye ama

ururrada caalamiga ah.

Sidaas darteed, shaki kuma jiro Soomaaliya inay u baahan tahay xukuumad

saldhig adag leh, si muwaaddiniinteedu ay u helaan adeegyada,

badeecooyinka iyo khayraadka ay mudan yiihiin inay helaan.

Waxaa, haddaba, buuggan yar ku xusan macluumaad kooban oo looga gol

leeyahay in dadweynaha Soomaaliyeed lagaga kaalmeeyo dhab-u-garashada

dimoqraaddiyada, xukunka iyo xukun-wanaagga, dastuurka iyo baahinta

maamulka dawladda. Ujeeddada kale waxay tahay in qoraalkan lagu muujiyo

in fikradahaasi ay yihiin qaar dhaqanka Soomaalida sal ku leh oo aan ahayn

kuwo reer-galbeedka u gaar ah ama shacbiga Soomaaliyeed inta kor looga

keeno lagu sandulleynaayo.

1

Page 1

1. Dimoqraaddiyada iyo Xukunka

I. Asalka iyo ujeeddada erayga

Had iyo jeer, qalabka kala duwan ee warfaafinta waxaynu ka maqalnaa ama

aynu ka akhrinnaa ‘dawlad hebla’ waa dimoqraaddi, dawlad heblana ma aha

oo waa diktatooriyad’ (kelitalis). Maxay, kolka, dimoqraaddiyadu tahay?

Maxaase looga jeedaa?

In ka badan 2.400 oo sano ka hor ayuu eraygaasu ka soo baxay

magaalooyinkii dalka Giriigga ee mid waliba ay iskeed dawladda u ahayd1.

Waa hab la isku xukumo oo arrimaha noloshiisa sida loo maamulaayo uu

dadku guddoonsado, isaguna uu go’aankeeda iska leeyahay. Sidaas darteed,

ummaduhu marka ay xukuumadaha dimoqraaddiga ah dhisanayaan, waxaa

jira ujeeddooyin waaweyn oo ay ka leeyihiin; kuwaas oo ay ka mid yihiin

ilaalinta iyo horumarinta xuquuqdooda, xaqiijinta danhooda iyo meelmarinta

baraarahooda. Guud ahaanse, mabda’a dimoqraaddiyada waxaa lafdhabar u

ah xorriyadda siyaasadeed, iyada ayaana lagu dhudhumiyaa.

Haddii si kooban loo yiraahdo, dimoqraaddiyadu waa:

  • · Hannaan siyaasadeed oo xukuumadda lagu doorto, laguna beddelo,

iyada oo taana loo maraayo doorashooyin xor iyo xaq ah;

  • · Dadka oo iyaga oo muwaaddiniin ah si firfircoon uga qayb-qaata

siyaasadda iyo maaraynta arrimaha noloshooda gudaha ku saabsan;

  • · Dhawrista xuquuqda aadanaha ee muwaaddiniinta; iyo
  • · Xukunka sharciga; kaas oo looga gol leeyahay dhammaan in

muwaaddiniintu siman loogu maamulo xeerarka dalka u yaal.

II. Soomaalida iyo Dimoqraaddiyada

Soomaalida oo ka mid ah ummadaha Geeska Afrika ku dhaqani waxay

muddo dheer nolosheedu ku dhisnayd habka xoolo-dhaqashada iyo

raacatannimada. Waxay dhaqan jirtey, qayb weyn oo ka mid ahina ay weli

dhaqataa, geela, lo’da iyo ariga; kuwaas oo ay ka hesho qaar ka mid ah

cuntooyinka uu aadanuhu u baahan yahay, gaar ahaan hilibka iyo caanaha.

Bulsho ahaan, intii aanu gumeysigu dalka soo gelin, waxay u qaybsanayd

qabaa’il derisyo ah oo ku loollama daaqa iyo biyaha, marar badanna ku

dagaallama. Talis dhexe oo ka dhexeeya ma ay lahayn, qabiil walibana iskiis

ayuu isu maamuli jirey, isaga oo aan cid kale dibedda ka soo faro-gelin.

Waxay wadaagtey, welina ay wadaagtaa, af qura oo afsoomaaliga ayay ku

wada hadashaa, diin qura oo ah midda Islaamka ayay wada rumaysan tahay,

waxayna ku wada nooshahay dhul, juqraafi ahaan, xiriirsan oo soohdimo

dabiici ah aan lahayn.

Waxay Soomaalidu lahaan jirtey hannaan madaxtooyo oo, sida loo malayn

karo, jiritaankeeda la da’ ah. Taasina waa wax aan iyada keliya ku

1 Magaalooyinkaas oo loo yaqaan City-states waxaa ugu caansanayd Athnes oo hadda dalka

Giriigga magaalo-madax u ah.

Page 2

koobnayne, ay kala mid tahay dadyowga kale ee dunida ku dhaqan. Goor

hore ayay bulshooyinka aadanuhu dareemeen inay noloshoodu sii wacnaan

karayso, haddii ay tu’ waliba yeelato madax ay agaasinkeeda ku aamminto,

iyadana kala hagta.

Siday u badan yihiin, qabaa’ilka Soomaaliyeed waxa uu mid waliba iskiis u

leeyahay nin u madax ah; kaas oo ku abtirsada jilibka ama lafta tolkaas isaga

ah ugu curadsan. Waa hannaan, sida boqortooyooyinka lagu yaqaan,

dhaxaltooyo ku salaysan oo, geeri ka dib, inanka curadka ahi uu aabbihiis uga

haro.

Madax-dhaqameedyada Soomaalidu waxay kala sitaan magacyo kala duwan

oo, in door ah oo ka mid ah, macnaha iyo halka ay ka soo jeedaan aan la

qeexi karin, kolka loo eego Afsoomaaliga oo ah afka ay qabaa’ilkaasi ku wada

hadlaan. Waxaa ka mid ah Ugaas, Malaakh, Garaad, Boqor, Wabar, Islaan

iyo qaar kale. Qabiil waliba wuxuu leeyahay madax-dhaqameedkiisa u gaarka

ah; kaas oo huwan magac magacyadaas ka mid ah.

Ma kala sarreeyaan, sidaas darteedna, haddii ay goob keliya ku wada

kulmaan fadhiga iyo hadalkaba way u siman yihiin. Sidoo kale, ma laha kuxigeenno

hawlaha guddoonka la qaybsada, in kastoo madax-dhaqameed

walba agihiisa lagu arko dhaxlsuge loo malayn karo inuu isagu talada uga hari

doono maalintii uu geeriyoodo.

Xagga xukunka markii laga eego, madaxdaasi ma lahayn awood u gaar ah

iyo ciidan u fuliya kolba wixii talo ah oo ay iyaga la noqoto. Halkaan ayaa

waxaa laga dareemi karaa wax u eg astaamaha dimoqraaddiyadu leedahay

oo Soomaalidu ay ku dhaqmi jirtey. Markii ay qabiilka arrini la soo

gudboonaato, loona baahdo in go’aan laga gaaro ayaa madax-dhaqameedku

wuxuu qabanqaabin jirey shir uu tolku isugu yimaado oo arrintaas iyada ah

lagu gorfeeyo. Shirkaas oo kale waxaa lagu qaban jirey geed la yaqaan

hoostiis. Odayada waxgaradka ah ka sokoow, nin walba oo qaangaar ahi

wuxuu xaq u lahaa arrinta halkaas lagu hayo inuu wax ka yiraahdo,

ra’yigiisana uu ka dhiibto. Ugu dambaysta, go’aanka geedkaas lagu gaaraa

wuxuu ahaan jirey mid, wadar ahaan, loo wada oggolaaday, sidaas darteedna

aan ku imaan cod la qaaday oo tiro badan iyo tiro yar inta loo eegay, talada

intii badnayd la qaatay, intii ay tiradeedu yaraydna ra’yigeedii laga tegey2.

Sida habkaas ka muuqata, madaxa qabiilku marna awood uma lahayn intuu

iskiis go’aammo u soo gaaro inuu dadka kor kaga keeno. Heer kasta oo

go’aan-qaadashadu ay marayso, odayada iyo waxgaradka qabiilku waa ka

qayb-qaadan jireen, ugu dambaystana Ugaaska, Garaadka ama Malaakha

ayaa guddoomin jirey. Taas ayaana u horseedday cilmibaare Ingiriis ah oo

arrimaha Soomaalida wax badan ka qoray in madax-dhaqameedka

2 Waxa uu habkani aad ugu eg yahay noocyada diimoraaddiyadda midkood oo ah nooca loo

yaqaan Consensus Democracy; go’aanka ugu dambeeya oo la gaaro markii la wada

dhegeysto talada xubnaha ay arrintu khusayso; iyada oo aan cidnaba laga tegin. Sida

muuqata, tani Dimoqraaddiyada Isdoorashada ku salaysan (Representative Democracy)

waxay kaga duwan tahay ‘Aqlabiyad’ iyo ‘Aqalliyad’ (tirada badan iyo tirada yar) iyada

go’aammada laguma gaaro.

Page 3

Soomaalidu uu ula ekaado Afhayeen Baarlamaan oo kale, hannaankaas

isaga ahna uu ku tilmaamo dimoqraaddiyada xoolo-dhaqatada3.

Guud ahaan, sidaas ayuu ahaan jirey xiriirka u dhexeeya madaxdhaqameedka

iyo tolka uu u boqran yahay, in kastoo mararka qaarkoodna la

arki jirey Ugaas ama Garaad inta talo soo jeediya durbadiiba lagu raaco,

iyada oo aan wada-xaajood badan laga yeelan. Taasise ma ahayn wax ay

madaxdu ka wada sinnayde, waxay u suuraggeli jirtey oo keliya kolba madaxdhaqameedka

reeraha dhexdooda sida gaarka ah maamuuska ugu yeesha

oo, shakhsi ahaan, haybadda uu leeyahay awgeed, dadka uu u taliyaa ay uga

wada dambeeyaan.

III. Madax keligood-taliyeyaal ah & tusaaleyaal

Runtii, Soomaalidu erayga ‘dimoqraaddiyad’ ma ay aqoon, afkoodana kol

dhow ayuu ku soo biiray. Ha yeeshee, sidaan meel hore ku soo xusay, wax

badan oo ka mid ah astaamaha ay fikraddaasi leedahay ayaa laga dareemi

karaa hiddaheedii hore. Waxay aamminsanayd, aadna u qaddarin jirtey

sinnaanta iyo xorriyadda oo ah astaamaha mabda’a dimoqraaddiyadu uu

xanbaarsan yahay; taasna waxaa inoo sii iftiimin kara siday uga hor’imaan

jireen madaxdii isku dayday inay ku amar-ku-taaglayso.

Marar dhif ah ayaa waxaa Soomaalida dhexdeeda ka soo bixi jirey nin madax

ah oo hannaanka wadatashigu uu isaga u cuntami waayo, dabadeedna

dabeecad ka dhigta, talada uu maalintaas wato inuu dadka dirqi ku yeelsiiyo.

Ninkaas oo kale, si walba oo suuraggal ah ayaa la isu hortaagi jirey: Mar ay la

diriraan, mar ay ka baxsadaan oo u dal-daayaan iyo mar ay gabayo cay iyo

haaraan miiran ah u tiriyaan, dabadeedna intay sidaas magaca kaga dilaan

ay, marka dambe, cidina maqli weydo, una soo joogsan weydo. Maahmaah

caan ah ayaa waxay ahayd: saddex lalama heshiiyo;

Taliye jiitaa4 ah;

Taxdaa wadaad5 ah; iyo

Turqato naag6 ah

Arrintaasna aan ku tusaaleeyo laba sheeko oo qarnigii 19d soo maray

bulshadii hore ee Soomaalida.

a) Tusaalaha 1d: Wiilwaal & dardaarankiisii

Taariikhda bulshada Soomaalida inta laga xusuusan yahay, qoladii ay u talin

jireen raggii muddada aan yarayn ku amar-ku-taagleeyey waxaa ugu darraa

Garaad Xirsi Garaad Faarax oo Wiilwaal ku magac-dheeraa. Wuxuu madax u

ahaa Galbeedka Soomaalida ku dhaqan tol ka mid ah oo Bartire la yiraahdo.

3 Arag Lewis, I.M. A Pastoral Democracy (Oxford University Press, London, 1961) .

4 Ninka madaxda ah ee talada aan waxgaradka kale u bandhigine, inay tiisu fusho uun mar

walba ku adkaysta.

5 Wadaadka marka neef loo qalo hilbaha inta uu cuno mooyee, inta kalena qori ku taxda, si uu

qoyskiisa ugu geysto ama isaguba uu kol dambe u cuno. Waxaa la rabaa inuu hilbaha qaar

hanbeeyo, si reerkii neefka u qalay ay wax ugu haraan.

6 Waxay ula jeedaan haweeneyda la qabo ee sayga iyo iyadu markay wax isku qabtaan ama

ay isku qabsadaan kolba wixii ay iyadu rabto ku dhegta, lagana furfuri waayo.

Page 4

Wuxuu ugu caansanaa bilawgii qarnigii 19d madaxdii Soomaalida dhexdeeda

magaca dheer ku yeelatay ee sheekooyinka layaabka leh, ilaa maantaba,

laga weriyo.

Intii aan qoladiisa loo shuumin, wuxuu ahaa dagaalyahan geesi ah oo kol

walba feejigan, warmuhuna ay gacmihiisa diyaar ku yihiin! Isaga oo

ammaanduule ah ayuu, sannado badan, wuxuu qoomiyadda Gaallaha7 kula

dagaallami jirey daaqa iyo biyaha dhulkii ay deriska ka ahaayeen. Ugu

dambaystiina, taariikhda gobolku siday inay barayso, isaga ayaa loo tiriyaa

banka Jigjiga inuu qoomiyaddaas kaga guuleystey, sidaasna uu ku noqday

geyi ay Soomaalidu leedahay.

Jigjiga iyo dhulka ku xeeran kolkii loo caleemo-saaray ee uu Garaadka ka

noqdayna, wuxuu la soo baxay maamul cusub oo madax-dhaqameedyadii

isaga ka horreeyey ee Soomaalidu aanay aqoon. Sida qarammada casriga

ahi yeelaan si u eg ayuu u abuuray xeerar isaga la da’ ahaa; kuwaas oo uu

fulintooda ka dhigay wax dusha ka saaran cid kasta oo taliskiisa hoostimaadda.

Waxay ahaayeen xeerar ad’adag oo samayntooda aanu cidnaba

kala tashan jirin, jebintoodana ciqaab weyn oo dilku ugu badnaa ay dadku ku

mudan jireen. Isaga oo qudhiisuba ahaa nin aad u gacan fudud ayuu,

haddana, wuxuu yeeshay ciidan daacad u ah, guuto mar walbaba heegan u

ah, amarradiisana aan hadal ka soo celin. Siday ku tilmaameen, wuxuu ahaa

ninkii uu doonaba nin dila. Kii uu rabo afada ka qaada, kana guursada. Kii ay

la ahaato, duhur cad, xoolaha kala wareega oo cayr ka dhiga, kii uu madaxtaag

ka dareemona jilbaha dhulka ugu dhufta!

Tilmaamaha shakhsiyaddiisa sida laga garan karo, wuxuu ahaa diktatoor8 aan

nixin oo, gar iyo gardarraba, dad badan ruuxa ku weysiiyey! Sidaas oo ay

tahayna, waxaa jirey rag Soomaaliyeed oo u babac-dhigay…rag uu ka tabwaayey

oo si walba uu ku deyey, haddana uu ka guul-heli waayey. Waxay

ahaayeen, markii uu dhimanaayey, raggii geyeysiiyey inuu qirto, muddo

dheer, inaan cidna dirqi loogu talin karin, in kastoo si walba loo cadaadiyo, si

kastana loogu gabood-falo. Wuxuu ahaa ninkii u digey keligood-taliyeyaasha

laga yaabo isaga dabadiis inay soo baxaan, kuna dardaarmay, “Rag

hooyadiisna u hayey oo ‘walaalow’ wax uu ku dhaamo waan waayey9!”.

Sidaas oo kale, waxaa jira Soomaalida qaar ku sheekeeya isla Wiilwaal inuu

ahaa ninkii ku tiraabay oraahda markii dambe maahmaahda noqotay ee ah:

‘Rag garabkaaga ayaa laga dayaa ee gondahaaga lagama dayo10’; taas oo

inoo sii iftiiminaysa mabda’a sinnaantu sida uu dhaqanka Soomaalidii hore

ugu gaamurey.

7 Gaalla waa magac hore oo loo yiqiin qoomiyadda Oroomada; taas oo lagu sheego inay

tahay qoomiyadaha Geeska Afrika ku dhaqan midda, tiro ahaan, ugu badan.

8 Sheekada Wiilwaal oo dhammaystiran ka doono buugga ku magacaaban: Sheekooyin

Soomaaliyeed, uuna qoray Axmed F. Cali “Idaajaa”, (Neyroobi, 2008)

9 Wuxuu u jeedaa inuu yiraahdo, ‘rag wax walba oo xun waan ku sameeyey; xataa waxaan ku

qasbay hooyadii dhashay inuu u galmoodo!

10 Lama hubo maahmaahdan in Wiilwaal leeyahay, hase ahaatee waa loo malayn karaa,

maxaa yeelay, macne ahaan, oraahda caanka ah ee uu ku dardaarmay wax weyn kama

duwana.

Page 5

Si kastaba ha ahaatee, is’hortaagga falalkii keli-talisnimada ee uu Wiilwaal

caanka ku ahaa waxay u dhigantaa dulmi-la-ladagaallan; kaas oo lagu tiriyo

ujeeddooyinka waaweyn ee ay dimoqraaddiyadu u taagan tahay.

b) Tusaalaha 2d: Casilaaddii Ugaas Xaashi

Dabayaaqadii qarnigii 19d ayaa Galbeedka dhulka Soomaalida11 waxaa qayb

u heshay Itoobiya iyo boqorkeedii lagu magacaabi jirey Menelik-kii II12;

xilligaas oo ku beegan boobka qaaradda Afrika markii ay Reer-Yurub u kala

ordayeen13. Hase ahaatee, heshiiskii uu Boqorku dhulkaas ku qaatay intii

muddo ahba waraaqaha uun buu ku ekaa, waxna kama fulin. Sababtuna

waxay ahayd isaga oo aan lahayn awood ciidan iyo mid dhaqaale oo uu

carrigaas ku soo gaaro, si uu xukunkiisa ugu fidiyo.

Sidaas darteed, Menelik wuxuu goostay si tartiib-tartiib ah inuu gobolka ku

galo. Waxay la noqotay si nabadgelyo ah in Soomaalida halkaas ku dhaqan

uu gacanta ugu dhigo, taliskiisana u soo hoos-geliyo. Markaas buu bilaabay

madax-dhaqameedyadii geyigaas ka arrimin jirey inuu xiriir toos ah la yeesho,

si ay dadkooda u oggolaysiiyaan inay Reer-Itoobiya yihiin, gibirkana14 ay

Dawladda uga soo uruuriyaan.

Guud ahaan, qorshahaasi markuu soo shaac-baxay, dadweynihii aad bay uga

soo hor-jeesteen. Waxayba u qaateen gobannimadoodii in laga qaadayo iyo

xoolo aan gar loogu lahayn oo baad ah in laga urursanaayo. Taana waxaa ku

raacay odayadii iyo waxgaradkii qabaa’ilka qaarkood iyo, sidoo kale,

culimmadii Galbeedka ku sugnayd. Hase ahaatee, waxaa iyaguna jirey

madaxdii xilligaas qaar ka mid ah oo wuxuu Boqorku soo jeediyey haddiiba

oggolaatay, iyaga oo aan kala tashan dadkii ay u talinayeen.

Boqor Menelik-kii II markuu maqlay sida ay Soomaalidu amarkiisa u diiddan

tahay ayuu shir ballaaran ku qabtay meesha la yiraahdo Kaara-Qora. Madaxdhaqameedyadii

waaweynaa ee Gobolka ka arrimin jirey, shirkaasna ka qaybgalay

waxaa ugu magac-dheeraa Ugaas Xaashi Ugaas Faarax-Cadde15,

isaga ayaana ugu horreeyey taladii Boqorka madaxdii ‘hawraarsan’ tiri16.

Weliba wuxuu ku ballan-qaaday, qof-qof iyo qoys-qoysba, gibirka inuu isagu

tolkiis ka soo uruurin doono, ciddii ku gacan-sayrtana uu ciidanka Boqorka u

soo gacan-gelin doono!

Hawshaas iyada ah si degdeg ah ayay Itoobiya u gudo-gashay. Xoolo badan

ayaa Soomaalidii laga qabtay, wixii ka dhiidhiyeyna waa laga dhacay. Askartii

11 Waa dhulka Soomaali-Galbeed loo yaqaan, marar kalena Ogaadeenya loogu yeero.

12 Menelik II (1844-1913) wuxuu ahaa Boqorkii Reer-Shewa ee qarnigii 19d Itoobiya sida

weyn, bari iyo koonfurba, ugu fidiyey. Soomaalidu magaciisa waxay ugu dhawaaqi jirtey

‘Mililikh’.

13 Waa xilliga taariikhda gumeysiga ku galay magaca ah ‘Scramble for Africa’.

14 Gibir: Lacag ama xoolo ay Xabashidu ka qaadi jirtey qoomiyadihii ay gumeysiga ku

qabsatay sida Oroomada, Soomaalida iyo qaar kale; cashuur-madax.

15 Wuxuu Ugaas u ahaa Ogaadeen, Reer-Cabdille.

16 Gabyaa Soomaaliyeed oo shirkaas raggii diiddanaa ka mid ahaa ayaa laga hayaa:

“Allahayoow malkada Kaara-Qora aanan miciin moodin

Allahayoow la kala miiranyaye Mililikh hay raacin!”

Page 6

Boqorka oo baqlo fuushan, Ugaaskana garabsanaysa ayaa degmooyinkii,

xagga iyo xagga, ugu dhex-saqaaftay; iyada oo gibirkii ka guraysa. Dad

badan oo diiddanaa qorshahaas uu Ugaaskoodu ku guddoomiyey ayaa

dhulkiiba banneeyey oo qoysaskoodii iyo xoolahoodiiba la fogaadey.

Dabadeedna, waxgaradkii reeraha ayaa hoos u wada hadlay. Jilibbadii oo idil

ayaa tashi isugu noqday. Waxaa la isla gartay arrintani inaysan ahayn mid

qabata. Waxay isku raaceen, marka hore, xoolaha Boqorka Itoobiya uu ka

guranayaa inay gardarro tahay. Marka labaadna, waxay gef aan

marmarsiinyo loo heli karin u arkeen in Ugaaskii iyaga u duubnaa uu Boqorka

kala safto, dabadeedna uu dusha kaga keeno guddoon aysan innaba wax ka

ogeyn!

Wax talada la wada gorfeeyoba, ugu dambaystii waxay go’aansadeen Ugaas

Xaashi in duubka boqortooyada ay ka xayuubiyaan! Taasina, taariikhda

Soomaalida inta laga war-hayo, waa markii ugu horreysey oo nin

meekhaankaas leh uu tolkii uu ka dhashay casilo.

Maalintii dambe ayaa waxaa Ugaaskii la weyddiistey inuu shir qabto.

Dabdeedna, isaga oo aan garaneyn sababta loo qabanaayo ayuu yeelay.

Maxaa xigey? Aan, haddaba, xogwarranka wixii shirkaas ka dhacay u daayo

taariikhyahanka Soomaaliyeed; Aw-Jaamac Cumar Ciise oo dhacdadaas

isagu aad u dabo-galay, dabadeedna qoray: “Xilligaas waxaa haybad iyo

miisaan lahaa gabayga iyo gabyaaga. Sidaas darteed, waxaa tashaday

toddoba nin oo gabay iyo aftahammo aan lagula tartami karin, Ugaas

Xaashina ay ilmo’adeer labaad ahaayeen…waxay go’aansadeen inuu nin

waliba faraskiisa soo fuulo oo Ugaaska hortiisa ka tiriyo gabay sharafta iyo

haybadda ka xayuubinaaya, dabadeedna intuu faraska hoosta ciribta kaga

xado goobta ha ka tago17”.

Sidaas ayay yeeleen, gabyaa walibana wuxuu kaxaystay qayb weyn oo dadkii

geedka yimid ka mid ah. Waxaa halkii looga dhaqaaqay Ugaaskii iyo koox yar

oo ku hartay, sida la weriyeyna cid dambe ‘Ugaas mood18!’ kuma ay oran!

Aan, kolka, tusaale ahaan u soo qaato laba maansoyahan oo ka mid ahaa

toddobadii Ugaaska gabayga ku casiley:

c) Saahid Qamaan

Gabayadii maantaas Ugaas Xaashi lagu casiley waxaa, malaha, ugu

caansan, dadkuna ay ugu jecel yihiin kii uu tiriyey Saahid Qamaan; kaas oo si

wacan inoo baraaya sinnaanta, qaddarinta qofka iyo wadatashigu siday u

ahaayeen wax ku milan dhaqankii hore ee Soomaalida.

17 Arag: Aw Jaamac Cumar Ciise: Hilimmada Maansadii Hore, bogagga 183-191. Waxaa lagu

daabacay Jabuuti, 2005.

18 Mood! Eray duco ah oo madaxda loo dabbaaldegayo lagu oran jirey. Waxaa la mid ah:

Raag!

Page 7

Qaybta arata ah ayuu, marka hore, wuxuu kula hadlayaa dhallinyaradii

Ugaaska iyo Xabashidu ay soo direen ee sida qasabka ah dadweynaha

gibirka kaga guraysey. Markaas buu yiri:

Mitan kalena waa wiilasheer maanka laga qaaday:

Hadday sado19 macaan tahay ninkii maadiyaa cuna e

Miyir waxaad ku weydaan iswaal kuma mihiibtaane

Muslin kuma cabiidsamo: ‘wallaan madaxa kaa goyne!’

Meel dhexe oo gabaygiisa ka mid ah waxa uu Saahid dhaar ku marayaa,

maantaas ka dib, inuusan cudud iyo ciidan u noqon doonin boqortooyo aanu

taladeeda waxba ku lahayn oo, dhibteeda mooyee, aan dheefteeda isaga

waxba looga oggolayn. Wuxuu yiri:

Masoow aabbahay iyo halkaan Magan20 ka soo gaadhey

Maggawsina inaan layga siin maax la dhuranaayo

Oon malab rag kale loo shushubi wax uga miileeyo

Oon meesha taagnahay anoon murudna leefaynin

Oon weliba ‘mood’ iyo salaan ula maleegnado

Aan maydhax aan igu xidhnayn21 mayllimmo22 u haysto

Saddex magac Allee xaajadaas layma marinsiiyo!

Sida koron xiniinyaha la mudey uma malluugnaado!

Qaybta uu gabaygaas ku dhammeeyey ayuu gabyaagu ku muujinayaa sida

aanu wax sinnaan ka hooseeya cidna uga yeelayn. Meeriska ugu

dambeeyana wuxuu kaga xiriir-furanayaa Ugaas Xaashi iyo nin ka mid ah

raggii tirada yaraa ee ku haray; kaas oo uu halkaas ku magac-dhebayo.

Wuxuu yiri:

Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi

Maso23 inaannu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye

Oon weliba kaga miil-caddahay miidhse diiddaniye;

Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo

Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad-yeesho

Muska Ina-Afey24 galo arlada kama miciin-moodo!

d) Gurraase Xaaji Cali

Markuu Saahid inta gabaygaas tiriyey geedkii ka dhaqaaqay ayaa waxaa

isaguna geeraar la kacay gabyaa kale oo la oran jirey Gurraase Xaaji Cali. Si

aan leexleexad lahayn ayuu isna tixdiisa Ugaaska ugu weerarayaa; isaga oo

ku eedaynaya tolkii uu madaxda u ahaa inuu shisheeye u garbo-duubay.

19 Sado: Xoolo madaxda u gaar ah oo, markii waa la joogoba, dadka ay u taliyaani ay siin

jireen; ammaan.

20 Magan: Wuxuu u jeedaa Ugaas Magan Ugaas Warfaa oo awooweyaashiisii aabbe midkood

ahaa.

21 Maydhax aan igu xidhnayn: Boqortooyo aanan maamulkeeda iyo taladeeda wax ku lahayn.

Marmar ayaa ninka la boqraayo ay Soomaalidu mayrax qoyan madaxa ugu duubi jirtey

(caleemo-saar), inta badanse caano ayaa lagu shubi jirey.

22 Mayllin (mayllimmo): Qalab lagu dagaallami jirey oo waranka u eg.

23 Maso (masoobid): Sinmid; dad gudboon ahaan.

24 Ina-Afeey: Wuxuu u jeedaa Faarax Afeey oo uu, malaha, ku tuhunsanaa inuu Ugaas

Xaashi la safnaa, kaa mid ahaa raggii gabyi ogaa ee xilliyadaas. Muska uu galana wuxuu ka

wadaa guriga Ugaaska.

Page 8

Wadatashi mooyee inaanu kelitalisnimo dadka ku hoggaamin karin ayuu si

bareer ah ugu sheegayaa. Wuxuu ku canbaaraynayaa inuu yahay nin waxa

uu isagu go’aansado mooyee aan dhegihiisu talo kale u daloolin; taas oo ah

wax aan, marnaba, bulshadu ka yeeli doonin, una suuroobi doonin!

Geeraarkiisii ayaa waxaa ka mid ahaa:

……………..

Tawfiiq Ciise-Madoobiyo25

Talyankii Ferenjaa leh;

Teendho Reer-Berberaad iyo

Turkigii xukumaa leh;

Tuhun Shuunka26 Amxaariyo

Nin la soo tashadaa leh27!

………………..

Nin maroodi taxaabay oo

Tunka saartay abeeso

Inuu aayar taxaasho

Taana wayna ahaannin!

Tolkii aynu naqaanniyo

Ogaadeen taladiisa

Taan idhaahdo uun mooyee

Tu’ kaleeto ma joogto

Taana wayna ahaannin!

Gabayga Saahid iyo geeraarka Gurraase sidaynu ka fahmi karayno, labada

ninba waxaa aad ula weynaa mabda’a sinnaanta, waxayna

aamminsanaayeen wadatashigu inuu lamahuraan yahay; gaar ahaan danaha

guud ee bulshada marka la maamulaayo. Taasina labadooda iyo

saaxiibbadoodii oo keliya kuma ay koobnayne, waxay ahayd Soomaalidii

xilliyadaasi wax ay wada rumaysnayd.

IV. Soomaalida iyo hoggaaminta

Tiro kastaba ha lahaatee, bulsho waliba waxay u baahan tahay hoggaan

arrimaheeda maamula. Laga soo bilaabo qoys ilaa dawlad, hoggaamintu

dadka waa u lamahuraan, taana waxaa inagu boorriyey nebi Maxamad

(Nnkh) oo laga weriyey xadiis uu macnihiisu yahay: ‘Saddex haddaad tihiin oo

aydun sodcaashaan, midkiin madax ka dhigta’. Cid walibase hoggaamiye ma

noqon karto, sidaas awgeedna waxaa jira dadka qaar xilkaas ku habboon iyo

qaar aan ku wanaagsaneyn.

Maxay, haddaba, yihiin tilmaamaha uu leeyahay hoggaamiyaha wanaagsani

sida ay Soomaalidu u aragto? Hiddaheeda sida laga dhex-heli karo, waxaa

25 Ciise-Madoobe: Tol Soomaaliyeed oo Jabuuti dega, laguna kuunyo wadatashiga iyo kaladambaynta.

26 Shuun :Boqor. Shuunka Amxaaro wuxuu ula jeedaa Boqorkii Itoobiya ee xilligaas; Menelikkii.

27 Ninka Boqorka la soo tashaday ee tuhunka lihina waa Ugaas Xaashigii uu hortiisa ka

geeraarayey.

Page 9

jira sifooyin looga baahan yahay qofka hoggaamiyaha noqonayaa inuu

yeesho. Waxaa ka mid ah: Da’da qofka oo ay tixgelin jireen marka la

caleemo-saarayo. Waxay rabi jireen qofka hoggaamiyaha u noqonayaa inuu

waayo’arag yahay oo, ugu yaraan, uu da’-dhexaad ku jiro. Dhallinyarada ma

ay duuban jirin, taana waxaa ina baraysa maahmaahda ah: nin yari intuu

geed ka boodo ayuu talo ka boodaa. Markii uu qofku madax noqdana,

dhaqankiisa iyo maamulkiisa ayay u fiirsan jireen. Waxay, haddii ay ku

arkaan, ku nici jireen eexda, go’aan- jilicsanaanta iyo bakhaylnimada. Waa

tay ku maahmaaheen: ‘Saddex baa boqornimo kaa qaadda; gar leexsan,

guddoon jilicsan iyo gacan laaban!’.

Waxay hoggaamiye wacan u yiqiinneen midka dulqaadka badan ee dadka uu

u taliyo aan ciqaabta kula degdegin, taladoodana dhegaha u fura. Taana

waxaynu ka garan karaynaa gabay uu Cali-Dhuux28 tiriyey oo uu ula jeedey

hoggaamiyihii Daraawiishata; Sayid Maxamad Cabdille Xasan29. Cali-Dhuux

oo markii hore Ururkaas ka tirsanaa waa tuu beri dambe ka fakaday,

dabadeedna Sayidka waa tuu, kolba, u soo dhiibi jirey gabayo dacaayad ah.

Wuxuu ku eedayn jirey gacantii birta ahayd ee uu dadka ku maamuli jirey sida

dilkii maxakamad la’aanta lagu fulin jirey iyo xorriyaddii hadalka ee aanu

dulqaadka u lahaan jirin. Qudhiisa iyo raggii kale ee la fakadayba inay

maamulkiisii ka raysteen isaga oo muujinaaya ayuu yiri:

Teeriga30 raggii lalama dhaco toogashana waaye

Tiiraanyo kuma seexanno iyo taharo caydhiine

Hadalkii la tuugeysan jirey waa ka togannaaye

Ninna ima taxaaboo anaa tay ku meelmara e!

Tusaaleyaashaasi waxay ina barayaan caddaaladda iyo dulqaadku inay ugu

weynaayeen tilmaamihii ay Soomaalidu jeclayd in hoggaamiyaheedu uu

yeesho.

V. Xukun: maxaa loola jeedaa?

Xukun waxaa loola jeedaa tabaha ay xukuumaddu isticmaasho si ay bulshada

u siiso adeegyada ay u baahan tahay iyo si ay sharciyada u samayso, isla

markaasna ay u fuliso. Wuxuu xukunku ku saabsan yahay awoodda iyo islaxisaabtanka;

yaa bulshada saamays ku leh? Yaa wax go’aamiya? Sidee bay

muwaaddiniintu aragtidooda u gudbiyaan? Sidee baase dhinacyada go’aanqaadashada

leh loola xisaabtamaa? Waxaa kaloo xukunka qayb ka ah

wakiillada xukuumadda, adeeg-bixiyeyaasha, warbaahinta, ururrada bulshada

iyo muwaaddiniinta, guud ahaan.

VI. Xukun-wanaagna31 waa maxay?

28 Cali-Dhuux: Gabyaa weyn oo ka mid ah tiirarka maansada kalaasigga ah ee Soomaalida (1865-

1962).

29 Sayid Maxamad (1865-1920) wuxuu ahaa halgamaagii asaasay Ururkii Daraawiishta ee gumeysiga

Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida dhulka Soomaalida kula dagaallamay intii u dhexaysey 1895-

1920kii.

30 Teeri: waran.

31 Marar badan ayaa warbaahinta Soomaalida waxaa laga maqlaa ‘dawlad-wanaag’, iyaga oo u dan leh

inay soomaaliyeeyaan oraahda ah ‘good governance’, taasina sax ma ah. Haddii fikraddaas loo jeedo,

Page

10

Xukun-wanaaggu waa siyaasadaha la degsado oo si dhab ah loo meelmariyo

iyo bixinta adeegyada kala duwan ee baahida dadweynaha lagu

daboolo. Haddii la sii faahfaahiyo, waa xukuumadda dhexdeeda oo laga

hirgeliyo isla-xisaabtan dhanka siyaasadda ah, daah-furnaanta maamulmaalmeedka

xafiisyada, isla-xisaabtan xagga maaliyadda dawladda, kudhaqanka

xukunka sharciga iyo hirgelinta madaxbannaanida garsoorka.

VII. Xukunka loo dhan yahay: muxuu yahay?

Xukunka loo dhan yahay waxaa looga jeedaa muwaaddiniinta oo si firfircoon

oo milgo leh talada dalka looga qayb-geliyo; waa sida ay muwaaddiniintu

xukuumaddooda u hawl-gelin karaan, isla markaasna ay dalabaadkooda kaga

fushan karaan. Xukunka loo dhan yahay waa midka ka-qaybgalkiisu furan

yahay, waxaana ka dhasha xukuumad danaha shacbigeeda u dhego-nugul,

kana jawaabi karaysa, muwaaddiniinteedana ka haqab-tiri karaysa baahida

ay adeegyada guud u qabaan. Muwaaddiniinta qudhooda waxaa xil ka saaran

yahay inay ku dedaalaan sidii codkooda loo tixgelin lahaa, madaxdooduna ay

u noqon lahayd qaar oggol in lagala xisaabtamo halka ay dalka ku wadaan.

Waxaa aad muhiim u ah dhammaan qaybaha bulshadu inay dhaqan-galka

xukun-wanaagga si wax-ku-ool ah uga qayb-qaataan, kuwaasna waxaa ka

mid ah dumarka iyo dadka qaarka laga tirada badan yahay. Maantadan la

joogo, waxaa la qiyaasaa haweenka Soomaalidu, tiro ahaan, inay 50% ka

badan yihiin, marka loo eego dadweynaha dalka ku dhaqan oo idil. Sidoo

kale, kaalinta ay ka galaan wax-ku-biirinta horumarka bulsho iyo midka

dhaqaale ee degaammadooda ayaa iyaduna 50% ka badan, maxaa yeelay

haweeneyda Soomaaliyeed marna waa masruuf-keento, marna waa gurijoogto.

Si, haddaba, ay Soomaaliya horay ugu socoto, waxaa lamahuraan ah

dumarka Soomaalidu inay qaybtooda ka qaataan siyaasadda iyo dhismaha

hannaanka dawladnimo; taas oo u suuraggelineysa inay cod ku yeeshaan

miiska lagu gaarayo go’aammada ku saabsan sida loo isticmaalayo, rag iyo

dumarba, khayraadka ay bulshadu soo wada saarto.

VIII. Gebaggabo

Meelo badan oo adduunka ka mid ah ayaa dimoqraaddiyada lagaga

dhaqmaa, hase ahaatee, laba dal oo isku si ugu dhaqmaa ma jiraan. Dal

waliba isaga ayaa doorta mabaadi’da ka tarjumaysa waxa uu rumaysan

yahay iyo qiyamka uu dadkiisu aamminsan yahay. Sidaas darteed,

dimoqraaddiyad kasta oo Soomaaliya ka soo if-baxdaa waa inay ka

jawaabtaa baahida dadkeeda, isla markaasna uu ka muuqdaa sooyaalka

dhaqameed ee, wadar ahaan, uu shacbigu ugu dhaato. Muwaaddiniinta

dalalka dimoqraaddiyada ku dhaqmaa haddii ay waxqabadka madaxdooda

saluugaan, waxay awood u leeyihiin inay hab nabadgelyo isaga beddalaan.

Waxay kaloo awood u leeyihiin inay doortaan kuwa ay rabaan inay ka wakiil

noqdaan.

waxaa nala hagaagsan in la yiraahdo: xukun-wanaag, maxaa yeelay ‘governance’ waa xukun ee

dawlad ma aha.

Page

11

2

Dastuur & xeer

I. Dastuur waa maxay?

Waxaa si baahsan la isugu raacsan yahay xilalka laga rabo Madaxa Dawlad32

kastaa inuu guto in midka ugu weyni yahay ilaalinta dastuurka dalkiisa.

Kolkolna, waxaa dhegaheenna ku soo dhaca madax sare oo la casiley amaba

iscasishey, ka dib markii lagu eedeeyey dastuurka dalkooda qodobbo ka mid

ah inay jebiyeen. Dhinaca kale, inta aanay go’aammada qaarkood

hirgelintooda ku tallaabsan, waxaa xukuumad walba oo dimoqraaddi ah looga

baahan yahay inay ka ansixiso Golaha Wakiillada dalkeeda, tii aan sidaas

yeelinna waxaa lagu eedeeyaa in dastuurka iyo xukunka sharciga ay ku xadgudubtey.

Saddexdaas tusaale ayaa, haddaba, waxay inoo horseedayaan inaynu

isweyddiinno su’aasha ah: Muxuu yahay dastuurku?

Haddii si kooban loo qeexo, Dastuurku waa xirmo shuruuc ah oo la isku

xukumo, ka dib shacbiga dal-hebel ku wada dhaqan intiisa badani marka ay

oggolaato. Waa dokumeenti sharci ah oo lagu ilaaliyo muwaaddiniinta

xuquuqdooda asaasiga ah, danahooda iyo wanaagga noloshooda. Wuxuu

dastuurku soohdin u yeelaa awoodda xukuumadda, wuxuu caddeeyaa

awoodaha ay yeelanaysaa kuwa ay yihiin, wuxuuna ku qasbaa inay ku

shaqayso qawaaniinta dalka u degsan; taas oo ka hor-joogsanaysa inay

samaysato wixii xeerar ah oo laga yaabo inay iyadu ku danaysanayso. Waxaa

kaloo dastuurka lagu tilmaamaa heshiis bulsho oo mar u dhexeeya

xukuumadda iyo muwaaddiniinta, mar kalena muwaaddiniinta dhexdooda.

II. Xeer-Soomaaligii hore

Sida ku xusan qaybta koowaad ee qoraalkan, Soomaalidii hore waxay u

badnayd reer-miyi, bulsho ahaan, toltol u qaybsan. In kastoo qabiil waliba uu

lahaa hannaan madaxtooyo oo la kala dhaxlo, haddana, gumeysigii Reer-

Yurub ka hor, qabaa’ilkaasi marnaba ma ay yeelan dawlad dhexe oo kulmisa

iyo xukun kala–sarrayn ku dhisan; kaas oo uu qof waliba yaqaan, maamul

ahaan, cidda ka korraysa iyo midda ka hoosaysa.

Qabaa’ilkaas oo weligoodba isku degaan ahaa waxaa dhexdooda ka aloosmi

jirey qardoofooyin iyo iska-hor’imaadyo la mid ah kuwa aadanaha kaleba la

soo gudboonaada. Markaas ayay u baahdeen inay helaan wax kala haga.

Waxay ka fekareen hab ay ku wada noolaan karaan oo khilaafyada marba

soo dhex-gala ay ku furdaamin karaan. Sidaas darteedna waxaa qasab ku

noqotay inay samaystaan hannaanka waayadii dambe Xeer-Soomaaliga ku

32 Madaxa Dawladda waxaan uga jeednaa qof kasta oo dawlad ugu sarreeya; kaas oo magacyo kala

duwan loo yaqaan sida Madaxweyne, Boqor ama Amiir.

Page

12

caan-baxay; kaas oo dastuurrada qarammada dhinacyo uga eg, meelo

badanna ay ku kala duwan yihiin.

Guud ahaan, Xeer-Soomaaligii hore wuxuu ka koobnaa qodobbo uu tol waliba

u ciirsado markii iyaga dhexdooda ay arrintu joogto. Sidoo kale, waxaa

isaguna jiri jirey xeer laba qolo ay ku heshiin jirtey; kaas oo qodobbadiisa ay

xusuusan jireen mar walba oo ay la soo gudboonaato dhacdo u eg middii ay

xeerka ka dhigteen. Sidaas darteed, ayaa waxaa qarniyadii hore Soomaalida

u hirgalay xirmo xeerar ah oo, in kastoo aanay qornayn, haddana kor laga

wada yiqiin, inta badanna loo hoggaansami jirey. Haddii qaar laga

magacaabana, waxaa ka mid ahaa xeerka guurka iyo arrimaha xiriirka la leh,

xeerka xoolaleyda, xeerka beeraleyda, xeerka kalluumaysatada, xeerka

daaqa iyo dhawrista degaanka, xeerka ergada, xeerka colaadda, xeerka

kufsiga, xeerka aflagaaddada, xeerka xilo-kala-qaadka, iwm.

a) Yaa xeer-Soomaaliga sameeyey?

Xeer-Soomaaliga waxaa samayn jirey waxgaradka tolalka oo ka koobnaan

jirey odayada caqliga iyo garaadka sare ay bulshadu ku baratay. Iyagaas qaar

ka mid ah ayaa la sooci jirey oo geedaha midkood hoostiisa ku kulmi jirey;

halkaas oo xaajadii kolba la isku maan-dhaafo ay ku geli jireen. Arrin kasta oo

loo geeyo markay u fiirsadaan, dhinac walbana ay ka eegaan ayay

odayadaasi go’aan ka gaari jireen, kaas oo ay u badnayd dhinacyadii is-hayey

in ay u hoggaansamaan, dabadeedna go’aankaas, kuwii la midka ahaa ee ka

horreeyey iyo kuwa ka dambeeya wadajirkooda ayay qodabbada xeerku ka

samaysmi jireen.

Inta aan la gelin khilaaf kasta oo laba qof amaba laba tol ka dhex-aloosma

waxay guurtida loo soocaa, marka hore, isweyddiin jirtey: Xaajadan ina hortaallaa

ma ugub baa? Mase waa curad? Ugub waxa looga jeedaa khilaaf

nooc cusub ah oo maalintaas ka hor aan bulshada soo marin; kaas oo

goobtaas la joogo xeer hor leh loogu dejin jirey. Curadna waxaa loo yiqiin

xaajadii tu’ la mid ahi ay bulshada soo martay oo xeer la xusuusan yahay laga

samaystay. Taas oo kalena xeerkaas hore ayay odayadu u tixraaci jireen,

kuna furdaamin jireen.

b) Ahmiyaddii uu xeerku bulshada u lahaa

Waxay Soomaalidii hore hubsadeen xeer la’aan in aan bulshadu meel ku

wada dhaqmi karin; taasna, iyada oo aad u faahfaahsan, waxaa laga baran

karaa suugaanta Soomaalida qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan

maahmaahda. Tusaale ahaan, waxay ku maahmaahi jireen: Xeer la’aan waa

la xooloobaa. Waxay kaloo oran jireen: Dad aan xeer lahayn iyo xoolo aan

xero lahayn meel la isuguma keeno.

Labadaas maahmaahoodba sida laga garan karo, wax lamahuraan ah ayuu

xeerku Soomaalida u ahaa, dadkii dhigtay markii ay ku maamulayaanna,

Page

13

eexda ayay odayadu iska ilaalin jireen. Taasna waxaa inoo caddaynaysa

oraahda caanka ah ee maantaas guurtida garta naqaysaa ay ku ducaysan

jirtey; taas oo ahayd: Ilaahoow, eexana ha nooga tegin, aqoondarrana ha

nagu cadaabin! Sidaas awgeed, iyada oo badiba la aamminsanaa odayada

garta gelayaa inay eex ka fog yihiin ayay, guud ahaan, bulshadu

guddoonkooda u hoggaansami jirtey. Waxaa ceebaysnaa kolba guddoonkaas

isaga ah qofkii ku gacan-sayra, isaga oo kalena waxay ku eedayn jireen inuu

gardiid yahay! Sidaas darteed, waxay odayadaasi inooga tageen laba

maahmaahood oo ay arrintaas hoosta kaga xarriiqeen. Tan hore waxay

ahayd: Gari laba nin kama wada qosliso, tan labaadina waa tii ay oran jireen:

Gar dabadeed guugguu baan nacay!

Waxay waayeelku dhallinyarada bari jireen, isla markaasna ku boorrin jireen

in ay xeerka u hoggaansamaan. Wada-xaajoodka ayuu xeerku aad u

aqoonsanaa, taana waxaa markhaati u ah maahmaahdii ahayd: ‘Aan wada

hadalno waa aan heshiinno’. Ciddii gardarro tirsanaysaba waxaa la

gudbooneyd inay geedka odayada cabashadeeda la tagto, si uu xeerku

garsoor u siiyo. Macnaheedu wuxuu yahay; Intii uu qofku dagaallami lahaa oo

waxa ka maqan uu cududdiisa ku soo dhacsan lahaa, waxaa lagu waanin

jirey xeerka jira iyo guurtida wax ku maamusha inuu xaqiisa ku doonto.

Taasna waxaa muujinaysa maahmaahdii kale ee ahayd: Gacantaada midig

haddii lagugu qabsado waa laga gar-baxaa33.

III. Dastuurka iyo Islaamka

Dad badan ayaa waxay aamminsan yihiin dastuur la samaysto iyo Islaamku

inaysan wada shaqayn karin. Taasina wax jira ma aha. Nabadgelyo iyo

naxariisi korkiisa ha ahaatee, Nebi Maxamad markuu Madiina u soo haajirey,

bulshadii muslimka ahaydna uu dhidibbada u aasay ayaa, si amni iyo

nabadgelyo loo wada helo, waxaa qasab noqotay in la habeeyo xiriirka u

dhexeeya muslimiinta iyo bulshooyinkii kale ee magaaladaas wax ka

degganaa. Taasina waxay horseedday in nebigu (nnkh) uu soo ban-dhigo

Dastuurkii Madiina; kaas oo Axdiga Madiinana loogu yeero. Wuxuu ahaa

heshiis rasmi ah oo dhex-maray nebiga iyo dhammaan qabaa’ilkii reer

Madiina. Guushii ugu muhiimsanayd ee lagu gaareyna waxay ahayd inuu soo

af-jaray colaaddii muddada dheer ka dhex-aloosnayd qabaa’ilkii magaaladaas

iyo afaafkeeda ku dhaqnaan jirey. Wuxuu ahaa heshiis si cad loogu qeexay

xuquuqda iyo xilalka saaran muslimiinta, Yahuudda, Masiixiyiinta iyo

Mushrikiinta (sanam-caabudeyaasha); kuwaas oo uu Axdigu Ummad keliya

ka dhigay.

Runtii, Dastuurka Madiina sannadkii uu soo baxay weli dood baa ka taagan,

waxaase loo badan yahay inay ku beegnayd 622kii dhalashadii nbei Ciise ka

dib. U fiirso: waa ku-dhowaad 1300 oo sano ka hor markii lagu dhawaaqay

Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (1948kii). Wuxuu

Dastuurkaasu salka u dhigay dawlad muslin ah tii ugu horraysey, isaga oo

qodobbadiisa ku damaanad-qaaday: amniga bulshada, xorriyaadka diinta iyo

33 Xeerkii hore ee Soomaalida waxaa isaga oo intaan ka faahfaahsan laga baran karaa labada buug ee

kala ah: Xeer-Soomaaligii Hore, Daabacaad Afraad, uuna qoray Axmed Sheekh Cali (Buraale),

Muqdisho, 2002; iyo: Xeer Ciise oo isagana uu qoray Cabdalle Xaaji Cusmaan, Jabbuuti 2011.

Page

14

caqiidada, Madiina oo uu u aqoonsaday Xaram, loolana jeedo meel ka

caaggan gacn-ka-hadalka iyo hubka, xiriir xasilloon oo qabaa’ilka magaalada

la dhex-dhigay, hab dhaqaale-uruurin ah oo xilliyada dagaalka bulshada lagu

taageero, hannaan garsoor oo khilaafyada lagu xalliyo iyo, sidoo kale,

siyaalaha diyada loo bixinaayo.

Waxaa, haddaba, mudan in aynu mar walbaba maanka ku haynno Dastuurka

Madiina inuusan ahayn wax ka geddisan amaba ka madax bannaan

Quraanka Kariimka ah oo ah asaaska shuruucda Islaamka. Wuxuu qayb ka

yahay Sunnada nebiga (nnkh). Sida la og yahayna, mar walba Quraanku waa

masdarka ugu weyn ee shuruucda Islaamka iyo hanuunkaba loo doonto, si

buuxda ayayna Sunnada isu waafaqsan yihiin. Sidaas awgeedna, Dastuurka

Madiina wuxuu tusaale u yahay sida dastuur iyo shareecadu ay iskummar u

wada jiri karaan, una wada shaqayn karaan.

IV. Dastuurka iyo shareecada

Inta lagu jiro heerka diyaarinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa

loo baahan yahay in si qoto dheer loogu fiirsado isaga iyo shareecadu sida ay

isula jaan-qaadi karaan. Taasna waxaa loo mari karaa in aqoonyahannada

shareecada Islaamka hawsha laga qayb-geliyo. Dalal faro badan oo muslin

ah ayaa dastuurro leh sida Baakistaan, Urdun, Masar, Yaman, Iiraan, Turkiya,

Afgaanistaan iyo qaar kale.

Dhammaan dalalkaasi waxay ku dhaqmaan dastuurro aad u kala geddisan,

markii loo eego mid walba kaalinta ay shareecadu kaga jirto.

Tusaale ahaan, dastuurrada Baakistaan iyo Iiraan waxaa ka muuqda aqoonsi

ballaaran oo si aad ah Islaamka loogu hayo iyo shareecada oo ay u

muujinaayaan inay dalalkooda u tahay masdarka asaasiga ah ee sharcidejinta.

Dhinaca kale, in kastoo, rasmi ahaan, dalka Urdun uu Islaamku diinta

dawladda yahay, haddana shareecada waxaa loo adeegsadaa xaalado

madani ah oo kooban; kuwaas oo muwaaddiniinta muslinka ah oo keliya

khuseeya34. Waxaa iyaguna jira dalal tirada ugu badan ee dadkoodu ay

muslin tahay sida Indoniisiya iyo Turkiya, sidaas oo ay tahayna aan

dastuurkooda ku sheegin in Islaamku uu diinta dawladda yahay. Si kastaba

ha ahaatee, ummadda Soomaaliyeed oo keliya ayay u taallaa go’aanka ku

saabsan kaalinta ay shareecadu dastuurkooda ku yeelan doonto.

V) Dhaqan-galka Dastuurka

Dastuur waliba wuxuu sharci ku noqon karaa markii ummadda qoratay ay isku

waafaqdo; taas oo laba siyood mid ahaan ku imaan karta: in afti dadweyne

loo qaado, laguna oggolaado iyo in Gole Dastuur35 uu qalinka ku duugo. Afti

dadweyne waxaa loola jeedaa cod-bixin toos ah oo dhammaan

34 Dastuurka Urdun, qodobka 105d.

35 Gole Dastuur waxaa loola jeedaa ‘Constiuent Assembly’.

Page

15

muwaaddiniinta xaqa u leh lagu weyddiiyo arrin loo soo bandhigay inay

oggolaadaan ama ay diidaan. Dastuur markay joogto, haa ama maya ayay

muwaaddiniintu ugu codeeyaan.

Gole Dastuur isaguna waa tiro dad ah oo si gaar ah loogu igmado diyaarinta

ama dhaqangelinta dastuur markaas cusub. Xubnaha goalahaasina waxay ku

imaan karaan magacaabid ama inay dadweynuhu doorasho ku soo xulaan.

Siday u badan tahayse, Golahaas oo kale waxa uu jiraa muddo gaaban,

hawshii loo magacaabay markay ebyaanna waa la kala diraa. Taariikhda oo

idil markii dib loo milicsadona, dhawr dal oo qura ayaa Gole noocaas ah

samaystay, welina ay u shaqeeyaan; kuwaas oo laga magacaabi karo

Suuriya, Baakistaan, Hindiya, Nebaal, Indoniisiya iyo Maraykanka.

IV) Gebaggebo

Dastuur ay Soomaalidu yeelato waxaa laga rajeynayaa inuu noqdo

dokumeenti shakhsiyaddoodii dib ugu soo celiya, ayna kaga raystaan

dagaalkii sokeeye ee 20kii sano ee u dambeeyey uu dalku ku soo jirey.

Hadda ayaa diyaarinta dastuurkaas isaga ah gacanta lagu hayaa, waxaana

muhiim ah muwaaddiniinta Soomaalidu in geeddi-socodkaas ay ka qaybqaataan.

Dastuur kasta oo diyaarintiisa iyo meelmarintiisa dadweynaha laga

qayb-geliyaa wuxuu Soomaaliya u keeni karaa xukunka sharciga oo loo

hoggaansamo, xuquuqda aadanaha oo la ilaaiyo iyo kheyraadka dabiiciga ah

ee dalka oo si siman loo qaybsado.

3

Baahinta Maamulka & Habka Federaalka

I. Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya

Sida laga war-hayo, sannadihii ugu horreeyey siddeetannadii qarnigii 20d,

waxaa Soomaaliya ka bilawday colaado sokeeye oo dhex-maray xukuumaddii

markaas maamulka haysey iyo jabhado ku soo duuley. Ugu dambaystiina,

jabhadahaas oo hubaysnaa, qabiil-qabiilna u abaabulnaa waxay ku

guuleysteen xukuumaddaas inay ridaan oo ay dhulka jilbaha ugu dhuftaan

(1991). Ha yeeshee, waxay awoodi kari waayeen, intay talo midaysan wada

gaaraan, inay dalka u dhisaan xukuumad tii ay rideen beddesha oo ay

ummaddu ku wada raalli noqon karto.

Taasina, sidii dib ka caddaatay, waxay sabab u noqotay guuldarrooyin aan

weli laga biskoon, sida:

  • · dagaallo sokeeye oo dhammaan waayey, laguna baabba’ay;
  • · shuruucdii dalku lahaa oo mar qura meesha ka wada baxday;
  • · Xuquuqdii Aadanaha oo lagu tuntay, gaar ahaan xuquuqda qaybaha

bulshada kuwa ugu taagta daran sida dumarka, carruurta iyo tolalka

aan hubaysnayn;

  • · adeegyadii bulshada oo miyi iyo magaalaba looga diimey;
  • · kaabeyaashii dhaqaalaha ee dalku lahaa oo si aan ka-soo-kabasho

lahayn u burburay;

Page

16

  • · qax iyo barakac ballaaran oo, gudaha iyo dibeddaba, loogu kala

cararay;

  • · maamulladii degaannada iyo degmooyinkii oo si buuxda ugu gacangalay

qaar ka mid ah dagaalyahannadii kala ujeeddada ahaa ee,

sidaan soo sheegnay, dhiciddii Dawladda iyagu sababta u ahaa;

  • · midnimadii dhuleed ee Jamhuuriyadda oo aad u dhaawacantay.

Runtii, intaas oo dhibaatooyin ahiba Soomaalida way la soo gudboonaadeen,

iyaga ayayna ku qabteen xanuunka ugu daran, sida ugu ba’anna u

saameeyeen. Taasina waxay gilgishey dareenkii hal’abuurro Soomaaliyeed

oo faro badan; kuwaas oo, wixii dhacay, maansooyinkooda si walba ugu

cabbiray. Aan tusaale ahaan u soo qaadanno gabyaagii weynaa;

Cabdulqaadir Xirsi Siyaad oo ‘Yamyam’ loo yiqiin; kaas oo, Allaha u

naxariistee, 1991kii maanso uu tiriyey ku tilmaamay dagaalladii sokeeye iyo

maamul la’aantu sidii ba’nayd ee dalka iyo dadkaba ay u galeen. Waxaa ka

mid ahaa:

Baroon iyo qori madfaca

Bam iyo qiiq iyo rasaas

Bulshadu wada quudatoo

La waa naar meel qabow36!

Naftii qiimaha lahayd

Dhiiggii qaaliga ahaa

Wed baa lagu quudiyaa

Quus baa lagu seexiyaa!!

……………………

Dareen qarannimo la waa!

Xornimo qaabkeed dhammaa!

Xiriirkii labada qoys37

Cakuye! goo qoofalkii!

……………………

Qodaal iyo beero ma leh

Qallale geedihi miruhu

Cid kale qurus38 laga sugaa

Xoog weyn lagu qaybsadaa!!

Sannadkii 1993kiina maanso dheer oo uu tiriyey ayuu Yamyam ku soo

gebaggabeeyey sidii colaaduhu, ay dad iyo hantiba, u baabbi’inayeen,

qarannimadii iyo midnimadii dalkuna ay rabrabta u saarraayeen! Wuxuu yiri:

Meeshuu na geeyaba

Ilaah baan marti u nahay;

Runtii maanta laakiin

36 ‘La waa naar meel qabow’ wuxuu ula jeedaa meel walba oo dalka ka mid ahba dagaalladii ayaa

saameeyey. Sidaas darteed, waa sida naarta oo meel meel dhaantaa ma jirto.

37 Labada qoys: Labada gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka kooban tahay (waqooyi & koofur).

38 Qurus (Qursi): Weel yar oo badarka lagu cabbiro. Wuxuu ula jeedaa kaalmo aad u yar oo dibedda

laga soo dhiibo, markaasna, baahi awgeed, ay Soomaalidu ku dirirto!

Page

17

Maal iyo naf laga samir!

………………..

Qarankiyo midnimaduna

Meyd suga xabaashoo

Ku muddaysan iilkoo

Kafantii ka maqan tahay

Matalkoodi weeyaan!!

II. Habka Federaalka

Welwelkii ka abuurmay burburka Dawladdoodii Dhexe, Soomaalida oo keliya

kuma uu ekayn. Wuxuu, sidoo kale, u taabtay bulshada caalamka oo

aqoonsanayd, istaraatiiji ahaan, ahmiyadda ay Soomaaliya Badyarada

Cadmeed ku leedahay. Dabadeedna, waxaa markiiba si wadajir ah loo

bilaabay in la qabto shirar iyo aqoon-isweydaarsiyo ay ujeeddadoodu ahayd

sidii, mar labaad, dalka dib loogu dhisi lahaa xukuumad qaybaha bulshada iyo

gobolladu ay u wada dhan yihiin.

Ajendooyinka shirarkaas waxaa mar walbaba meelaha hore kaga jirey sidii

jawaabo loogu heli lahaa su’aalaha ay ka midka yihiin; maxay ahaayeen

sababaha ay Dawladdii u burburtay? Maxay dagaallada sokeeye u joogsan la’

yihiin? Sidee baa colaadaha lagu joojin karaa, xasilloonidiina dalka loogu soo

celin karaa?

Shirarkaas qaarkood ayaa waxaa lagu go’aamiyey in wax laga beddelo

hannaankii hore ee, tan iyo 1960kii39, ay Dawladdii Soomaaliya u soo

dhisnayd. Waxaa dan la moodey in dadweynaha xukunka laga qayb-geliyo oo

gacanta Xukuumadda Dhexe40 aanay taladu mar dambe ku uruursanaan.

Dabadeedna, 2004tii ayaa shir Neyroobi lagu qabtay waxaa lagu saxiixay

dhisidda hay’ado federaal oo ay Soomaaliya yeelato. Ha yeeshee, tan iyo

markii habkaas lagu dhawaaqay, Soomaalidu waxay isweyddiinaysey waxa

uu federaalku yahay iyo sida uu u shaqeeyo.

III. Muxuu yahay federaalku?

Federaalku waa hab xukun oo qeexaya xiriirka u dhexeeya Xukuumadda

Dhexe iyo qaybaha ay ka kooban tahay ee kala heerarka ah; heer-gobol,

heerka dawlad-goboleedyada iyo heerka Dawladaha Hoose. Hab-xukunkaani

wuxuu salka u dhigaa awoodaha Dawaladda Dhexe iyo xukuumadaha

maxalliga ahi ay kala yeelanayaan. Qayb walbaba waxaa loo qoondeeyaa

awoodo iyada keligeed gaar u ah iyo kuwo kale oo dhinacyadu ay la

wadaagaan. Dalalka habkaan federaalka ah ku dhaqmana waxaa ka mid ah

Maleeshiya, Baakistaan, Hindiya, Imaaraadka Carabta, Koonfur-Afrika,

Nayjeeriya, Kanada iyo Maraykanka.

Dalalka habkaan qaatay oo isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo yaryar, isku si

uguma dhaqmaan. Qaar baa si aad ah waxaa ugu kala qeexan awood-

39

40 Xukuumadda Dhexe waxaa loola jeedaa waxa afka qalaad loogu yeero central government ama

national government oo iyadu ah midda, caalami ahaan, dalka oo idil matasha.

Page

18

qaybsiga Xukuumadda Dhexe iyo dawlad-goboleedyada amaba gobollada,

halka kuwo kalena aan awooduhu aad ugu kala caddayn. Mase jirto dawlad

federal ah oo loo qaadan karo inay iyadu tahay tusaale la raaco, xaalad

walbana u suubbata. Dawladaha fedreraalka ah badankood waxay

Xukuumadda Dhexe u oggolaadaan inay yeelato awoodaha qaarkood sida

daabicidda lacagta, arrimaha gaashaandhigga, ansixinta heshiisyada

caalamiga ah iyo ganacsiga dibedda.

IV. Muxuu federaalku tari karaa?

Habka federaalku wuxuu dhiirri-geliyaa arrimaha dawladda oo si ballaaran

looga qayb-galo, maxaa yeelay wuxuu fidiyaa xukuumadda heer qaran, heerdawlad-

goboleed iyo heerka maxalliga ah intaba. Wuxuu isu soo dhoweeyaa

muwaaddiniinta iyo hoggaamiyeyaashooda, waxaana loogu xilan karaa

fursado shacbiga u oggolaanaya inay maamulka xukuumaddooda ku lugyeeshaan.

Waa hab damaanad-qaada kala-seeridda awoodaha ay kala

leeyihiin laamaha ay dawladdu ka kooban tahay oo kala ah fulinta, sharcidejinta

iyo garsoorka. Haddii, xataa, awoodaha laamaha Xukuumadda Dhexe

uu qof ama kooxi ay isku koobto, weli habka federaalku wuxuu damaanadqaadi

karaa dawlad-goboleedyadu inay si madax bannaan hawlahooda ku

fushadaan.

Dhinac kale markii laga eegona, waxaa habkaan lagu dhalliilaa hirgelintiisu

inay dawlad-goboleedyada qaali ku tahay. Maxaa yeelay, dawlad-goboleed

walba waxaa laga doonayaa inay qayb ka bixiso kharashyada ay

Xukuumadda Dhexe ku shaqayso, iyada oo isla markaasna laga rabo keeda u

gaarka ahna inay ku fillaato.

V. Gebaggabo

Si kastaba ha ahaatee, ummadda Soomaaliyeed oo keliya ayaa go’aan ka

gaari karta habka dhismaha dawladda Soomaaliya sida uu noqonaayo.

Waxaase lagama-maarmaan ah dadweynuhu inuu u war-hayo kolba sida uu

habkaasi noloshooda u saamaynaayo. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in

federaalka iyo waxa uu ku saabsan yahay si baahsan looga doodo, inta weli

diyaarinta dastuurka cusub lagu jiro. Ugu dambaystana, waxay u badan tahay

qodobbada dastuurkaas isaga ah in qaab-dhismeedka dawladda lagu qeexi

doono.

Page

19


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply