Hordhac
‘………………………
Soomaali hoog baa qabsaday ama halaag weyne
In hadaadunkeedii ka dhacay dunida heedaaman
Uu haad ku cunay meel kastaba kala-hallawgeeda
Aan welina haabkeed la hayn soo-humhumiddeeda
Ay Janannadii ku halgameen horeba loo eeday
Aan haybaddeedii dhammaan laguba haasaasin
Oo aan baryada hay’adaha laga han-weynaannin
Ay gacanta uun hoorsataa waa halaaq-xumo e!’
(Aadan-Carab: 1996)
Maxay Soomaaliya xukuumad ugu baahan tahay? Waa su’aal meesha ku jirta
oo la isweyddiin karo, iyada oo muddo labaatan sano ka badan aanu dalku
yeelan xukuumad shaqaysa. Dhallinyaro Soomaaliyeed oo kumaankun ah
ayaan weligood u soo joogin hab-xukun rasmi ah oo dalkooda si wax-ku-ool
ah loogu maamulaayo. Muddadaas wax ka badanna, Soomaalida xukun
dimoqraaddi ahi ma soo marin.
Xukuumad dimoqraaddi ah waxaa loola jeedaa xukuumad uu dadku awoodda
leeyahay, si toos ahna uu isagu ugu shaqeeyo, iyada oo taana loo marayo
wakiillada la soo doorto; kuwaas oo laga filaayo inay u taagnaadaan
meelmarinta danaha muwaaddiniinta. Xukuumad dimoqraaddi ah oo wax-kuool
ahi markii ay jirto ayaa waxaa suuroobi kara in la helo adeegyada
dadwewynaha ay xukuntaa ay u baahan yihiin. Adeegyadaan oo badan
waxaa ka mid ah caafimaadka, waxbarashada iyo nabadgelyada. Isla
xukuumaddaas oo kale waxaa xil ka saaran yahay dhismaha waddooyinka,
dugsiyada iyo isbitaallada. Sidoo kale, waxay mas’uul ka tahay inay salka u
dhigto hannaanka fulinta qawaaniinta iyo tababbaridda dhinacyada
hirgelintooda u xil-saaran. Siday u badan tahayna, xukuumad kasta oo
dimoqraaddi ahi adeegyada ay bixiso waxay ku fulisaa dhaqaalaha kolba ay
ka hesho canshuuraha iyo kaalmada ka soo gaadha dalalka shisheeye ama
ururrada caalamiga ah.
Sidaas darteed, shaki kuma jiro Soomaaliya inay u baahan tahay xukuumad
saldhig adag leh, si muwaaddiniinteedu ay u helaan adeegyada,
badeecooyinka iyo khayraadka ay mudan yiihiin inay helaan.
Waxaa, haddaba, buuggan yar ku xusan macluumaad kooban oo looga gol
leeyahay in dadweynaha Soomaaliyeed lagaga kaalmeeyo dhab-u-garashada
dimoqraaddiyada, xukunka iyo xukun-wanaagga, dastuurka iyo baahinta
maamulka dawladda. Ujeeddada kale waxay tahay in qoraalkan lagu muujiyo
in fikradahaasi ay yihiin qaar dhaqanka Soomaalida sal ku leh oo aan ahayn
kuwo reer-galbeedka u gaar ah ama shacbiga Soomaaliyeed inta kor looga
keeno lagu sandulleynaayo.
1
Page 1
1. Dimoqraaddiyada iyo Xukunka
I. Asalka iyo ujeeddada erayga
Had iyo jeer, qalabka kala duwan ee warfaafinta waxaynu ka maqalnaa ama
aynu ka akhrinnaa ‘dawlad hebla’ waa dimoqraaddi, dawlad heblana ma aha
oo waa diktatooriyad’ (kelitalis). Maxay, kolka, dimoqraaddiyadu tahay?
Maxaase looga jeedaa?
In ka badan 2.400 oo sano ka hor ayuu eraygaasu ka soo baxay
magaalooyinkii dalka Giriigga ee mid waliba ay iskeed dawladda u ahayd1.
Waa hab la isku xukumo oo arrimaha noloshiisa sida loo maamulaayo uu
dadku guddoonsado, isaguna uu go’aankeeda iska leeyahay. Sidaas darteed,
ummaduhu marka ay xukuumadaha dimoqraaddiga ah dhisanayaan, waxaa
jira ujeeddooyin waaweyn oo ay ka leeyihiin; kuwaas oo ay ka mid yihiin
ilaalinta iyo horumarinta xuquuqdooda, xaqiijinta danhooda iyo meelmarinta
baraarahooda. Guud ahaanse, mabda’a dimoqraaddiyada waxaa lafdhabar u
ah xorriyadda siyaasadeed, iyada ayaana lagu dhudhumiyaa.
Haddii si kooban loo yiraahdo, dimoqraaddiyadu waa:
iyada oo taana loo maraayo doorashooyin xor iyo xaq ah;
siyaasadda iyo maaraynta arrimaha noloshooda gudaha ku saabsan;
muwaaddiniintu siman loogu maamulo xeerarka dalka u yaal.
II. Soomaalida iyo Dimoqraaddiyada
Soomaalida oo ka mid ah ummadaha Geeska Afrika ku dhaqani waxay
muddo dheer nolosheedu ku dhisnayd habka xoolo-dhaqashada iyo
raacatannimada. Waxay dhaqan jirtey, qayb weyn oo ka mid ahina ay weli
dhaqataa, geela, lo’da iyo ariga; kuwaas oo ay ka hesho qaar ka mid ah
cuntooyinka uu aadanuhu u baahan yahay, gaar ahaan hilibka iyo caanaha.
Bulsho ahaan, intii aanu gumeysigu dalka soo gelin, waxay u qaybsanayd
qabaa’il derisyo ah oo ku loollama daaqa iyo biyaha, marar badanna ku
dagaallama. Talis dhexe oo ka dhexeeya ma ay lahayn, qabiil walibana iskiis
ayuu isu maamuli jirey, isaga oo aan cid kale dibedda ka soo faro-gelin.
Waxay wadaagtey, welina ay wadaagtaa, af qura oo afsoomaaliga ayay ku
wada hadashaa, diin qura oo ah midda Islaamka ayay wada rumaysan tahay,
waxayna ku wada nooshahay dhul, juqraafi ahaan, xiriirsan oo soohdimo
dabiici ah aan lahayn.
Waxay Soomaalidu lahaan jirtey hannaan madaxtooyo oo, sida loo malayn
karo, jiritaankeeda la da’ ah. Taasina waa wax aan iyada keliya ku
1 Magaalooyinkaas oo loo yaqaan City-states waxaa ugu caansanayd Athnes oo hadda dalka
Giriigga magaalo-madax u ah.
Page 2
koobnayne, ay kala mid tahay dadyowga kale ee dunida ku dhaqan. Goor
hore ayay bulshooyinka aadanuhu dareemeen inay noloshoodu sii wacnaan
karayso, haddii ay tu’ waliba yeelato madax ay agaasinkeeda ku aamminto,
iyadana kala hagta.
Siday u badan yihiin, qabaa’ilka Soomaaliyeed waxa uu mid waliba iskiis u
leeyahay nin u madax ah; kaas oo ku abtirsada jilibka ama lafta tolkaas isaga
ah ugu curadsan. Waa hannaan, sida boqortooyooyinka lagu yaqaan,
dhaxaltooyo ku salaysan oo, geeri ka dib, inanka curadka ahi uu aabbihiis uga
haro.
Madax-dhaqameedyada Soomaalidu waxay kala sitaan magacyo kala duwan
oo, in door ah oo ka mid ah, macnaha iyo halka ay ka soo jeedaan aan la
qeexi karin, kolka loo eego Afsoomaaliga oo ah afka ay qabaa’ilkaasi ku wada
hadlaan. Waxaa ka mid ah Ugaas, Malaakh, Garaad, Boqor, Wabar, Islaan
iyo qaar kale. Qabiil waliba wuxuu leeyahay madax-dhaqameedkiisa u gaarka
ah; kaas oo huwan magac magacyadaas ka mid ah.
Ma kala sarreeyaan, sidaas darteedna, haddii ay goob keliya ku wada
kulmaan fadhiga iyo hadalkaba way u siman yihiin. Sidoo kale, ma laha kuxigeenno
hawlaha guddoonka la qaybsada, in kastoo madax-dhaqameed
walba agihiisa lagu arko dhaxlsuge loo malayn karo inuu isagu talada uga hari
doono maalintii uu geeriyoodo.
Xagga xukunka markii laga eego, madaxdaasi ma lahayn awood u gaar ah
iyo ciidan u fuliya kolba wixii talo ah oo ay iyaga la noqoto. Halkaan ayaa
waxaa laga dareemi karaa wax u eg astaamaha dimoqraaddiyadu leedahay
oo Soomaalidu ay ku dhaqmi jirtey. Markii ay qabiilka arrini la soo
gudboonaato, loona baahdo in go’aan laga gaaro ayaa madax-dhaqameedku
wuxuu qabanqaabin jirey shir uu tolku isugu yimaado oo arrintaas iyada ah
lagu gorfeeyo. Shirkaas oo kale waxaa lagu qaban jirey geed la yaqaan
hoostiis. Odayada waxgaradka ah ka sokoow, nin walba oo qaangaar ahi
wuxuu xaq u lahaa arrinta halkaas lagu hayo inuu wax ka yiraahdo,
ra’yigiisana uu ka dhiibto. Ugu dambaysta, go’aanka geedkaas lagu gaaraa
wuxuu ahaan jirey mid, wadar ahaan, loo wada oggolaaday, sidaas darteedna
aan ku imaan cod la qaaday oo tiro badan iyo tiro yar inta loo eegay, talada
intii badnayd la qaatay, intii ay tiradeedu yaraydna ra’yigeedii laga tegey2.
Sida habkaas ka muuqata, madaxa qabiilku marna awood uma lahayn intuu
iskiis go’aammo u soo gaaro inuu dadka kor kaga keeno. Heer kasta oo
go’aan-qaadashadu ay marayso, odayada iyo waxgaradka qabiilku waa ka
qayb-qaadan jireen, ugu dambaystana Ugaaska, Garaadka ama Malaakha
ayaa guddoomin jirey. Taas ayaana u horseedday cilmibaare Ingiriis ah oo
arrimaha Soomaalida wax badan ka qoray in madax-dhaqameedka
2 Waxa uu habkani aad ugu eg yahay noocyada diimoraaddiyadda midkood oo ah nooca loo
yaqaan Consensus Democracy; go’aanka ugu dambeeya oo la gaaro markii la wada
dhegeysto talada xubnaha ay arrintu khusayso; iyada oo aan cidnaba laga tegin. Sida
muuqata, tani Dimoqraaddiyada Isdoorashada ku salaysan (Representative Democracy)
waxay kaga duwan tahay ‘Aqlabiyad’ iyo ‘Aqalliyad’ (tirada badan iyo tirada yar) iyada
go’aammada laguma gaaro.
Page 3
Soomaalidu uu ula ekaado Afhayeen Baarlamaan oo kale, hannaankaas
isaga ahna uu ku tilmaamo dimoqraaddiyada xoolo-dhaqatada3.
Guud ahaan, sidaas ayuu ahaan jirey xiriirka u dhexeeya madaxdhaqameedka
iyo tolka uu u boqran yahay, in kastoo mararka qaarkoodna la
arki jirey Ugaas ama Garaad inta talo soo jeediya durbadiiba lagu raaco,
iyada oo aan wada-xaajood badan laga yeelan. Taasise ma ahayn wax ay
madaxdu ka wada sinnayde, waxay u suuraggeli jirtey oo keliya kolba madaxdhaqameedka
reeraha dhexdooda sida gaarka ah maamuuska ugu yeesha
oo, shakhsi ahaan, haybadda uu leeyahay awgeed, dadka uu u taliyaa ay uga
wada dambeeyaan.
III. Madax keligood-taliyeyaal ah & tusaaleyaal
Runtii, Soomaalidu erayga ‘dimoqraaddiyad’ ma ay aqoon, afkoodana kol
dhow ayuu ku soo biiray. Ha yeeshee, sidaan meel hore ku soo xusay, wax
badan oo ka mid ah astaamaha ay fikraddaasi leedahay ayaa laga dareemi
karaa hiddaheedii hore. Waxay aamminsanayd, aadna u qaddarin jirtey
sinnaanta iyo xorriyadda oo ah astaamaha mabda’a dimoqraaddiyadu uu
xanbaarsan yahay; taasna waxaa inoo sii iftiimin kara siday uga hor’imaan
jireen madaxdii isku dayday inay ku amar-ku-taaglayso.
Marar dhif ah ayaa waxaa Soomaalida dhexdeeda ka soo bixi jirey nin madax
ah oo hannaanka wadatashigu uu isaga u cuntami waayo, dabadeedna
dabeecad ka dhigta, talada uu maalintaas wato inuu dadka dirqi ku yeelsiiyo.
Ninkaas oo kale, si walba oo suuraggal ah ayaa la isu hortaagi jirey: Mar ay la
diriraan, mar ay ka baxsadaan oo u dal-daayaan iyo mar ay gabayo cay iyo
haaraan miiran ah u tiriyaan, dabadeedna intay sidaas magaca kaga dilaan
ay, marka dambe, cidina maqli weydo, una soo joogsan weydo. Maahmaah
caan ah ayaa waxay ahayd: saddex lalama heshiiyo;
Taliye jiitaa4 ah;
Taxdaa wadaad5 ah; iyo
Turqato naag6 ah
Arrintaasna aan ku tusaaleeyo laba sheeko oo qarnigii 19d soo maray
bulshadii hore ee Soomaalida.
a) Tusaalaha 1d: Wiilwaal & dardaarankiisii
Taariikhda bulshada Soomaalida inta laga xusuusan yahay, qoladii ay u talin
jireen raggii muddada aan yarayn ku amar-ku-taagleeyey waxaa ugu darraa
Garaad Xirsi Garaad Faarax oo Wiilwaal ku magac-dheeraa. Wuxuu madax u
ahaa Galbeedka Soomaalida ku dhaqan tol ka mid ah oo Bartire la yiraahdo.
3 Arag Lewis, I.M. A Pastoral Democracy (Oxford University Press, London, 1961) .
4 Ninka madaxda ah ee talada aan waxgaradka kale u bandhigine, inay tiisu fusho uun mar
walba ku adkaysta.
5 Wadaadka marka neef loo qalo hilbaha inta uu cuno mooyee, inta kalena qori ku taxda, si uu
qoyskiisa ugu geysto ama isaguba uu kol dambe u cuno. Waxaa la rabaa inuu hilbaha qaar
hanbeeyo, si reerkii neefka u qalay ay wax ugu haraan.
6 Waxay ula jeedaan haweeneyda la qabo ee sayga iyo iyadu markay wax isku qabtaan ama
ay isku qabsadaan kolba wixii ay iyadu rabto ku dhegta, lagana furfuri waayo.
Page 4
Wuxuu ugu caansanaa bilawgii qarnigii 19d madaxdii Soomaalida dhexdeeda
magaca dheer ku yeelatay ee sheekooyinka layaabka leh, ilaa maantaba,
laga weriyo.
Intii aan qoladiisa loo shuumin, wuxuu ahaa dagaalyahan geesi ah oo kol
walba feejigan, warmuhuna ay gacmihiisa diyaar ku yihiin! Isaga oo
ammaanduule ah ayuu, sannado badan, wuxuu qoomiyadda Gaallaha7 kula
dagaallami jirey daaqa iyo biyaha dhulkii ay deriska ka ahaayeen. Ugu
dambaystiina, taariikhda gobolku siday inay barayso, isaga ayaa loo tiriyaa
banka Jigjiga inuu qoomiyaddaas kaga guuleystey, sidaasna uu ku noqday
geyi ay Soomaalidu leedahay.
Jigjiga iyo dhulka ku xeeran kolkii loo caleemo-saaray ee uu Garaadka ka
noqdayna, wuxuu la soo baxay maamul cusub oo madax-dhaqameedyadii
isaga ka horreeyey ee Soomaalidu aanay aqoon. Sida qarammada casriga
ahi yeelaan si u eg ayuu u abuuray xeerar isaga la da’ ahaa; kuwaas oo uu
fulintooda ka dhigay wax dusha ka saaran cid kasta oo taliskiisa hoostimaadda.
Waxay ahaayeen xeerar ad’adag oo samayntooda aanu cidnaba
kala tashan jirin, jebintoodana ciqaab weyn oo dilku ugu badnaa ay dadku ku
mudan jireen. Isaga oo qudhiisuba ahaa nin aad u gacan fudud ayuu,
haddana, wuxuu yeeshay ciidan daacad u ah, guuto mar walbaba heegan u
ah, amarradiisana aan hadal ka soo celin. Siday ku tilmaameen, wuxuu ahaa
ninkii uu doonaba nin dila. Kii uu rabo afada ka qaada, kana guursada. Kii ay
la ahaato, duhur cad, xoolaha kala wareega oo cayr ka dhiga, kii uu madaxtaag
ka dareemona jilbaha dhulka ugu dhufta!
Tilmaamaha shakhsiyaddiisa sida laga garan karo, wuxuu ahaa diktatoor8 aan
nixin oo, gar iyo gardarraba, dad badan ruuxa ku weysiiyey! Sidaas oo ay
tahayna, waxaa jirey rag Soomaaliyeed oo u babac-dhigay…rag uu ka tabwaayey
oo si walba uu ku deyey, haddana uu ka guul-heli waayey. Waxay
ahaayeen, markii uu dhimanaayey, raggii geyeysiiyey inuu qirto, muddo
dheer, inaan cidna dirqi loogu talin karin, in kastoo si walba loo cadaadiyo, si
kastana loogu gabood-falo. Wuxuu ahaa ninkii u digey keligood-taliyeyaasha
laga yaabo isaga dabadiis inay soo baxaan, kuna dardaarmay, “Rag
hooyadiisna u hayey oo ‘walaalow’ wax uu ku dhaamo waan waayey9!”.
Sidaas oo kale, waxaa jira Soomaalida qaar ku sheekeeya isla Wiilwaal inuu
ahaa ninkii ku tiraabay oraahda markii dambe maahmaahda noqotay ee ah:
‘Rag garabkaaga ayaa laga dayaa ee gondahaaga lagama dayo10’; taas oo
inoo sii iftiiminaysa mabda’a sinnaantu sida uu dhaqanka Soomaalidii hore
ugu gaamurey.
7 Gaalla waa magac hore oo loo yiqiin qoomiyadda Oroomada; taas oo lagu sheego inay
tahay qoomiyadaha Geeska Afrika ku dhaqan midda, tiro ahaan, ugu badan.
8 Sheekada Wiilwaal oo dhammaystiran ka doono buugga ku magacaaban: Sheekooyin
Soomaaliyeed, uuna qoray Axmed F. Cali “Idaajaa”, (Neyroobi, 2008)
9 Wuxuu u jeedaa inuu yiraahdo, ‘rag wax walba oo xun waan ku sameeyey; xataa waxaan ku
qasbay hooyadii dhashay inuu u galmoodo!
10 Lama hubo maahmaahdan in Wiilwaal leeyahay, hase ahaatee waa loo malayn karaa,
maxaa yeelay, macne ahaan, oraahda caanka ah ee uu ku dardaarmay wax weyn kama
duwana.
Page 5
Si kastaba ha ahaatee, is’hortaagga falalkii keli-talisnimada ee uu Wiilwaal
caanka ku ahaa waxay u dhigantaa dulmi-la-ladagaallan; kaas oo lagu tiriyo
ujeeddooyinka waaweyn ee ay dimoqraaddiyadu u taagan tahay.
b) Tusaalaha 2d: Casilaaddii Ugaas Xaashi
Dabayaaqadii qarnigii 19d ayaa Galbeedka dhulka Soomaalida11 waxaa qayb
u heshay Itoobiya iyo boqorkeedii lagu magacaabi jirey Menelik-kii II12;
xilligaas oo ku beegan boobka qaaradda Afrika markii ay Reer-Yurub u kala
ordayeen13. Hase ahaatee, heshiiskii uu Boqorku dhulkaas ku qaatay intii
muddo ahba waraaqaha uun buu ku ekaa, waxna kama fulin. Sababtuna
waxay ahayd isaga oo aan lahayn awood ciidan iyo mid dhaqaale oo uu
carrigaas ku soo gaaro, si uu xukunkiisa ugu fidiyo.
Sidaas darteed, Menelik wuxuu goostay si tartiib-tartiib ah inuu gobolka ku
galo. Waxay la noqotay si nabadgelyo ah in Soomaalida halkaas ku dhaqan
uu gacanta ugu dhigo, taliskiisana u soo hoos-geliyo. Markaas buu bilaabay
madax-dhaqameedyadii geyigaas ka arrimin jirey inuu xiriir toos ah la yeesho,
si ay dadkooda u oggolaysiiyaan inay Reer-Itoobiya yihiin, gibirkana14 ay
Dawladda uga soo uruuriyaan.
Guud ahaan, qorshahaasi markuu soo shaac-baxay, dadweynihii aad bay uga
soo hor-jeesteen. Waxayba u qaateen gobannimadoodii in laga qaadayo iyo
xoolo aan gar loogu lahayn oo baad ah in laga urursanaayo. Taana waxaa ku
raacay odayadii iyo waxgaradkii qabaa’ilka qaarkood iyo, sidoo kale,
culimmadii Galbeedka ku sugnayd. Hase ahaatee, waxaa iyaguna jirey
madaxdii xilligaas qaar ka mid ah oo wuxuu Boqorku soo jeediyey haddiiba
oggolaatay, iyaga oo aan kala tashan dadkii ay u talinayeen.
Boqor Menelik-kii II markuu maqlay sida ay Soomaalidu amarkiisa u diiddan
tahay ayuu shir ballaaran ku qabtay meesha la yiraahdo Kaara-Qora. Madaxdhaqameedyadii
waaweynaa ee Gobolka ka arrimin jirey, shirkaasna ka qaybgalay
waxaa ugu magac-dheeraa Ugaas Xaashi Ugaas Faarax-Cadde15,
isaga ayaana ugu horreeyey taladii Boqorka madaxdii ‘hawraarsan’ tiri16.
Weliba wuxuu ku ballan-qaaday, qof-qof iyo qoys-qoysba, gibirka inuu isagu
tolkiis ka soo uruurin doono, ciddii ku gacan-sayrtana uu ciidanka Boqorka u
soo gacan-gelin doono!
Hawshaas iyada ah si degdeg ah ayay Itoobiya u gudo-gashay. Xoolo badan
ayaa Soomaalidii laga qabtay, wixii ka dhiidhiyeyna waa laga dhacay. Askartii
11 Waa dhulka Soomaali-Galbeed loo yaqaan, marar kalena Ogaadeenya loogu yeero.
12 Menelik II (1844-1913) wuxuu ahaa Boqorkii Reer-Shewa ee qarnigii 19d Itoobiya sida
weyn, bari iyo koonfurba, ugu fidiyey. Soomaalidu magaciisa waxay ugu dhawaaqi jirtey
‘Mililikh’.
13 Waa xilliga taariikhda gumeysiga ku galay magaca ah ‘Scramble for Africa’.
14 Gibir: Lacag ama xoolo ay Xabashidu ka qaadi jirtey qoomiyadihii ay gumeysiga ku
qabsatay sida Oroomada, Soomaalida iyo qaar kale; cashuur-madax.
15 Wuxuu Ugaas u ahaa Ogaadeen, Reer-Cabdille.
16 Gabyaa Soomaaliyeed oo shirkaas raggii diiddanaa ka mid ahaa ayaa laga hayaa:
“Allahayoow malkada Kaara-Qora aanan miciin moodin
Allahayoow la kala miiranyaye Mililikh hay raacin!”
Page 6
Boqorka oo baqlo fuushan, Ugaaskana garabsanaysa ayaa degmooyinkii,
xagga iyo xagga, ugu dhex-saqaaftay; iyada oo gibirkii ka guraysa. Dad
badan oo diiddanaa qorshahaas uu Ugaaskoodu ku guddoomiyey ayaa
dhulkiiba banneeyey oo qoysaskoodii iyo xoolahoodiiba la fogaadey.
Dabadeedna, waxgaradkii reeraha ayaa hoos u wada hadlay. Jilibbadii oo idil
ayaa tashi isugu noqday. Waxaa la isla gartay arrintani inaysan ahayn mid
qabata. Waxay isku raaceen, marka hore, xoolaha Boqorka Itoobiya uu ka
guranayaa inay gardarro tahay. Marka labaadna, waxay gef aan
marmarsiinyo loo heli karin u arkeen in Ugaaskii iyaga u duubnaa uu Boqorka
kala safto, dabadeedna uu dusha kaga keeno guddoon aysan innaba wax ka
ogeyn!
Wax talada la wada gorfeeyoba, ugu dambaystii waxay go’aansadeen Ugaas
Xaashi in duubka boqortooyada ay ka xayuubiyaan! Taasina, taariikhda
Soomaalida inta laga war-hayo, waa markii ugu horreysey oo nin
meekhaankaas leh uu tolkii uu ka dhashay casilo.
Maalintii dambe ayaa waxaa Ugaaskii la weyddiistey inuu shir qabto.
Dabdeedna, isaga oo aan garaneyn sababta loo qabanaayo ayuu yeelay.
Maxaa xigey? Aan, haddaba, xogwarranka wixii shirkaas ka dhacay u daayo
taariikhyahanka Soomaaliyeed; Aw-Jaamac Cumar Ciise oo dhacdadaas
isagu aad u dabo-galay, dabadeedna qoray: “Xilligaas waxaa haybad iyo
miisaan lahaa gabayga iyo gabyaaga. Sidaas darteed, waxaa tashaday
toddoba nin oo gabay iyo aftahammo aan lagula tartami karin, Ugaas
Xaashina ay ilmo’adeer labaad ahaayeen…waxay go’aansadeen inuu nin
waliba faraskiisa soo fuulo oo Ugaaska hortiisa ka tiriyo gabay sharafta iyo
haybadda ka xayuubinaaya, dabadeedna intuu faraska hoosta ciribta kaga
xado goobta ha ka tago17”.
Sidaas ayay yeeleen, gabyaa walibana wuxuu kaxaystay qayb weyn oo dadkii
geedka yimid ka mid ah. Waxaa halkii looga dhaqaaqay Ugaaskii iyo koox yar
oo ku hartay, sida la weriyeyna cid dambe ‘Ugaas mood18!’ kuma ay oran!
Aan, kolka, tusaale ahaan u soo qaato laba maansoyahan oo ka mid ahaa
toddobadii Ugaaska gabayga ku casiley:
c) Saahid Qamaan
Gabayadii maantaas Ugaas Xaashi lagu casiley waxaa, malaha, ugu
caansan, dadkuna ay ugu jecel yihiin kii uu tiriyey Saahid Qamaan; kaas oo si
wacan inoo baraaya sinnaanta, qaddarinta qofka iyo wadatashigu siday u
ahaayeen wax ku milan dhaqankii hore ee Soomaalida.
17 Arag: Aw Jaamac Cumar Ciise: Hilimmada Maansadii Hore, bogagga 183-191. Waxaa lagu
daabacay Jabuuti, 2005.
18 Mood! Eray duco ah oo madaxda loo dabbaaldegayo lagu oran jirey. Waxaa la mid ah:
Raag!
Page 7
Qaybta arata ah ayuu, marka hore, wuxuu kula hadlayaa dhallinyaradii
Ugaaska iyo Xabashidu ay soo direen ee sida qasabka ah dadweynaha
gibirka kaga guraysey. Markaas buu yiri:
Mitan kalena waa wiilasheer maanka laga qaaday:
Hadday sado19 macaan tahay ninkii maadiyaa cuna e
Miyir waxaad ku weydaan iswaal kuma mihiibtaane
Muslin kuma cabiidsamo: ‘wallaan madaxa kaa goyne!’
Meel dhexe oo gabaygiisa ka mid ah waxa uu Saahid dhaar ku marayaa,
maantaas ka dib, inuusan cudud iyo ciidan u noqon doonin boqortooyo aanu
taladeeda waxba ku lahayn oo, dhibteeda mooyee, aan dheefteeda isaga
waxba looga oggolayn. Wuxuu yiri:
Masoow aabbahay iyo halkaan Magan20 ka soo gaadhey
Maggawsina inaan layga siin maax la dhuranaayo
Oon malab rag kale loo shushubi wax uga miileeyo
Oon meesha taagnahay anoon murudna leefaynin
Oon weliba ‘mood’ iyo salaan ula maleegnado
Aan maydhax aan igu xidhnayn21 mayllimmo22 u haysto
Saddex magac Allee xaajadaas layma marinsiiyo!
Sida koron xiniinyaha la mudey uma malluugnaado!
Qaybta uu gabaygaas ku dhammeeyey ayuu gabyaagu ku muujinayaa sida
aanu wax sinnaan ka hooseeya cidna uga yeelayn. Meeriska ugu
dambeeyana wuxuu kaga xiriir-furanayaa Ugaas Xaashi iyo nin ka mid ah
raggii tirada yaraa ee ku haray; kaas oo uu halkaas ku magac-dhebayo.
Wuxuu yiri:
Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi
Maso23 inaannu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye
Oon weliba kaga miil-caddahay miidhse diiddaniye;
Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo
Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad-yeesho
Muska Ina-Afey24 galo arlada kama miciin-moodo!
d) Gurraase Xaaji Cali
Markuu Saahid inta gabaygaas tiriyey geedkii ka dhaqaaqay ayaa waxaa
isaguna geeraar la kacay gabyaa kale oo la oran jirey Gurraase Xaaji Cali. Si
aan leexleexad lahayn ayuu isna tixdiisa Ugaaska ugu weerarayaa; isaga oo
ku eedaynaya tolkii uu madaxda u ahaa inuu shisheeye u garbo-duubay.
19 Sado: Xoolo madaxda u gaar ah oo, markii waa la joogoba, dadka ay u taliyaani ay siin
jireen; ammaan.
20 Magan: Wuxuu u jeedaa Ugaas Magan Ugaas Warfaa oo awooweyaashiisii aabbe midkood
ahaa.
21 Maydhax aan igu xidhnayn: Boqortooyo aanan maamulkeeda iyo taladeeda wax ku lahayn.
Marmar ayaa ninka la boqraayo ay Soomaalidu mayrax qoyan madaxa ugu duubi jirtey
(caleemo-saar), inta badanse caano ayaa lagu shubi jirey.
22 Mayllin (mayllimmo): Qalab lagu dagaallami jirey oo waranka u eg.
23 Maso (masoobid): Sinmid; dad gudboon ahaan.
24 Ina-Afeey: Wuxuu u jeedaa Faarax Afeey oo uu, malaha, ku tuhunsanaa inuu Ugaas
Xaashi la safnaa, kaa mid ahaa raggii gabyi ogaa ee xilliyadaas. Muska uu galana wuxuu ka
wadaa guriga Ugaaska.
Page 8
Wadatashi mooyee inaanu kelitalisnimo dadka ku hoggaamin karin ayuu si
bareer ah ugu sheegayaa. Wuxuu ku canbaaraynayaa inuu yahay nin waxa
uu isagu go’aansado mooyee aan dhegihiisu talo kale u daloolin; taas oo ah
wax aan, marnaba, bulshadu ka yeeli doonin, una suuroobi doonin!
Geeraarkiisii ayaa waxaa ka mid ahaa:
……………..
Tawfiiq Ciise-Madoobiyo25
Talyankii Ferenjaa leh;
Teendho Reer-Berberaad iyo
Turkigii xukumaa leh;
Tuhun Shuunka26 Amxaariyo
Nin la soo tashadaa leh27!
………………..
Nin maroodi taxaabay oo
Tunka saartay abeeso
Inuu aayar taxaasho
Taana wayna ahaannin!
Tolkii aynu naqaanniyo
Ogaadeen taladiisa
Taan idhaahdo uun mooyee
Tu’ kaleeto ma joogto
Taana wayna ahaannin!
Gabayga Saahid iyo geeraarka Gurraase sidaynu ka fahmi karayno, labada
ninba waxaa aad ula weynaa mabda’a sinnaanta, waxayna
aamminsanaayeen wadatashigu inuu lamahuraan yahay; gaar ahaan danaha
guud ee bulshada marka la maamulaayo. Taasina labadooda iyo
saaxiibbadoodii oo keliya kuma ay koobnayne, waxay ahayd Soomaalidii
xilliyadaasi wax ay wada rumaysnayd.
IV. Soomaalida iyo hoggaaminta
Tiro kastaba ha lahaatee, bulsho waliba waxay u baahan tahay hoggaan
arrimaheeda maamula. Laga soo bilaabo qoys ilaa dawlad, hoggaamintu
dadka waa u lamahuraan, taana waxaa inagu boorriyey nebi Maxamad
(Nnkh) oo laga weriyey xadiis uu macnihiisu yahay: ‘Saddex haddaad tihiin oo
aydun sodcaashaan, midkiin madax ka dhigta’. Cid walibase hoggaamiye ma
noqon karto, sidaas awgeedna waxaa jira dadka qaar xilkaas ku habboon iyo
qaar aan ku wanaagsaneyn.
Maxay, haddaba, yihiin tilmaamaha uu leeyahay hoggaamiyaha wanaagsani
sida ay Soomaalidu u aragto? Hiddaheeda sida laga dhex-heli karo, waxaa
25 Ciise-Madoobe: Tol Soomaaliyeed oo Jabuuti dega, laguna kuunyo wadatashiga iyo kaladambaynta.
26 Shuun :Boqor. Shuunka Amxaaro wuxuu ula jeedaa Boqorkii Itoobiya ee xilligaas; Menelikkii.
27 Ninka Boqorka la soo tashaday ee tuhunka lihina waa Ugaas Xaashigii uu hortiisa ka
geeraarayey.
Page 9
jira sifooyin looga baahan yahay qofka hoggaamiyaha noqonayaa inuu
yeesho. Waxaa ka mid ah: Da’da qofka oo ay tixgelin jireen marka la
caleemo-saarayo. Waxay rabi jireen qofka hoggaamiyaha u noqonayaa inuu
waayo’arag yahay oo, ugu yaraan, uu da’-dhexaad ku jiro. Dhallinyarada ma
ay duuban jirin, taana waxaa ina baraysa maahmaahda ah: nin yari intuu
geed ka boodo ayuu talo ka boodaa. Markii uu qofku madax noqdana,
dhaqankiisa iyo maamulkiisa ayay u fiirsan jireen. Waxay, haddii ay ku
arkaan, ku nici jireen eexda, go’aan- jilicsanaanta iyo bakhaylnimada. Waa
tay ku maahmaaheen: ‘Saddex baa boqornimo kaa qaadda; gar leexsan,
guddoon jilicsan iyo gacan laaban!’.
Waxay hoggaamiye wacan u yiqiinneen midka dulqaadka badan ee dadka uu
u taliyo aan ciqaabta kula degdegin, taladoodana dhegaha u fura. Taana
waxaynu ka garan karaynaa gabay uu Cali-Dhuux28 tiriyey oo uu ula jeedey
hoggaamiyihii Daraawiishata; Sayid Maxamad Cabdille Xasan29. Cali-Dhuux
oo markii hore Ururkaas ka tirsanaa waa tuu beri dambe ka fakaday,
dabadeedna Sayidka waa tuu, kolba, u soo dhiibi jirey gabayo dacaayad ah.
Wuxuu ku eedayn jirey gacantii birta ahayd ee uu dadka ku maamuli jirey sida
dilkii maxakamad la’aanta lagu fulin jirey iyo xorriyaddii hadalka ee aanu
dulqaadka u lahaan jirin. Qudhiisa iyo raggii kale ee la fakadayba inay
maamulkiisii ka raysteen isaga oo muujinaaya ayuu yiri:
Teeriga30 raggii lalama dhaco toogashana waaye
Tiiraanyo kuma seexanno iyo taharo caydhiine
Hadalkii la tuugeysan jirey waa ka togannaaye
Ninna ima taxaaboo anaa tay ku meelmara e!
Tusaaleyaashaasi waxay ina barayaan caddaaladda iyo dulqaadku inay ugu
weynaayeen tilmaamihii ay Soomaalidu jeclayd in hoggaamiyaheedu uu
yeesho.
V. Xukun: maxaa loola jeedaa?
Xukun waxaa loola jeedaa tabaha ay xukuumaddu isticmaasho si ay bulshada
u siiso adeegyada ay u baahan tahay iyo si ay sharciyada u samayso, isla
markaasna ay u fuliso. Wuxuu xukunku ku saabsan yahay awoodda iyo islaxisaabtanka;
yaa bulshada saamays ku leh? Yaa wax go’aamiya? Sidee bay
muwaaddiniintu aragtidooda u gudbiyaan? Sidee baase dhinacyada go’aanqaadashada
leh loola xisaabtamaa? Waxaa kaloo xukunka qayb ka ah
wakiillada xukuumadda, adeeg-bixiyeyaasha, warbaahinta, ururrada bulshada
iyo muwaaddiniinta, guud ahaan.
VI. Xukun-wanaagna31 waa maxay?
28 Cali-Dhuux: Gabyaa weyn oo ka mid ah tiirarka maansada kalaasigga ah ee Soomaalida (1865-
1962).
29 Sayid Maxamad (1865-1920) wuxuu ahaa halgamaagii asaasay Ururkii Daraawiishta ee gumeysiga
Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida dhulka Soomaalida kula dagaallamay intii u dhexaysey 1895-
1920kii.
30 Teeri: waran.
31 Marar badan ayaa warbaahinta Soomaalida waxaa laga maqlaa ‘dawlad-wanaag’, iyaga oo u dan leh
inay soomaaliyeeyaan oraahda ah ‘good governance’, taasina sax ma ah. Haddii fikraddaas loo jeedo,
Page
10
Xukun-wanaaggu waa siyaasadaha la degsado oo si dhab ah loo meelmariyo
iyo bixinta adeegyada kala duwan ee baahida dadweynaha lagu
daboolo. Haddii la sii faahfaahiyo, waa xukuumadda dhexdeeda oo laga
hirgeliyo isla-xisaabtan dhanka siyaasadda ah, daah-furnaanta maamulmaalmeedka
xafiisyada, isla-xisaabtan xagga maaliyadda dawladda, kudhaqanka
xukunka sharciga iyo hirgelinta madaxbannaanida garsoorka.
VII. Xukunka loo dhan yahay: muxuu yahay?
Xukunka loo dhan yahay waxaa looga jeedaa muwaaddiniinta oo si firfircoon
oo milgo leh talada dalka looga qayb-geliyo; waa sida ay muwaaddiniintu
xukuumaddooda u hawl-gelin karaan, isla markaasna ay dalabaadkooda kaga
fushan karaan. Xukunka loo dhan yahay waa midka ka-qaybgalkiisu furan
yahay, waxaana ka dhasha xukuumad danaha shacbigeeda u dhego-nugul,
kana jawaabi karaysa, muwaaddiniinteedana ka haqab-tiri karaysa baahida
ay adeegyada guud u qabaan. Muwaaddiniinta qudhooda waxaa xil ka saaran
yahay inay ku dedaalaan sidii codkooda loo tixgelin lahaa, madaxdooduna ay
u noqon lahayd qaar oggol in lagala xisaabtamo halka ay dalka ku wadaan.
Waxaa aad muhiim u ah dhammaan qaybaha bulshadu inay dhaqan-galka
xukun-wanaagga si wax-ku-ool ah uga qayb-qaataan, kuwaasna waxaa ka
mid ah dumarka iyo dadka qaarka laga tirada badan yahay. Maantadan la
joogo, waxaa la qiyaasaa haweenka Soomaalidu, tiro ahaan, inay 50% ka
badan yihiin, marka loo eego dadweynaha dalka ku dhaqan oo idil. Sidoo
kale, kaalinta ay ka galaan wax-ku-biirinta horumarka bulsho iyo midka
dhaqaale ee degaammadooda ayaa iyaduna 50% ka badan, maxaa yeelay
haweeneyda Soomaaliyeed marna waa masruuf-keento, marna waa gurijoogto.
Si, haddaba, ay Soomaaliya horay ugu socoto, waxaa lamahuraan ah
dumarka Soomaalidu inay qaybtooda ka qaataan siyaasadda iyo dhismaha
hannaanka dawladnimo; taas oo u suuraggelineysa inay cod ku yeeshaan
miiska lagu gaarayo go’aammada ku saabsan sida loo isticmaalayo, rag iyo
dumarba, khayraadka ay bulshadu soo wada saarto.
VIII. Gebaggabo
Meelo badan oo adduunka ka mid ah ayaa dimoqraaddiyada lagaga
dhaqmaa, hase ahaatee, laba dal oo isku si ugu dhaqmaa ma jiraan. Dal
waliba isaga ayaa doorta mabaadi’da ka tarjumaysa waxa uu rumaysan
yahay iyo qiyamka uu dadkiisu aamminsan yahay. Sidaas darteed,
dimoqraaddiyad kasta oo Soomaaliya ka soo if-baxdaa waa inay ka
jawaabtaa baahida dadkeeda, isla markaasna uu ka muuqdaa sooyaalka
dhaqameed ee, wadar ahaan, uu shacbigu ugu dhaato. Muwaaddiniinta
dalalka dimoqraaddiyada ku dhaqmaa haddii ay waxqabadka madaxdooda
saluugaan, waxay awood u leeyihiin inay hab nabadgelyo isaga beddalaan.
Waxay kaloo awood u leeyihiin inay doortaan kuwa ay rabaan inay ka wakiil
noqdaan.
waxaa nala hagaagsan in la yiraahdo: xukun-wanaag, maxaa yeelay ‘governance’ waa xukun ee
dawlad ma aha.
Page
11
2
Dastuur & xeer
I. Dastuur waa maxay?
Waxaa si baahsan la isugu raacsan yahay xilalka laga rabo Madaxa Dawlad32
kastaa inuu guto in midka ugu weyni yahay ilaalinta dastuurka dalkiisa.
Kolkolna, waxaa dhegaheenna ku soo dhaca madax sare oo la casiley amaba
iscasishey, ka dib markii lagu eedeeyey dastuurka dalkooda qodobbo ka mid
ah inay jebiyeen. Dhinaca kale, inta aanay go’aammada qaarkood
hirgelintooda ku tallaabsan, waxaa xukuumad walba oo dimoqraaddi ah looga
baahan yahay inay ka ansixiso Golaha Wakiillada dalkeeda, tii aan sidaas
yeelinna waxaa lagu eedeeyaa in dastuurka iyo xukunka sharciga ay ku xadgudubtey.
Saddexdaas tusaale ayaa, haddaba, waxay inoo horseedayaan inaynu
isweyddiinno su’aasha ah: Muxuu yahay dastuurku?
Haddii si kooban loo qeexo, Dastuurku waa xirmo shuruuc ah oo la isku
xukumo, ka dib shacbiga dal-hebel ku wada dhaqan intiisa badani marka ay
oggolaato. Waa dokumeenti sharci ah oo lagu ilaaliyo muwaaddiniinta
xuquuqdooda asaasiga ah, danahooda iyo wanaagga noloshooda. Wuxuu
dastuurku soohdin u yeelaa awoodda xukuumadda, wuxuu caddeeyaa
awoodaha ay yeelanaysaa kuwa ay yihiin, wuxuuna ku qasbaa inay ku
shaqayso qawaaniinta dalka u degsan; taas oo ka hor-joogsanaysa inay
samaysato wixii xeerar ah oo laga yaabo inay iyadu ku danaysanayso. Waxaa
kaloo dastuurka lagu tilmaamaa heshiis bulsho oo mar u dhexeeya
xukuumadda iyo muwaaddiniinta, mar kalena muwaaddiniinta dhexdooda.
II. Xeer-Soomaaligii hore
Sida ku xusan qaybta koowaad ee qoraalkan, Soomaalidii hore waxay u
badnayd reer-miyi, bulsho ahaan, toltol u qaybsan. In kastoo qabiil waliba uu
lahaa hannaan madaxtooyo oo la kala dhaxlo, haddana, gumeysigii Reer-
Yurub ka hor, qabaa’ilkaasi marnaba ma ay yeelan dawlad dhexe oo kulmisa
iyo xukun kala–sarrayn ku dhisan; kaas oo uu qof waliba yaqaan, maamul
ahaan, cidda ka korraysa iyo midda ka hoosaysa.
Qabaa’ilkaas oo weligoodba isku degaan ahaa waxaa dhexdooda ka aloosmi
jirey qardoofooyin iyo iska-hor’imaadyo la mid ah kuwa aadanaha kaleba la
soo gudboonaada. Markaas ayay u baahdeen inay helaan wax kala haga.
Waxay ka fekareen hab ay ku wada noolaan karaan oo khilaafyada marba
soo dhex-gala ay ku furdaamin karaan. Sidaas darteedna waxaa qasab ku
noqotay inay samaystaan hannaanka waayadii dambe Xeer-Soomaaliga ku
32 Madaxa Dawladda waxaan uga jeednaa qof kasta oo dawlad ugu sarreeya; kaas oo magacyo kala
duwan loo yaqaan sida Madaxweyne, Boqor ama Amiir.
Page
12
caan-baxay; kaas oo dastuurrada qarammada dhinacyo uga eg, meelo
badanna ay ku kala duwan yihiin.
Guud ahaan, Xeer-Soomaaligii hore wuxuu ka koobnaa qodobbo uu tol waliba
u ciirsado markii iyaga dhexdooda ay arrintu joogto. Sidoo kale, waxaa
isaguna jiri jirey xeer laba qolo ay ku heshiin jirtey; kaas oo qodobbadiisa ay
xusuusan jireen mar walba oo ay la soo gudboonaato dhacdo u eg middii ay
xeerka ka dhigteen. Sidaas darteed, ayaa waxaa qarniyadii hore Soomaalida
u hirgalay xirmo xeerar ah oo, in kastoo aanay qornayn, haddana kor laga
wada yiqiin, inta badanna loo hoggaansami jirey. Haddii qaar laga
magacaabana, waxaa ka mid ahaa xeerka guurka iyo arrimaha xiriirka la leh,
xeerka xoolaleyda, xeerka beeraleyda, xeerka kalluumaysatada, xeerka
daaqa iyo dhawrista degaanka, xeerka ergada, xeerka colaadda, xeerka
kufsiga, xeerka aflagaaddada, xeerka xilo-kala-qaadka, iwm.
a) Yaa xeer-Soomaaliga sameeyey?
Xeer-Soomaaliga waxaa samayn jirey waxgaradka tolalka oo ka koobnaan
jirey odayada caqliga iyo garaadka sare ay bulshadu ku baratay. Iyagaas qaar
ka mid ah ayaa la sooci jirey oo geedaha midkood hoostiisa ku kulmi jirey;
halkaas oo xaajadii kolba la isku maan-dhaafo ay ku geli jireen. Arrin kasta oo
loo geeyo markay u fiirsadaan, dhinac walbana ay ka eegaan ayay
odayadaasi go’aan ka gaari jireen, kaas oo ay u badnayd dhinacyadii is-hayey
in ay u hoggaansamaan, dabadeedna go’aankaas, kuwii la midka ahaa ee ka
horreeyey iyo kuwa ka dambeeya wadajirkooda ayay qodabbada xeerku ka
samaysmi jireen.
Inta aan la gelin khilaaf kasta oo laba qof amaba laba tol ka dhex-aloosma
waxay guurtida loo soocaa, marka hore, isweyddiin jirtey: Xaajadan ina hortaallaa
ma ugub baa? Mase waa curad? Ugub waxa looga jeedaa khilaaf
nooc cusub ah oo maalintaas ka hor aan bulshada soo marin; kaas oo
goobtaas la joogo xeer hor leh loogu dejin jirey. Curadna waxaa loo yiqiin
xaajadii tu’ la mid ahi ay bulshada soo martay oo xeer la xusuusan yahay laga
samaystay. Taas oo kalena xeerkaas hore ayay odayadu u tixraaci jireen,
kuna furdaamin jireen.
b) Ahmiyaddii uu xeerku bulshada u lahaa
Waxay Soomaalidii hore hubsadeen xeer la’aan in aan bulshadu meel ku
wada dhaqmi karin; taasna, iyada oo aad u faahfaahsan, waxaa laga baran
karaa suugaanta Soomaalida qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan
maahmaahda. Tusaale ahaan, waxay ku maahmaahi jireen: Xeer la’aan waa
la xooloobaa. Waxay kaloo oran jireen: Dad aan xeer lahayn iyo xoolo aan
xero lahayn meel la isuguma keeno.
Labadaas maahmaahoodba sida laga garan karo, wax lamahuraan ah ayuu
xeerku Soomaalida u ahaa, dadkii dhigtay markii ay ku maamulayaanna,
Page
13
eexda ayay odayadu iska ilaalin jireen. Taasna waxaa inoo caddaynaysa
oraahda caanka ah ee maantaas guurtida garta naqaysaa ay ku ducaysan
jirtey; taas oo ahayd: Ilaahoow, eexana ha nooga tegin, aqoondarrana ha
nagu cadaabin! Sidaas awgeed, iyada oo badiba la aamminsanaa odayada
garta gelayaa inay eex ka fog yihiin ayay, guud ahaan, bulshadu
guddoonkooda u hoggaansami jirtey. Waxaa ceebaysnaa kolba guddoonkaas
isaga ah qofkii ku gacan-sayra, isaga oo kalena waxay ku eedayn jireen inuu
gardiid yahay! Sidaas darteed, waxay odayadaasi inooga tageen laba
maahmaahood oo ay arrintaas hoosta kaga xarriiqeen. Tan hore waxay
ahayd: Gari laba nin kama wada qosliso, tan labaadina waa tii ay oran jireen:
Gar dabadeed guugguu baan nacay!
Waxay waayeelku dhallinyarada bari jireen, isla markaasna ku boorrin jireen
in ay xeerka u hoggaansamaan. Wada-xaajoodka ayuu xeerku aad u
aqoonsanaa, taana waxaa markhaati u ah maahmaahdii ahayd: ‘Aan wada
hadalno waa aan heshiinno’. Ciddii gardarro tirsanaysaba waxaa la
gudbooneyd inay geedka odayada cabashadeeda la tagto, si uu xeerku
garsoor u siiyo. Macnaheedu wuxuu yahay; Intii uu qofku dagaallami lahaa oo
waxa ka maqan uu cududdiisa ku soo dhacsan lahaa, waxaa lagu waanin
jirey xeerka jira iyo guurtida wax ku maamusha inuu xaqiisa ku doonto.
Taasna waxaa muujinaysa maahmaahdii kale ee ahayd: Gacantaada midig
haddii lagugu qabsado waa laga gar-baxaa33.
III. Dastuurka iyo Islaamka
Dad badan ayaa waxay aamminsan yihiin dastuur la samaysto iyo Islaamku
inaysan wada shaqayn karin. Taasina wax jira ma aha. Nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa ha ahaatee, Nebi Maxamad markuu Madiina u soo haajirey,
bulshadii muslimka ahaydna uu dhidibbada u aasay ayaa, si amni iyo
nabadgelyo loo wada helo, waxaa qasab noqotay in la habeeyo xiriirka u
dhexeeya muslimiinta iyo bulshooyinkii kale ee magaaladaas wax ka
degganaa. Taasina waxay horseedday in nebigu (nnkh) uu soo ban-dhigo
Dastuurkii Madiina; kaas oo Axdiga Madiinana loogu yeero. Wuxuu ahaa
heshiis rasmi ah oo dhex-maray nebiga iyo dhammaan qabaa’ilkii reer
Madiina. Guushii ugu muhiimsanayd ee lagu gaareyna waxay ahayd inuu soo
af-jaray colaaddii muddada dheer ka dhex-aloosnayd qabaa’ilkii magaaladaas
iyo afaafkeeda ku dhaqnaan jirey. Wuxuu ahaa heshiis si cad loogu qeexay
xuquuqda iyo xilalka saaran muslimiinta, Yahuudda, Masiixiyiinta iyo
Mushrikiinta (sanam-caabudeyaasha); kuwaas oo uu Axdigu Ummad keliya
ka dhigay.
Runtii, Dastuurka Madiina sannadkii uu soo baxay weli dood baa ka taagan,
waxaase loo badan yahay inay ku beegnayd 622kii dhalashadii nbei Ciise ka
dib. U fiirso: waa ku-dhowaad 1300 oo sano ka hor markii lagu dhawaaqay
Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (1948kii). Wuxuu
Dastuurkaasu salka u dhigay dawlad muslin ah tii ugu horraysey, isaga oo
qodobbadiisa ku damaanad-qaaday: amniga bulshada, xorriyaadka diinta iyo
33 Xeerkii hore ee Soomaalida waxaa isaga oo intaan ka faahfaahsan laga baran karaa labada buug ee
kala ah: Xeer-Soomaaligii Hore, Daabacaad Afraad, uuna qoray Axmed Sheekh Cali (Buraale),
Muqdisho, 2002; iyo: Xeer Ciise oo isagana uu qoray Cabdalle Xaaji Cusmaan, Jabbuuti 2011.
Page
14
caqiidada, Madiina oo uu u aqoonsaday Xaram, loolana jeedo meel ka
caaggan gacn-ka-hadalka iyo hubka, xiriir xasilloon oo qabaa’ilka magaalada
la dhex-dhigay, hab dhaqaale-uruurin ah oo xilliyada dagaalka bulshada lagu
taageero, hannaan garsoor oo khilaafyada lagu xalliyo iyo, sidoo kale,
siyaalaha diyada loo bixinaayo.
Waxaa, haddaba, mudan in aynu mar walbaba maanka ku haynno Dastuurka
Madiina inuusan ahayn wax ka geddisan amaba ka madax bannaan
Quraanka Kariimka ah oo ah asaaska shuruucda Islaamka. Wuxuu qayb ka
yahay Sunnada nebiga (nnkh). Sida la og yahayna, mar walba Quraanku waa
masdarka ugu weyn ee shuruucda Islaamka iyo hanuunkaba loo doonto, si
buuxda ayayna Sunnada isu waafaqsan yihiin. Sidaas awgeedna, Dastuurka
Madiina wuxuu tusaale u yahay sida dastuur iyo shareecadu ay iskummar u
wada jiri karaan, una wada shaqayn karaan.
IV. Dastuurka iyo shareecada
Inta lagu jiro heerka diyaarinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa
loo baahan yahay in si qoto dheer loogu fiirsado isaga iyo shareecadu sida ay
isula jaan-qaadi karaan. Taasna waxaa loo mari karaa in aqoonyahannada
shareecada Islaamka hawsha laga qayb-geliyo. Dalal faro badan oo muslin
ah ayaa dastuurro leh sida Baakistaan, Urdun, Masar, Yaman, Iiraan, Turkiya,
Afgaanistaan iyo qaar kale.
Dhammaan dalalkaasi waxay ku dhaqmaan dastuurro aad u kala geddisan,
markii loo eego mid walba kaalinta ay shareecadu kaga jirto.
Tusaale ahaan, dastuurrada Baakistaan iyo Iiraan waxaa ka muuqda aqoonsi
ballaaran oo si aad ah Islaamka loogu hayo iyo shareecada oo ay u
muujinaayaan inay dalalkooda u tahay masdarka asaasiga ah ee sharcidejinta.
Dhinaca kale, in kastoo, rasmi ahaan, dalka Urdun uu Islaamku diinta
dawladda yahay, haddana shareecada waxaa loo adeegsadaa xaalado
madani ah oo kooban; kuwaas oo muwaaddiniinta muslinka ah oo keliya
khuseeya34. Waxaa iyaguna jira dalal tirada ugu badan ee dadkoodu ay
muslin tahay sida Indoniisiya iyo Turkiya, sidaas oo ay tahayna aan
dastuurkooda ku sheegin in Islaamku uu diinta dawladda yahay. Si kastaba
ha ahaatee, ummadda Soomaaliyeed oo keliya ayay u taallaa go’aanka ku
saabsan kaalinta ay shareecadu dastuurkooda ku yeelan doonto.
V) Dhaqan-galka Dastuurka
Dastuur waliba wuxuu sharci ku noqon karaa markii ummadda qoratay ay isku
waafaqdo; taas oo laba siyood mid ahaan ku imaan karta: in afti dadweyne
loo qaado, laguna oggolaado iyo in Gole Dastuur35 uu qalinka ku duugo. Afti
dadweyne waxaa loola jeedaa cod-bixin toos ah oo dhammaan
34 Dastuurka Urdun, qodobka 105d.
35 Gole Dastuur waxaa loola jeedaa ‘Constiuent Assembly’.
Page
15
muwaaddiniinta xaqa u leh lagu weyddiiyo arrin loo soo bandhigay inay
oggolaadaan ama ay diidaan. Dastuur markay joogto, haa ama maya ayay
muwaaddiniintu ugu codeeyaan.
Gole Dastuur isaguna waa tiro dad ah oo si gaar ah loogu igmado diyaarinta
ama dhaqangelinta dastuur markaas cusub. Xubnaha goalahaasina waxay ku
imaan karaan magacaabid ama inay dadweynuhu doorasho ku soo xulaan.
Siday u badan tahayse, Golahaas oo kale waxa uu jiraa muddo gaaban,
hawshii loo magacaabay markay ebyaanna waa la kala diraa. Taariikhda oo
idil markii dib loo milicsadona, dhawr dal oo qura ayaa Gole noocaas ah
samaystay, welina ay u shaqeeyaan; kuwaas oo laga magacaabi karo
Suuriya, Baakistaan, Hindiya, Nebaal, Indoniisiya iyo Maraykanka.
IV) Gebaggebo
Dastuur ay Soomaalidu yeelato waxaa laga rajeynayaa inuu noqdo
dokumeenti shakhsiyaddoodii dib ugu soo celiya, ayna kaga raystaan
dagaalkii sokeeye ee 20kii sano ee u dambeeyey uu dalku ku soo jirey.
Hadda ayaa diyaarinta dastuurkaas isaga ah gacanta lagu hayaa, waxaana
muhiim ah muwaaddiniinta Soomaalidu in geeddi-socodkaas ay ka qaybqaataan.
Dastuur kasta oo diyaarintiisa iyo meelmarintiisa dadweynaha laga
qayb-geliyaa wuxuu Soomaaliya u keeni karaa xukunka sharciga oo loo
hoggaansamo, xuquuqda aadanaha oo la ilaaiyo iyo kheyraadka dabiiciga ah
ee dalka oo si siman loo qaybsado.
3
Baahinta Maamulka & Habka Federaalka
I. Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya
Sida laga war-hayo, sannadihii ugu horreeyey siddeetannadii qarnigii 20d,
waxaa Soomaaliya ka bilawday colaado sokeeye oo dhex-maray xukuumaddii
markaas maamulka haysey iyo jabhado ku soo duuley. Ugu dambaystiina,
jabhadahaas oo hubaysnaa, qabiil-qabiilna u abaabulnaa waxay ku
guuleysteen xukuumaddaas inay ridaan oo ay dhulka jilbaha ugu dhuftaan
(1991). Ha yeeshee, waxay awoodi kari waayeen, intay talo midaysan wada
gaaraan, inay dalka u dhisaan xukuumad tii ay rideen beddesha oo ay
ummaddu ku wada raalli noqon karto.
Taasina, sidii dib ka caddaatay, waxay sabab u noqotay guuldarrooyin aan
weli laga biskoon, sida:
bulshada kuwa ugu taagta daran sida dumarka, carruurta iyo tolalka
aan hubaysnayn;
lahayn u burburay;
Page
16
cararay;
qaar ka mid ah dagaalyahannadii kala ujeeddada ahaa ee,
sidaan soo sheegnay, dhiciddii Dawladda iyagu sababta u ahaa;
Runtii, intaas oo dhibaatooyin ahiba Soomaalida way la soo gudboonaadeen,
iyaga ayayna ku qabteen xanuunka ugu daran, sida ugu ba’anna u
saameeyeen. Taasina waxay gilgishey dareenkii hal’abuurro Soomaaliyeed
oo faro badan; kuwaas oo, wixii dhacay, maansooyinkooda si walba ugu
cabbiray. Aan tusaale ahaan u soo qaadanno gabyaagii weynaa;
Cabdulqaadir Xirsi Siyaad oo ‘Yamyam’ loo yiqiin; kaas oo, Allaha u
naxariistee, 1991kii maanso uu tiriyey ku tilmaamay dagaalladii sokeeye iyo
maamul la’aantu sidii ba’nayd ee dalka iyo dadkaba ay u galeen. Waxaa ka
mid ahaa:
Baroon iyo qori madfaca
Bam iyo qiiq iyo rasaas
Bulshadu wada quudatoo
La waa naar meel qabow36!
Naftii qiimaha lahayd
Dhiiggii qaaliga ahaa
Wed baa lagu quudiyaa
Quus baa lagu seexiyaa!!
……………………
Dareen qarannimo la waa!
Xornimo qaabkeed dhammaa!
Xiriirkii labada qoys37
Cakuye! goo qoofalkii!
……………………
Qodaal iyo beero ma leh
Qallale geedihi miruhu
Cid kale qurus38 laga sugaa
Xoog weyn lagu qaybsadaa!!
Sannadkii 1993kiina maanso dheer oo uu tiriyey ayuu Yamyam ku soo
gebaggabeeyey sidii colaaduhu, ay dad iyo hantiba, u baabbi’inayeen,
qarannimadii iyo midnimadii dalkuna ay rabrabta u saarraayeen! Wuxuu yiri:
Meeshuu na geeyaba
Ilaah baan marti u nahay;
Runtii maanta laakiin
36 ‘La waa naar meel qabow’ wuxuu ula jeedaa meel walba oo dalka ka mid ahba dagaalladii ayaa
saameeyey. Sidaas darteed, waa sida naarta oo meel meel dhaantaa ma jirto.
37 Labada qoys: Labada gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka kooban tahay (waqooyi & koofur).
38 Qurus (Qursi): Weel yar oo badarka lagu cabbiro. Wuxuu ula jeedaa kaalmo aad u yar oo dibedda
laga soo dhiibo, markaasna, baahi awgeed, ay Soomaalidu ku dirirto!
Page
17
Maal iyo naf laga samir!
………………..
Qarankiyo midnimaduna
Meyd suga xabaashoo
Ku muddaysan iilkoo
Kafantii ka maqan tahay
Matalkoodi weeyaan!!
II. Habka Federaalka
Welwelkii ka abuurmay burburka Dawladdoodii Dhexe, Soomaalida oo keliya
kuma uu ekayn. Wuxuu, sidoo kale, u taabtay bulshada caalamka oo
aqoonsanayd, istaraatiiji ahaan, ahmiyadda ay Soomaaliya Badyarada
Cadmeed ku leedahay. Dabadeedna, waxaa markiiba si wadajir ah loo
bilaabay in la qabto shirar iyo aqoon-isweydaarsiyo ay ujeeddadoodu ahayd
sidii, mar labaad, dalka dib loogu dhisi lahaa xukuumad qaybaha bulshada iyo
gobolladu ay u wada dhan yihiin.
Ajendooyinka shirarkaas waxaa mar walbaba meelaha hore kaga jirey sidii
jawaabo loogu heli lahaa su’aalaha ay ka midka yihiin; maxay ahaayeen
sababaha ay Dawladdii u burburtay? Maxay dagaallada sokeeye u joogsan la’
yihiin? Sidee baa colaadaha lagu joojin karaa, xasilloonidiina dalka loogu soo
celin karaa?
Shirarkaas qaarkood ayaa waxaa lagu go’aamiyey in wax laga beddelo
hannaankii hore ee, tan iyo 1960kii39, ay Dawladdii Soomaaliya u soo
dhisnayd. Waxaa dan la moodey in dadweynaha xukunka laga qayb-geliyo oo
gacanta Xukuumadda Dhexe40 aanay taladu mar dambe ku uruursanaan.
Dabadeedna, 2004tii ayaa shir Neyroobi lagu qabtay waxaa lagu saxiixay
dhisidda hay’ado federaal oo ay Soomaaliya yeelato. Ha yeeshee, tan iyo
markii habkaas lagu dhawaaqay, Soomaalidu waxay isweyddiinaysey waxa
uu federaalku yahay iyo sida uu u shaqeeyo.
III. Muxuu yahay federaalku?
Federaalku waa hab xukun oo qeexaya xiriirka u dhexeeya Xukuumadda
Dhexe iyo qaybaha ay ka kooban tahay ee kala heerarka ah; heer-gobol,
heerka dawlad-goboleedyada iyo heerka Dawladaha Hoose. Hab-xukunkaani
wuxuu salka u dhigaa awoodaha Dawaladda Dhexe iyo xukuumadaha
maxalliga ahi ay kala yeelanayaan. Qayb walbaba waxaa loo qoondeeyaa
awoodo iyada keligeed gaar u ah iyo kuwo kale oo dhinacyadu ay la
wadaagaan. Dalalka habkaan federaalka ah ku dhaqmana waxaa ka mid ah
Maleeshiya, Baakistaan, Hindiya, Imaaraadka Carabta, Koonfur-Afrika,
Nayjeeriya, Kanada iyo Maraykanka.
Dalalka habkaan qaatay oo isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo yaryar, isku si
uguma dhaqmaan. Qaar baa si aad ah waxaa ugu kala qeexan awood-
39
40 Xukuumadda Dhexe waxaa loola jeedaa waxa afka qalaad loogu yeero central government ama
national government oo iyadu ah midda, caalami ahaan, dalka oo idil matasha.
Page
18
qaybsiga Xukuumadda Dhexe iyo dawlad-goboleedyada amaba gobollada,
halka kuwo kalena aan awooduhu aad ugu kala caddayn. Mase jirto dawlad
federal ah oo loo qaadan karo inay iyadu tahay tusaale la raaco, xaalad
walbana u suubbata. Dawladaha fedreraalka ah badankood waxay
Xukuumadda Dhexe u oggolaadaan inay yeelato awoodaha qaarkood sida
daabicidda lacagta, arrimaha gaashaandhigga, ansixinta heshiisyada
caalamiga ah iyo ganacsiga dibedda.
IV. Muxuu federaalku tari karaa?
Habka federaalku wuxuu dhiirri-geliyaa arrimaha dawladda oo si ballaaran
looga qayb-galo, maxaa yeelay wuxuu fidiyaa xukuumadda heer qaran, heerdawlad-
goboleed iyo heerka maxalliga ah intaba. Wuxuu isu soo dhoweeyaa
muwaaddiniinta iyo hoggaamiyeyaashooda, waxaana loogu xilan karaa
fursado shacbiga u oggolaanaya inay maamulka xukuumaddooda ku lugyeeshaan.
Waa hab damaanad-qaada kala-seeridda awoodaha ay kala
leeyihiin laamaha ay dawladdu ka kooban tahay oo kala ah fulinta, sharcidejinta
iyo garsoorka. Haddii, xataa, awoodaha laamaha Xukuumadda Dhexe
uu qof ama kooxi ay isku koobto, weli habka federaalku wuxuu damaanadqaadi
karaa dawlad-goboleedyadu inay si madax bannaan hawlahooda ku
fushadaan.
Dhinac kale markii laga eegona, waxaa habkaan lagu dhalliilaa hirgelintiisu
inay dawlad-goboleedyada qaali ku tahay. Maxaa yeelay, dawlad-goboleed
walba waxaa laga doonayaa inay qayb ka bixiso kharashyada ay
Xukuumadda Dhexe ku shaqayso, iyada oo isla markaasna laga rabo keeda u
gaarka ahna inay ku fillaato.
V. Gebaggabo
Si kastaba ha ahaatee, ummadda Soomaaliyeed oo keliya ayaa go’aan ka
gaari karta habka dhismaha dawladda Soomaaliya sida uu noqonaayo.
Waxaase lagama-maarmaan ah dadweynuhu inuu u war-hayo kolba sida uu
habkaasi noloshooda u saamaynaayo. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in
federaalka iyo waxa uu ku saabsan yahay si baahsan looga doodo, inta weli
diyaarinta dastuurka cusub lagu jiro. Ugu dambaystana, waxay u badan tahay
qodobbada dastuurkaas isaga ah in qaab-dhismeedka dawladda lagu qeexi
doono.
Page
19
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com