LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

” Dilaayoow waa lagu dili” askarigii ugu dad laynta badnaa taariikhda Mareykanka oo isna markiisa la dilay. Ciiraaq ayuu dad badani kusoo laayay askarigaas. (Sawiro)

Chris Kyle oo kamid ahaa ciidamadii dalka Mareykanka ee galay dalka Ciiraaq islamarkaasna noqday taariikhda milatariga dalka Mareykanka askarigii ugu dad dilista badnaa.

Kyle ayaa ay saaxiibadiisa ugu yeeri jireen ” Toogtaha ugu halista badan” isaga oo shaqada ciidanimada ka fariistay islamarkaasna caawin jiray askarta ay maskaxda wax kagasoo gaartay dagaalada ka dhacaya Ciiraaq.

Chris Kyle ayaa waxa uu ku dilay gudaha dalka Ciiraaq ilaa 160 qofood oo Ciiraaqiyiin ah kuwaasoo uu u adeegsaday qoriga wax lagu liisho/shiisho balse isagana waxaa ugu dambeyntii dilay mid kamid ah ilaaladiisa isla gudaha dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Texas.

Kyle ayaa waxa uu qoray buug si weyn loo iibsado kaasoo lagu magacaabo ”American sniper” ” Toogtaha/shiishaayga Mareykanka.

” Waa wax laga naxo inuu sidaan ku dhinto Chris Kyle” sidaas waxaa yiri Scott McEwen oo ay buugga ”American sniper” wada qoreen dilaaga weynaa ee Chris Kyle oo ugu dambeyntii isna la dilay.

Ninka la dilay Kyle ayaa waxa uu buugiisa kaga sheekeeyay sida uu ku noqday askariga ugu dad dilista badan ciidamada Mareykanka taariikhda inta la xasuusto isaga oo sheegay inuu ku dilay dalka Ciiraaq ugu yaraan 160 qofood.

Waa tii horay loo yiri, ” Qofkii seefta ku nool waxa uu ku dhintaa seefta” Kyle ayaa dabcan fursad u helay inuu buug uu isaga wax ka qoray kaga sheekeeyo sida uu dad badan usoo laayaye isna waxaa dilay ugu dambeyntii asxaabtiisa mid kamid ah.

Chris Kyle ayaa waxaa looga yaqaanay dalka Ciiraaq ”Sheydaankii Ramadi” Ramada waa magaalo ku taalo dalka Ciiraaq, waxayna kamid ahayd magaalooyinka sida weyn ay ugu dagaalameen kooxaha wax iska caabinta dalka Ciiraaq iyo ciidamada Mareykanka ee ku duulay dalkaas.

Kyle waxa uu dilay isku geyn 255 oo ay 160 kamid ah xaqiijisay wasaarada difaaca dalka Mareykanka isaga oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano ”US Navy Seal”

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply