Rag dabley ah oo aan ilaa iyo hada heybtooda la garanayn ayaa waxa ay maanta barqanimadii dil ugu geysteen gudaha magaalada Baydhabo nin kamid ahaa dadka magaalada.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay suuqa loo yaqaano Boqoleyda oo ku yaalo xaafada Berdaale ee magaalada Baydhabo. Raggii dilka geystay ayaa durbaba iskaga baxsday goobta uu dilka ka dhacay.
Waa dilkii labaad ee mudo 48 gudahood kadhaco magaalada Baydhabo ayada oo ay dhawaanahaanba isasoo tarayaan dilalka qorsheysan ee kadhacayo magaalada Baydhabo.
Dhanka kale dilka ka dhacay magaalada Baydhabo maanta ayaa kusoo aadayo xili ay saraakiisha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa maamulka gobolka Bay sheegayaan inuu soo hagaagay amaanka magaalada islamarkaasna ay gacanta ku hayaan amaanka guud ee magaalada.
Xafiiska wararka
Baidoa media ee Baydhabo.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com