Waxaa beryahanba socotay waxa ay dadka qaar yiraahdaan waa”quud aan jirin qoryo u guro”.
Marka aan sidaas leeyahay waxa aan wax ku saleynayaa sida ay Soomaalidda wax u qeybsatay iyo sida ay shakhsiyaadka qaar u damac badanyihiin oo ay isku siinayaan wax aan quudkii lagu heshiiyey aheyn.
Sida aan wada fahamsan nahay waxaa wax lagu qeybsaday qaabka 4.5 iyada oo la adeegsanayo habka wax wadaqeybsiga dheelitiran ama ‘Proportional Reprersetation’.
Nidaamkan qabaa’ilka ka sokow waxaa kale oo meesha ku jira oon aanse carrabka lagu dhufan, hase ahaatee la isla fahmay, in habka luqadaha Maay iyo Maxaa tiri wax loo qeybsaday oo aad moodo in lagu heshiiyey in qabaa’ilka af Maayga ku hadla, DigilMirifle, kursiga Ra’isul Baarlamaanka oo aan lagula tartamin in ay iyagu dhaxdooda ku tartamaan mooye. Labada kursi ee kalena waxaa loo dhaafay qabaa’ilada Maxaa tiriga ku hadla ee Daarood, Dir iyo Hawiye.
Nidaamkan sare ma aha mid Dimuqraagiyad ah (qofkiiba hal cod oo kii tirrada ugu badan hela ayaa guuleysanaya) iyo cadaalad dhab ah toona ku dhisan ee waa nidaam ay Soomaalidda isla garatay, wax isugu ogolaatay, isugu tanaasushey, waxna ku qeybsatay laga soo bilaabo 1960 ilaa hadda marka laga reebo 21 sano ee xukunkii askarta oo aan dhihi karno DigilMirifle xubnaha sare ee dowladda waxba kuma laheyn.
DigilMirifle waxa uu yiraahdaa weligeyn Ra’isul Jumhuriya (madaxweyne) ma noqon. Hase ahaatee taas dhab ma aha. U fiirso:
· Aadan Cabdulle Cismaan madaxweyne ma noqon ilaa Sheikh Mukhtar ka dib ma ahee
· Cabdirashiid Cali Sharmarke madaxweyne ma noqon ilaa Sheikh Mukhtar ka dib ma ahee
· Maxamed Siyaad Barre madaxweyne ma noqon ilaa Sheikh Mukhtar ka dib ma ahee
· Cabdiqaasim Salaad Xassan madaxweyne ma noqon ilaa Cabdalla Deerow Isxaaq ka dib ma ahee
· Cabdullahi Yusuf Axmed Madaxweyne ma noqon Sharif Xassan Sheikh Adan ka dib ma ahee
· Sheikh Sharif Sheikh Axmed madaxweyne ma noqon Sheikh Adan Maxamed Nur ( Sheikh Adan Madoobe) ka dib ma ahee
Cali Mahdi Maxamed, Mohamed Faarax Ceydiid- xisaabta kuma aanan darin maxaa yeelay sida lawada og yahay midkoodka ma aheyn mid ay Soomaalida isla wada ogolaatay madaxweynenimadooda).
Nidaamkaas kore ee lagu heshiiyey haddii sida uu yahay loogu socdo madaxweynaha kale Agost 2012 Soomaali ma dooran doonto ilaa uu kaga horeeyo mid DigilMirifle ah oo marka hore Raisul Baarlamaan loo doortay oo madaxweynaha la dooran doono ku sii sima ma ahee.
Waxaa haboon in aysan DigilMirifle nidaamka soo jireenka ahaa ee ay runtii Soomaalidda inteeda kale oo dhan kuna aqoonsadeen doorka wanaagsan ee ay nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya ku leeyihiin kala tuurin.
Marka la fiiriyo nidaamka 4.5ka ah afarta qabaa’il ee waa weyn waxay heleen min 22% kuraasta baarlamaanka, qeybta shanaadna kuraas u dhiganta 12%. Haddii dimuqraadiyadda si sax ah loo isticmaalo, DigilMiriflow, ma kula tahay inaad saddexda kursi mid ka heleyso? Ma qamaareysaa mise miraha guntiga kuugu jiraad xajisaneysa?
Haddii damaca ee “quud aan jirin qoryo u gurada” ku dhisan ee ay “siyaasiyiinta” ama shakhsiyaadka qaar ee xisaabtan la’aanta, wax iskuquurid la’aanta, wax boobista iyo qaabka laab la kaca ah ku saleysan la iska raaco, waxaa dhici karta in ay beelweynta DigilMirifle wada weyso saddexda kursi midkoodna.
Sidaas darteed waxa ay tallada haboon u muuqataa in ay tahay in la sii wado nidaamkii jirey laga soo bilaabo 1960 laguna ta’kiidiyey heshiiskii Djibouti ee sanadkii 2000 ee lagu sii adkeeyey heshiiskii Kenya ee 2004 oo lagu sii xoojiyey heshiiskii Djbouti ee 2009 aan marna khatar la gelin maadaama loo arkay in uu ahaa mid Soomaali oo dhan ku heshiisay.
Sidaas darteed, waxaa wanaagsan wanaagsanaan jirtayna in uu baarlamaanka cusub marka hore doorto Ra’iisul Baarlamaanka oo ay musharixiintiisu yihiin DigilMirifle miiran. Qofka booskaas loo doortana sii ahaado Madaxweyne ku meelgaar ah inta uu baarlamaanka dooranayo Ra’iisul Jumhuuriyaha kaas oo isna soo magacaabi doona Ra’iisul Wasaaradaha oo ay asaxintiisu baarlamaanka u taal.
Su’aasha DigilMirifle u taal waa: Maxay tahay awooda kaa maqan ee aad raadineyso haddii saddexda qabaa’il ee kale (Daarood, Dir & Hawiye) iyo qeybta shanaadba boos aan lagugula tartameynin aad kasoo dhacsatay oo ay kuu daayeen.
DigilMirifle ma aha dad garan waayay marka laga hadlayo awood qeybsiga dowlidnimada Soomaaliya. Kursiga Ra’iisul Baarlamaanka waa muhiim waana mid ay inta badan DigilMirifle ku qanacsan yihiin ilaa laga gaaro muddada nidaam dimuqraadi ah oo ay dadweynaha Soomaaliya ay si toos ah codkooda u soo dhiiban karaan iyaga oo aan laga wakiil aheyn.
DigilMiriflow, idinkuna musharaxiin tacliin iyo tayo leh oo Soomaalida oo idil anfaca la imaada oo ha isku sharaxeyn booska Ra’iisul Baarlamaanka oo labada boos ee kale hadda qabaa’ilada kale saami ahaan ugu dhaaf.
Talo Soo Jeedin.
Arinta ugu muhiimsan ee hada hortaala Qowmiyada DigilMirifle waa abuuritaanka dowlad goboleed oo iyaga hormuud ka yihiin oo ay Madaxweyne ka noqon karaan, iydoo ujeedada tahay in dowlad goboleedka ay ka koobnaato Lixda gobol ee kala ah { Shabeelaha Hoose, Jubadda Dhexe, Jubadda Hoose, Gedo, Baay iyo Bakool}.
Hase ahaatee waa in ay u ku xisaabtamaan DigilMirifle in ay ogolaadaan awood qeybsi oo ay Jagooyinka wax ka siiyaan Daarood Koonfureed, Hawiye Koonfureed, Dir Koonfureed iyo Beesha Shanaad, markaa waxaa haboon in qofka ku haminaya in uu Madaxweyne Soomaaliyeed noqdo in uu Ol-ole u galo booska Madaxweynaha Koonfur galbeed isagoo ku daalaya in uu isku soo dhaweeyo qabaa’ilada dagaalka Sokeeya saameeyay ee Koonfurta wada Dega.
Qormada
A A Bulle, MSC
UK
maisodias@hotmail.com
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Ninkaan heshiiska uu sheegayo goomuu dhacay inteese uu ku qoran yahay, hadii aa sidaa sheegeyso ay yihiin arinta dastuur ayaa jira wadan ayaa lagu qeexi lahaa siyaasadana iska hadal ama qof ku xumee ma aha,hadaa ula jeedo qoraalka aad qortay shaqsiga hada usharaxan Digil& mirifle kursiga madaxweyne nimo,waxaa ogaataa in uu qoraalkaaga aad ugu geftay Digil & Mirifle oo dhan waxey xaq uleeyihiina aad isku daysay dad kale inaad ugu nacmleyso,marka waxaan kuu sheegayaa in taadan qoraalka adan qorin in aad kafiirsato waxaad qoreyso
mahadsanid
salaan kadib waxaan la yaabanahay ninka waxaan soo hindisey siduu ku keeney inuu heshiis ka dhigo waxaa ay soo ma leegeen maxaatiriga soow ma oga in lalaaley dastuurkii 6o nkii waa qamaareynaa waana falismeynaa noo daa anagaa digil iyo mirifle ah adigana waxaa tahay ahaaw
waad salaaman tihiin kadib ninka maqaalka qorey marka hore waxaa lagaa rabaa inaad is cadeysid kadibna haka hadlin waxaan laguu dirsan maxaa yeeley kuraasta aad qeybineysid kuma qorna kitaabka ee waa wax mara awaal ah cid kursi gaar ah leh maklaha kuraasta soomaali baa iska leh iyadeyna utaalaa
D&M waa ka weyn yihiin wax hal kursi lagu shabadeeyo, haddii aad ka xun tahay hankoodana oo ay ku haminiyaan kursiga ugu sareeya dalka adeer maseer ayaa ka muuqda adiga kuu talaa inaad gidaar isku qaado iyo in kale.