cialis order uk5″ />Ayada oo shalay un la magacaabay raisalwasaare cusuboo ay Soomaaliya yeelato ayaa waxaa ka dhacay maanta gobolada dalka qaar iskusoo baxyo lagu taageerayo raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
gobolada Galgaduud iyo Ceyn ee bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya ayaa ay ka dhaceen iskusoo baxyada ugu waa weynaa ee lagu taageerayay raisalwasaaraha cusub.
Magaalooyinka Caabud waaq, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Buuhoodle ayaa ay ka kala dhaceen iskusoo baxyada taageerada loogu muujinayay raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudo 25 cisho ah kadib shalay soo magacaabay mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kaasoo isna geestiisa ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com