Waqtigu waa xasaasi xaaladuna waa mid isbedbedel badan oo inta garashada yari ay gacmahooda isku bireeyaan iyadoo ay arimuhu sidaa yihiin ayaa waxaa hadana maraq madoonta ah in xaqa iyo kan lihi uu ALLAH uyahay garab buuxa kol hadii ay garabsadaan
Laba iyo labaatan sano oo dagaal sokeeye marba maqac iyo shaar cusub loo xirtay inay eber ku soo gabagaboobaana waa mid uun ILLAAH mooyaane aan aadmi caqligii garan karin inay tahayna waa marqaati madoonto-e
Waxaan intaasi oo afeef iyo hormarsi uga dhiganayana inay tahay wixii igaaray ee aan weli cafin iyo tan weli layla daba taagan yahay oo aan weli laga qancin dhibtayda inay tahayna waa marag madoonto!
Waxaan ahay Afgooye iridka laga galo KoonfurGalbeed Soomaaliya waxaan leeyahay beero laga guudiyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ii dhaqan ah soo dhowayn iyo Soomaalinimo waxaan ahay deegaan Diintu ay u tahay furaha nolosha ee garasho xumoow ogow Waxaan ahay Afgooye!
Hadaan intaas makansaday oo wanaag oo dhami dhulka soo dhigay oo ay Soomaalidii dhamayd ku nasatay kuna barbaxday dushayda ma mudnaa inay abaalkayga ka dhigaan inay khasab igu sheegtaan?
Waxaan intaasi oo afeef iyo horudhac uga dhiganayana inay tahay wixii igaaray ee aan weli cafin iyo tan weli layla daba taagan yahay oo aan weli laga qancin dhibtayda inay tahayna waa marag madoonto!
Cabashadan aan afka la furtay maanta ma ahan mid cusub balse tani ka daran tii hore beelihii Hawiye ee in la dulmay dagaalka u galay inay wax dulmaan waa caqli daah koray waaba hadaanu duuqmine!
Waalidii Caydiid,Saksaagii Sigane,Jahwareerkii Ilqayte iyo Doqonkii Indhacare waxay qori iiga waayeen miyaa maanta Cabdisanam Dekereto iiga soo doonay?
Waa duni laba dacal(Xaq iyo Xaq daro) lahoo midba kiisa hiilo u haya qurmoonow war moog dhul aadan lahayn inaad goobo goobaysatoo awood Dawladnimo iyo Dekereto ugu awood sheegato Cabdisanamow hortaa jiraa waaye ee haybi Ilma adeerataa?
Cabashadan aan afka la furtay maanta ma ahan mid cusub balse tani ka daran tii hore beelihii Hawiye ee in la dulmay dagaalka u galay inay wax dulmaan waa caqli daah koray waaba hadaanu duuqmine!
Dhar aadan lahayn inaanu dhaxan kaa celin waa garasho dhab ahe sidoo kalaa dhul la booliyo ka dhigan inuu kaagii hore dhumiyaaye war moogayaaloow intii aanu kiina idiinka lumin sheegashadayda maad ka tashataan?
Maamul aan miciyo lahayn sida kan Cabdisanam iyo magacyo meel ku buuxis ah horaa loogu halaagsamay ee qolo sidiina oo kale hungurigu cabiidsaday inay xumaha wanaag ka garantaan waa waxaan looga fadhiyin-e
Cabashadan aan afka la furtay maanta ma ahan mid cusub balse tani ka daran tii hore beelihii Hawiye ee in la dulmay dagaalka u galay inay wax dulmaan waa caqli daah koray waaba hadaanu duuqmine!
Waxaan warkay ku soo gunaanadayaa oo aan dardaar dhaaf uga dhigayaa Cabdisanam beeshiisa Cayr dulmigiinu inuu EEBE idiinku duleeyo dunidan korkeeda waa mid sugnaan hadaydaan is daba qaban oo dulmiga ka joogin
Dulmi iyo handadaad duulal baa idiinkaga horeeyay maanta aan la tirsanine,Ajuuraankuba awood uma yarayn dumiyay dulmigoodii idinkuna maantay idiin saarantahaye ku dulooba dogonyahay.
Cabashadan aan afka la furtay maanta ma ahan mid cusub balse tani ka daran tii hore beelihii Hawiye ee in la dulmay dagaalka u galay inay wax dulmaan waa caqli daah koray waaba hadaanu duuqmine!
Yasin Abicar
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com