Shabakadaha daafeet.com iyo baidoamedia.com ayaa waxa ay wareysi qayb ka ah barnaamish cusub oo la magac baxay amuuraha Soomaaliya la yeesheen gudoomiyahaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose, Cabdullaahi Cabdi Axmed.
Wareysiga oo ahaa mid dheer ayuu gudoomiyaha kaga hadlay xaalada guud ahaaneed ee gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan tan degmada Afgooye ee uu gudoomiyaha ka yahay.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in qaabka uu u dhisanyahay maamulka degmada uu yahay mid cadaalad aan ahayn oo ay dadka deegaanka ku leeyihiin 3 xubnood oo keliya halka dadka kalena ay yihiin kuwo aan u dhalan deegaanka uunasoo magacaabay wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladii KMG Soomaaliya.
Dhanka kale, gudoomiyuhu waxa uu sheegay in canshuurta kasoo xaroota degmada Afgooye aanay dib ugu noqon adeegyada arimaha bulshada oo ay ku kala dhacdo jeebab kale isaga oo sheegay in canshuurta ay kasoo gaarto ka maamul ahaan wax ka yar 20%.
Hadalka gudoomiyaha degmada Afgooye ayaa imanaya xili ay jiraan dhibaatooyin iyo cabashooyin kasoo yeerayo dadka gobolka Shabeelada hoose u dhashay kuwaasoo ay ka sheeganayaan dad magaca dowlada Soomaaliya wata una dhalan deegaanka balse ku dhex milan maamulada ka jiro halkaas.
Hoos ka dhegayso wareysiga gudoomiyaha.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com