Monday, May 20th, 2013

Dhega badan”Waxaan isku furaynaa Muqdisho iyo Baydhabo iyo gobola kale”

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa waxa uu sheegay inay dhowaan isku furi doonaan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo kadib markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM la wareegeen degmada Wanla weyn oo u dhexaysa Muqdisho iyo Baydhabo kana tirsan gobolka Shabeelada hoose.

Jeneraal Dhaga badan waxa uu sidoo kale sheegay inay qorsheynayaan inay isku furaan Kismaayo ilaa Beledweyne isaga oo ugu baaqay dhalinyarada weli kasii tirsan Alshabaab inay iskagasoo baxaan.

“Kooxaha jid iyo jaha diidka meel ay jaan cirib dhigi doonaan ma jiri doonaan, waxaa rajeyneynaa inaan isku furo meelo badan oo wadooyinka ah, sida Baydhabo, Muqdisho, Beledweyn iyo Kismaayo”ayuu yiri Jen. Dhega-badan.

Hadalka kasoo yeeray jeneraal Dhega badan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM dagaalo ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya qaarkood.

 

Baidoa media.

 

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply