Wednesday, May 22nd, 2013

”Dhawaan gobolada dalka oo dhan waan isku furi doonaa” Jeneraal Dhega badan.

Abaanduulaha ciidamada XDS Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan ”Dhegabadan” ayaa ka hadlay howlgalada ka socda gobolada qaar iyo qorshayaasha u dejisan ciidamada XDS.

Jeneraal Dhegabadan waxa uu sheegay inay dhawaan ciidamada XDS ka sifeyn doonaan Xarakada Alshabaab guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya isaga oo dhanka kalena sheegay inay isku furi doonaan gobolada.

Mar uu ka hadlayay dagaalada ka socdo gobolka Jubbada hoose ayuu sheegay jeneraal Dhegabadan inay dhawaan ciidamada XDS la wareegi doonaan magaalada Kismaayo.

Abaanduulaha ciidamada XDS jeneraal Dhegabadan ayaa dhanka kale sheegay inay ciidamada dowlada ku howl galayaan qorshe iyo istaraatiijiyad islamarkaasna ay ku dadaalayaan inay yareeyaan qasaaraha soo gaarayo shacabka.

Hadalka kasoo yeeray jeneraal Dhegabadan ayaa imaanayo xili ay socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwaasoo ku wajahan gobolada dalka qaarkood.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply