Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas lagu qab qabtay in ka badan 100 dhalinyaro Soomaali ah oo lala
xiriirinayo kamid ahaanshiyaha ururka Alqaacidada Yemen iyo weliba Xarakada Alshabaab.
Dhanlinyaradaan ayaa xabsiga loo taxaabay ayada oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xaaladooda. Dhalinyarada qaar oo lasoo daayay ayaa la sheegayaa in tinta lagasoo xiiray si looga dhex aqoonsado dadka kale taasoo lagu micneeyay in dhalinyaro kale oo fara badana lagu wado in la qab qabto.
Dhawaanahaanba dalka Yemen waxaa ka jiray qab qabashada dhalinyarada Soomaalida oo lagu eedaynayo inay qayb ka yihiin Xarakada Alshabaab Yemena ay u joogaan inay ka bar bar dagaalamaan ururka Alqaacidada gacanka Carbeed oo saldhig weyn ku leh gobolka Abyan ee dalka Yemen.
Dhawaan ayay ahayd markii askar 100 ka badan oo Yemeniyiin ah ay ku dhinteen qarax weyn oo ka dhacay magaalada Sanca xili ay ku guda jireen askartaas isku diyaarinta dabaaldega maalinta qaranka dalka Yemen.
Dalka Yemen mudaba waxaa ku noolaa kumanaan Soomaali ah kuwaasoo qaxooti ahaan ugu noolaa halkaas balse dadkaas ayaa waxaa lasoo deristay cabsiyo kala duwan oo ah kooxihii mucaaradka ahaa ee ku kacsanaa dowladii madaxweynihii xilka ka degay ee Cali Cabdalla Saalax inay ku eedeeyeen in Soomaalidu ay ka bar bar dagaalamyeen ciidamada Cali Cabdalla halka hada oo uu meesha ka baxay Cali Cabdalla Saalaxna dadka Soomaalida mar kale lagu eedaynayo inay qayb ka yihiin Alqaacidada Yemen.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com