Dhalinta Baydhaba qaarkood ayaa waxa ay ka qayb qaateen barnaamish gaar ah oo aan ugu talagalnay maalinta 6da June oo ku aadan maalintii uu ururkii RRA ka saaray magaalada Baydhabo jabhadii Oromada iyo weliba koox dhul boob ku socotay islamarkaasna wadatay magaca Salballaar kuwaasoo dulmi ku hayay dadka ku dhaqan gobolada koonfurgalbeed Soomaaliya.
Barnaamishkaan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Cabdicasiis Sheekh Nuurow Xaydar oo u cayaari jiray kooxda kubbada cagta AMAANA oo ka dhisnayd magaalada Baydhabo, Cabdiqadar Macallin Xasan (SALAS) oo u cayaari jiray kooxada kubbada cagta MIDNIMO oo ayadana ka dhisnayd magaalada Baydhabo iyo weliba Nariis Aadan Xasan oo u cayaari jiray kooxada kubbada cagta ISHA ee isla Baydhabo.
Barnaamishkaan oo ah mid loogu dabaaldegayo maalinta 6da June ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Radio Baidoa iyo shabakada warbaahinta http://baidoamedia.com.
HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISHKA.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.



dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Maansha Allah dhalinyarada xususatey xusteyna 6June waa gesiyiin umada markey tariqdeeda illowdo ama xusiweyso waa lo baqa SYl ilaa iyo hadda waa la xusa lama xilmami karo intii Somali nafta ku jirto RRA lama xilmami karo inti qof Digil iyo Mirifle nafta ku jirto insha Allah Xuska waxaan ka dhigi doona dhaxalka caruurtena uu gudbo waana si weyneeynenya . guleysta kuligina walalaheena, wiilasheena ayaa naftooda uu ku waayeey xureynta DHULKENA yaa dhedheel lagu si deyniin waa DHAXAL AWOOWE.
walaal websitkaan waxaa loobaahanyahay inuu noqdo mid umada soomaaliyed udhaxeeyo lkn looma baahna in qabiil soomaaliyeed lagu aflagaadeeyo ama beel beelaha soomaliyeed kamid ah mahadsanidiin