Friday, May 24th, 2013

Dhaarintii xildhibaanada cusub oo soo gaba gabowday.

Waxaa goor dhow soo idlaatay dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya ayada oo ay sidoo kale xildhibaanadu iska dhex doorteen xubinta ugu da’da weyn si uu usii gudoonsho fadhiyada baarlamaanka inta laga dooranayo gudoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

211 xildhibaan ayaa waxaa dhaariyay gudoomiyaha maxkamada sare abuukaate Ceydiid Ilka Xanaf ayada oo ay weli socoto xaflada inkastoo ay dhaarintu soo idlaatay.

General Muuse Xasan Cabdulle oo ah gudoonka kmg ah ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inay hadaba bilaabatay qabashada araajida musharaxiinta xilka gudoomiyanimada baarlamaanka Soomaaliya taasoo gudi loo saari doono waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa ka dhigayso dalka Soomaaliya mid si toos ah uga baxay kumeelgaarnimadii uu sanadaha badan kusoo jiray ayada oo ay awooda dalka hada u sareeyaan xildhibaanada maanta la dhaariyay maadaama hay’adaha dowladii KMG uu xiligoodu maanta ku egyahay.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply