Waxaa ka jiro qaybo kamid ah gobolka Hiiraan dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada maamulka Dooxada Shabeele iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan magaalada B/weyne ayada oo ay sidoo kalena ka jirto cabsi xoogan oo ay qabaan dadka shacabka ah magaalooyinka Buulobarde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Maamulka Dooxada Shabeele ayaa ku goodiyay inay weerar ku yihiin goobaha ay Xarakada ALshabaab weli kaga sugantahay gobolka Hiiraan. Wasiirka warfaafinta maamulka Dooxada Shabeele Maxamed Nuur Cagajoof ayaa waxa uu sheegay inay soo dhameystirantay istaraatiijiyadii dagaal ee lagaga xoreyn lahaa guud ahaan gobolka Hiiraan Xarakada ALshabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.
Magaalada B/weyne ayaa waxaa horay dagaal xoogan kula wareegan ciidamada maamulka Dooxada Shabeele ee ka amarqaato madaxweynaha maamulkaas C/fitaax Xasan Afrax iyo weliba ciidamada dowlada Itoobiya oo soo galay gudaha dalka Soomaaliya si ay garab u siiyaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee dagaalada Ka wado qaybo badan oo dalka ah.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com