Wednesday, June 19th, 2013

Degmooyin cusub oo loo magacaabay gobolada Bakool iyo Gedo.

Madaxweynaha DFKMG-ka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa degmooyin cusub u aqoonsaday Deegaannada karaaban iyo Dhuurey oo ku yaala Gobollada Gedo iyo Bakool.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta oo sabti ah u shaaciyay saxaafadda in Madaxweynaha Soomaaliya wareegto kasoo baxday degmooyin loogu aqoonsaday Dhuurey iyo Karaaban oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Gedo.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan hay’adaha kale ee dowliga ah in ay dhammeystiraan adeegyada kale oo ay u baahanyihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku nool degmooyinkaasi cusub.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply