Saturday, May 18th, 2013

Degmadii 17aad ee gobolka Banaadir oo maanta lagu dhawaaqay.

Ayada oo uu gobolka Banaadir horay uga koobnaa 16 degmo ayaa degmadii 17aad maanta munaasabad ka dhacday halkaas lagu shaaciyay.

Deegaanka Kaxda ayaa waxaa loo aqoonsaday inay noqoto degmadii 17aad ee gobolka Banaadir, degmada cusub ee Kaxda ayaa waxaa horay degmanimo u aqoonsaday madaxweynihii hore ee dowladii KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayada oo uu qalinkana ku duugay gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan.

Munaasabada maanta ka dhacday degmada Kaxda ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin katirsan gobolka Banaadir, saraakiil ciidan iyo dadka degan degmada cusub ee Kaxda.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply