Wasiirkii arimaha gudaha ee maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxa uu ku geeriyooday shil gaari kaasoo ka dhacay degmada deegaanka Godonle ee gobolka Galgaduud.
Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Cali Mire oo uu dhaawac halis ah uu kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay deegaanka Godonle ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa u geeriyooday dhaawacaas ayada oo isla galabtana lagu aasay Cadaado.
Gaariga uu ku safrayay wasiirka ayaa waxa uu ka amba baxay degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb isaga oo kusii jeeday deegaanka Godonle gaarigaas oo ahaa nooca loo yaqaano Ruuneetka ee ay Soomaalidu sida weyn u isticmaasho mudooyinkaan dambe.
Shalay ayay ahayd markii uu shil gaari ku geeriyooday gudoomiyihii hore ee ururka Ahlusunada gobolada dhexe kaasoo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug.
Inta badan wadooyinka gobolada dalka Soomaaliya ayaa ah kuwo ku bur buray dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka mudada 20 sano ah ayaga oo aanan helin wax dayactir ah.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com