Waxa ay goor dhawayd kula qaraxday magaalada Muqdisho gaar ahaan xaada KPP miino ay damacsanaayeen inay dhulka ku aasaan sadex maleeshiyooyinka Al-Shabaab Alqaacida ah sida uu sheegay taliyaha ciidamada CIDda ahna afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed gaashaanle Cabdulaahi Xasan Bariise.
Korneel Bariise ayaa sheegay in 2 kamid ah maleeshiyooyinka ay si daran ugu dhaawacmeen ayada oo uu mid kamid ah labadaasna indhaha ku beelay qaraxa miino ee ka dhacay xaafada KPP.
Dhamaan sadexdii maleeshiyooyinka Alshabaab ahaa ayaa hada gacanta ugu jiro ciidamada amaanka gobolka Banaadir oo durba goobta soo gaaray.
In badan ayay dhacday in qaar kamid ah maleeshiyooyinka Al-Shabaab ay la qaraxdo miinooyin ay aasayeen ayada oo ay qaarna ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen.
Dhanka kale magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda hawlgal ballaaran oo ay wadaan ciidamada amaanka magaalada oo si weyn u sugaya amniga guud ee gobolka Banaadir.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhacayay falal amaandari ah guud ahaan gobolka Banaadir ayada oo ay masuuliyiinta sar sare ee dowlada KMG Soomaaliyana si weyn uga hadleen arimaha amni darada ah.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com