Monday, May 20th, 2013

Deg Deg: Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose oo u waramay Radio Baidoa isaga oo ku sugan afaafka hore ee Afgooye. (Dhegayso)

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ee dowlada KMG Soomaaliya oo isaga oo caawa ku sugan afaafka hore ee degmada Afgooye u waramay Radio Baidoa iyo shabakadaha warbaahinta baidoamedia.com, ishabaydhaba.com iyo weliba daafeet.com ayaa waxa uu sheegay inay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM caawa ku suganyihiin afaafka hore ee degmada Afgooye isaga oo  sheegay inay berina gudaha u gali doonaan degmadaas.

Gudoomiye Cabdulqaadir ayaa waxa uu dhanka kale beeniyay wararka sheegayo inay dad rayid ah ku dhinteen duqeymaha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM inkastoo ay jiraan wararka sheegayo inay dad rayid ah ku dhinteen duqeymaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka Lafoole.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu dhanka kale sheegay inay ciidamadii Xarakada Alshabaab iskaga baxeen degmada Qoryoolay inkastoo aysan jirin cid kale oo cadeyn karta sheegashada gudoomiyaha.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday dagaalo qaybo kamid ah gobolka Shabeelada hoose ayada oo ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen wax xoogaa horumar ah islamarkaasna ku dhawaadeen degmada Afgooye oo aan weli usoo gacan gelin.

Khadka teleefoonka oo xumaa daraadiis ayaan waxaan idinka raali gelinaynaa dhegaystayaal codka gudoomiyaha oo aad u hooseeya.

Hoos ka dhegayso.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Deg Deg: Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose oo u waramay Radio Baidoa isaga oo ku sugan afaafka hore ee Afgooye. (Dhegayso)

  1. ali says:

    GODDOMIYE OO SHCAB U DHASHAY DARAN SIDA LAGUUGU YAQEEN IN WAX AAD KA BADESHID BAA LAGAGA FADHIYA HADII KALE WAAD TAGEESAA.

Leave a Reply