Deeqdii ugu horeysay oo lacag iskugu jirto dollar iyo shilin Soomaali ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay wiilkii yaraa ee ay burada dhabarka kaga taalay kaasoo ay hooyadiis kula jirto isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.
Deeqda lacagta ahayd ayaa waxaa iska kaashada dhalinyaradii iskood isku xil qaantay ee dayactirka ka waday isbitaalka magaalada Baydhabo kuwaasoo dhawaanahaanba ku mashquulsanaa dayactirka isbitaalka Baydhabo.
Dhalinyarada deeqdaas iska kaashaday ayaa waxa ay kala yihiin sida soo socoto.
1. Cabdicasiis Sheekh Nuurow Xaydar.
2. Ibraahim Maxamed Karbur
3. Aadan Keerow
4. Daahir Mayow iyo Xasan Gaduudow.
Dhalinyaradaan ayaa waxa ay ugu baaqayaan walaalaha Muslimiinta ah inay caawinaad soo gaarsiiyaan wiilkaan yar si dhaqaatiirta Turkida ah ee ku sugan magaalada Muqdisho loogu geeyo maadaama ibitaalka magaalada Baydhabo aanan waxba lagaga qaban karin.


buy lasix onlinedeeq3″ src=”http://baidoamedia.com/wp-content/uploads/2012/12/deeq3.jpg” alt=”" width=”500″ height=”500″ />





Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com