Friday, May 24th, 2013

Deegaanada Dalandoole iyo Buulo Jadiid oo degmooyin loo magacaabay. (Aqriso wareegtada)

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dagmo loogu aqoonsaday dagmada Buula Jadiid oo ka tirsan gobolka Bakool.

      Digreetada ayaa waxa ay u qorneed sida tan.

Markuu arkay: qodobka 39 aad farqada 2aad xarafka “A” iyo farqada 2 aad ee isla qodobkaan ee axdiga KMG ah.

Markuu arkay: xeerka Lr 6 ee 12 febraayo 1980.

Markuu arkay: warqada wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Lr. WAG&AQ/1-2-60/12 ee July 16, 2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabis dagmo cusub.

                   Wuxuu soo saaray xeerkan  soo socda.

                                     Qodobka 1 aad

Waxaa la oggolaaday in Buula Jadiid oo ka tirsan gobolka Bokool loo aqoonsaday dagmo laga bilaabo maanta oo ay  taariikhdu tahay 22 july 2012.

                                     Qodobka 2 aad

Xeerkan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dowladdda.

Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Sidoo kale wareegto kale oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha aya waxa u qorneed sida tan.

 

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dagmo loogu aqoonsaday dagmada Dolondoole  oo ka tirsan gobolka Bay.

                    Digreetada ayaa waxa ay u qorneed sida tan.

Markuu arkay;  qodobka 39 aad farqada 2 aad xarafka “A” iyo farqada 2 aad ee isla qodobkaan ee axdiga KMG ah.

Markuu arkay;  xeerka Lr 6 ee 12 febraayo 1980.

Markuu arkay;  warqada wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Lr. WAG&AQ/1/2-60/12 ee July 16, 2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabis dagmo cusub.

                  Wuxuu soo saaray xeerkan  soo socda.

                                    Qodabka 1 aad

Waxaa la oggolaaday in Dolondoole oo ka tirsan gobolka Bay loo aqoonsado dagmo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 22/ July 2012.

Qodobka 2 aad

Xeerkan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda.

Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply