Dhaqaaluhu waa furaha nolosha, waa mishiinka dhaqaajiya horumarka ay ummadi gaarto, waana halbowlaha waraabiya habsami u socodka dhammaan nolosha qeybaheeda kala geddisan. Sidaa darteed, xiriir toos ah baa ka dhexeeya kobaca dhaqaale iyo horumarka nololeed, siyaasadeed, dhaqan iyo kan bulsho. Guul nololeed waxaa guddooma ummaddii horumarisa kobcinta dhaqaalaheeda, guuldarana waxaa guddoonsada ummaddii aan dan u gelin kobcinta dhaqaalaheeda.
Qoraalkaan ma ahan mid aah kaga hadli doono aragtiyada (theories) kala duduwan ee barashada cilmiga dhaqaalaha ee waa mid aan doonayo inaan meel dhow ooy dadku fahmi karaan wax ka abbaaro. Caadiyan kobcin dhaqaale wuxuu ku xiran yahay ‘wax soosaar iyo maalgelin’ iyadoo laga faa’ideysanayo kheyraadka dabiiciga ee deegaankaagu leeyahay. Maalgashiga iyo waxsoosaarka waxaa ka dhalanaya inuu kor u kaco dakhliga qofka caadiga ah, taasoo kor u qaadeysa awoodda wax iibsasho iyo qarash-gareeyn ee qofka, taasoo iyana dhiirigelineysa wax soosaar iyo kobac dhaqaale oo hor leh si loo daboolo baahida macaamiisha. Haddii tani la waayo maxaa dhacaya? Waxaa dhacaya inay hoos u dhacdo awoodda dhaqaale (dakhliga) ee qofka caadiga taasoo ka dhalatay shaqo la’aan ay sabab u tahay wax soosaarkii oo yaraaday maadaama la waayey wax maalgashi ah taasoo natiijadeedu ay noqotay in kheyraadkaagu uu meel walba wadhnaado dadkiisuna ay ka baahnaadaan faqri dartii. Maxaa idinkaga baxay dheraandherintaan aan marna hore u dheraandherinay marka gadaal-gadaal aan u dheraandherinay? Maxay idinla yihiin waxa meesha ka maqan (missing link) ee ay wax la qabsoomi la’yihiin? Haddaanay weli jawaabtu idiin bixin, bal aynu hore u yara socono.
Marka laga hadlayo horumarinta dhaqaale ee dal guud ama degaan gaara waxay inta badan dhaqaalayahanadu abbaaraan hadba kheyraadka dabiiciga ahee degaankaasi uu kaga horeeyo degaanada kale (absolute advantage). Laba xaaladood midkood uunbuu noqon karaa xaaladda kheyraadka dhaqaale ee degaanka: i) inuu yahay mid degaanada kale oo dhan kaga horeeya (absolute advantage); ama ii)inuu yahay mid degaanada kale kala simman kheyraadka dhaqaale (comparative advantage). Haddaba aynu is weydiinee, degaanada Digil-i-Mirifle labadaan xaaladood midkee bay yihiin? Shaki kuma jiro inay wax badan degaanada Digil-i-Mirifle ay ku horeeyaan qaarka kalana ay degaanada kale kala siman yihiin.
Dhan walboo aad ka eegto, dhinaca badda (xeebaha) dheh – dhinaca beeraha dheh – dhinaca webiyada dheh – dhinaca xoolaha nool dheh – dhinaca kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira dheh: degaanada Digil-i-Mirifle wuxuu Allaah ku manaystay nicma badanoo aan laysugu darin degaanada kale ee jaalka la ah. Hadday sidani tahay, maxaa degaanada Digil-i-Mirifle ka dhigay dalka ugu hodansan isla markaana ka dhigay dadkiisa dadka ugu faqrisan? Waa su’aal u baahan inay aqoonyahanada Digil-i-Mirifle ay si xeeldheer u baaraan si ugu yaraan jawaab loogu helo su’aasha isla markaana wax looga beddelo xaaladda sida ay haatan tahay. Maadaama aqoonyahanadii iga mudnaa ka hadalka su’aashani codkoodi la waayey, ayaa waxaa lagamamaarmaan ah inaan ku barbarto si ay khubaradu u xanaaqaan oo codkooda loo maqlo taasoo faa’iido iyo dan weyn u ah xallinta mushkiladda na hortaala.
Waxaan qabaa sida ugu wanaagsan ee lagu hormarin karo dhaqaalaha deegaanada Digil-i-Mirifle inay tahay iyadoo diiradda la saaro sidii ilaha dhaqaale ee ilaahay sida gaarka ugu manaystay deegaanadeena aan ugaga faa’ideyn lahayn dadkeena. Waayo kheyraadka deegaanadeena kasoo baxa loogagama faa’ideysto sidii ugu habooneyd waana halkaas meesha aan sida gaarka ahi diiraddu iigu saaran tahay. Kheyraadka kasoo baxa deegaanadeena iyagoo QEYRIIN bay ka baxaan gacanta soosaaraha una gudbaan suuqyada. Waxaa laga yaabaa inaad is weydiineysaan, ‘’Maxaa ka jaban taasi”? Waxa ka jaban baan idiin sheegayaaye si fiican iila socda. Labada xaaladood (kheyraadii qeyriin iyo suuqa) dhexdooda waxaa ku lunsan (missed opportunity) awood dhaqaale loo yaqaano SHAQO taasoo ay ka faa’ideysan lahaayeen dadka deegaanka wax soosaarka. Qiimaha lagaa siiyey alaabta qeyriin ee sida tooska suuqa u aadday ma ahan qiimihii rasmiga ahaaye alaabtaasi joogtay. Maxaa yeelay, marka alaabtaasi iyadoo qeyriin laga qaado deegaankii laga soo saaray ee la geeyo deegaan kale waxaa horey usii raacay ‘awood dhaqaale shaqo’ shaqooyin loogu abuuri karay tira badanoo ka mid ah dadka degaanka.
Haddaba, maxaa xal ah? Sidee lagu heli karaa nidaamka aan ka hadlayo ee shaqada looga abuurayo deegaanada wax soosaar ee Digil-i-Mirifle? Nidaamkaan dhaqaale ee shaqooyinka loogu abuurayo dadweynaha degaanka wax soosaar ma ahan howl u taala dadka degaanka. Dadka degaanka wixii karaankooda ahaa wey qabteen, waxaase meesha ka maqan awooddii dowladeed iyo middii maalqabeenada iyo qurbajoogta u dhashay deegaanadaasi. Dowlad aan maanta ku haleyn karno horumarinta deegaanadeeda meesha ma jirto annagana mid nooma sammeysna, haddaba maxaa dan ah. Fursadda keliya ee aan haysano waa QURBAJOOGTA iyo GANACSATADA.
Xaqiiiqdii, horumarinta dhaqaale ee deegaanada Digil-i-Mirifle aad iyo aad bay uga sahlan tahay deegaanada kale. Waxa keliya ee loo baahan yahay waa in la helo shakhsiyaad u heelan (committed), aaminsan, kana go’antahay wax u qabashada iyo maalgashiga deegaanadooda. Haddaad is weydiinaysaan xaggee laga keenayaa dhaqaalaha: haddaad tahay mid ka mid ah maalqabeenada (ganacsatada) Digil-i-Mirifle waxaan ku leeyahay awooddiina Alla haydin tuso; haddaad ka mid tahay qurbajoogta waxaan ku leeyahay dib u noqo oo soo akhri Maqaalkii “Qurbajoogoow is Xisaabi”.
Degmo ama tuula kasta oo kamid ah deegaanada Digil-i-Mirifle waxay ku gaar tahay wax soosaar gaar ah. Hadday degmo walba dadka kasoo jeeda (maalqabeenadeeda iyo qurbajoogteeda) ay maalgashtaan kheyraadkaas ay gaarka la tahay degmadoodaas waxaa la arki lahaa in dhammaan deegaanada Digil-i-Mirifle ay noqdaan kuwa loosoo nolol doonto siday markoodii hore ahaan jireen, badalka halka ay dadkeenu maanta u shaqa doontaan deegaanada kale ee dalka. Dadkaagu waxay kaaga baahan yihiin inaad shaqo u abuurto si ay dakhli u helaan, noloshoodu isu beddesho, horumar dadnimo iyo barwaaqana u gaaraan.
Waxaan qabaa sida ugu wanaagsan ee shaqooyin loogu abuuri karo dadka deegaanada Digil-i-Mirifle waa in deegaan waliba laga hirgeliyo WARSHADO YARYAR si gaar ah loo leeyahay (private) oo lagu farsameeyo (processed) hadba waxa deegaankaasi kasoo baxa. Warshadahaan yaryar waxay noqonayaan kuwa shaqooyin loogu abuuro dadka deegaanka waxay kaloo noqonayaan kala-reebe u dhexeeya alaabta qeyriin iyo suuqa si faa’iidada dhaqaale ee shaqo abuuris ay ugu harto deegaanada wax soosaar. Tusaale: warshad yaroo gaar loo leeyahay haddaan ka taago Degmada Afgooye, warshaddaasoo sammeysa CAMBAHA iyo YAANYADA, miyaanay ahayn arin shaqo loogu abuuri karo dadweynaha deegaanka, deegaankii lagu horumarin karo, dhaqaala ay ku abuuran karaan Qurbajoogtii arintaasi iska kaashata ee maalgashata? Hadday isku xirmaan ganacsatada gudaha iyo qurbajoogta kaba sii fiican maxaa yeelay qurbajoogtu waxay fududeynayaan wixii suuqgeyn ah halka ganacsatadana ay fududeynayaa socodsiinta howsha gudaha. Laba cadow uun iska ilaaliya: waa bakhaylnimo iyo cabsi maalgashi (not risk taking). Si khatarta maalgashi ay u yaraatana waxa wanaagsan in mashruuciiba aad igusu tagtaan dad badan. XUSUUS: Ujeeddada koowaad ee howshu waa horumarinta dadkaaga iyo dalkaaga adigoo u maraya nidaamka ku dhisan maalgelinta hantida sida gaarka loo leeyahay.
Isaak Hassanow
Melbourne, Australia
unishef@live.com
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com