LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Dawlada maamulgoboleedyada Soomaaliya mise Dawlada Federalka Soomaaliya?

Dhisid dawlad federaal oo Soomaaliyeed waxay soo socotay mudo badan kadib markii Soomaali ay isku fahmi waysay wada qaybsiga dawlad dhexe.

Waxaa jira dad u arka in dawlad federaal oo ka kooban maamul goboleedyo ay tahay xalka ugu wanaagsan ee hada soomaaliya dawladnimadeedii dib ay ugusoo noqonayso, Laakiin aniga arinkaas ma aaminsani in uu u yahay xal.

Soomaaliya ,federaal qaadashadiisa waa arin xoogaa yara macquul ah, laakiin habka loo wado federaalka hada ayaa waxay tahay burbur hor leh oo aan la ogeyn oo Soomaaliya u wada dhibaatadii 22 kii sano mid kadaran.

 

Waxaa la isku afgartay in hawada lagu laalo qaabkii uu u dhisnaa wadanku juquraafi ahaan ee ahaa 18 gobol , caasimada Muqadisho 2aadna Hargaysa Taas oo si habaysan , cadaaladaysan nidaamsan ku dhisnayd. Laakiin maanta waxaa loo ol olaynayaa dalka dhan in ummadii larabay in ay isu timaado ay sii kala tagto,taas oo sababikaraan, Maamul goboleedyadaan , lasoo dajiyay in lasameeyo ee salka ku haya Qabiilka.

Maamul Goboleed maanta dhisan wax wanaagsan ha qabto iyo yuusan qaban, waxa weeye shaadh cusub oo qabiil kaasoo sahlaya cadaawad hor leh oo wadanka ka dhalata, cadaalad daro kadaran tan hada jirta , Qabiilada laga tirada badan yahay oo lagu tunto iyada oo aan loo aqoonsan in ay kunool yihiin deegaankaan ee Qabiilka badani uu iska go’aansado maamulgoboleed aan dadka dhan wada matalayn.

Khatarta uu leeyahay Maamulgoboleedku.

Arinkaan Waa arin khatar ah oon inagu aynaan ogayn . Waana arin loo baahanyahay in laga wada hadlo sida uu u ekaanayo mustaqbalka dalku.

Waxaan la’ahay ilaa hada waxa saxda ah ee ku kalifay soomaaliya in ay maalinkasta kuwada dagaalamaan siday u soo samayn lahaayeen maamul goboleed.

Waxaan wada ogayn arinka ka taagan mustaqbalka gobolada Jubooyinka halkaas oo la isku fahmi la´yahay habkii maamul loogu samayn lahaa, ayada oo waliba dadka arimahaas aadka uga wada hadlayaa ay yihiin qabiilada awooda ku leh kismaayo iyo soonaheeda ee aan waxba laga waydiin dadka kale ee aan awooda lahayn ee deegaankaas kunool.

Waxaa kale oo socota qorshe loogu samaynayo maamul goboleed gobolada kala ah,BAAY, SHABEELADA HOOSE & BAKOOL inkastoon halkaas aysan ka taagnayn wax dhibaata ah oo la xidhiidha maamul u samaynta deegaanadaas.

Waxaa kale oo jira meela badan oo maamulo loo samaynayo iyo kuwo jira hadaba.Maamulada badankooda waa kuwa kudhisan qabiil iyo intii isku qabiil ah oo oodeeda xidhata taas oo aan u wanaagsanayn wadan raba in uu kasoo kabto dhibaatooyinkii ku dhacay mudooyinkii ugu danbeeyay.

 

Ku, baarlamaanka.

Waxaan u soo jeedinayaa baarlamaanka Soomaaliya in ay arinkaan si adag uga wada hadlaan , furaana doodo ka dhex bilaabma baarlamaanka dhexdiisa oo ku saabsan khatarta ay leedahay Maamul samayntaan lagu guda jiro iyo katanaasulka qaab juququraafigii Soomaaliya ee ahaa. Wadan ka kooban 18 gobol.

Waxaan rajaynayaa in ay fahmaan dad badan dhibaatadaan hada soo socota ee aan la arkayn , midna looga wada ahaado midnimada ummada soomaaliyeed iyo mustaqbalkeeda, waxaan rajaynayaa in aan arko dad aan eegayn iyaga faa’idadooda ah in qabiilkoodu maamul samaysto ee wadanka loo sinaado ,laga danqado dadka qaarkood ee kunool wadanka oo aan waxba laga waydiin siyaasada wadanka iyo deegaanka sida xoolaha.laguna socdo arinkii gobolada ahaa ee aan mudada wadanay kuna caana maalnay.

Faa’idada gobolada

18 ka gobol ee aan maanta haysanaa waa nidaam sahlaya in umadu aysan u wada noolaan qabiil qabiil ee ay isku dhexjiraan, magaala kasta intaas oo qabiil ay wada dagaan, wax kasta in ay ka muhiimsanaadaan danaha deegaanka iyo aayaha uma meeshaas , sahashana isdhexgal dadka laga tirada badanyahay iyo dadka ku faano waan tira badanahay (laandheere).Sidaani waa sidaan rabno ,Soomaaliya aan cidi kala lahayn meel kasta aad ka degantahay.

Waa yartahay maanta Gobol kaliya oo khaas u ah qabiil kaliya , meelkasta waa la isla daganyahay , waana arin fiican ani dhankayga . Sidaas iyo si kadarana waxaan jeclaan lahaa in ummadu isu sii dhexgasho oo la yareeyo magaca qabiilka ee uu kormaro Soomaalinimada iyo magaca deegaanka lawada daganyahay.

 

Hadaan u baahanahay in aan dib u dhisno mustaqbalka dalka lana tartano wadama asaageenaa ee umadeedu simanyihiin.Maxaan uga baahanahay Qabiil?

Soomaali nimo waxba kuma qabsan karno miyaa ?

Fadlan kafakar su aashaan , hadii aad jeceshay in qabiilkaagu uu noqdo maamul goboleed.

Aan u wada istaagno sidaan u joojin lahayn nidaamkaan maamulgoboleedyada ee khatarta ku ah aayaheena soomaalaay.,

 

Elmi Anbashe Elmi

Siyaasi dhalinyara ah.

Ardayna ah

Abshir32@gmail.com

Sweden.

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply