Saturday, May 18th, 2013

Dastuurka qabyo qoraaleedka oo la ansaxiyay.

Wararka kasoo baxayo xarunta ansaxinta dastuurka qabyo qoraaleedka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan inay ergayda ansaxinta dastuurka ansaxiyeen dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya.

Hada waxaa ka socdo xarunta ansaxinta dastuurka ee Iskool Pluzio tirinta ergayda u codeysay dastuurka in loo codeeyo ayada oo ay tirada ergayda ogolaatay ka badantahay kuwa diiday.

Ansaxinta dastuurka qabyo qoraaleedka ee maanta ayaa kusoo aadayo xili ay qaraxyo ismiidaamin ah ka dhaceen afaafka hore ee xarunta ansaxinta dastuurka qabyo qoraalka.

Dastuurka maanta la ansaxiyay ayaa ah mid ay inta badan ummada Soomaaliyeed diidanyihiin ayada oo ay sidoo kale kasoo horjeedo Xarakada Alshabaab oo ku til maantay dastuurka qabyo qoraaleedka inuu yahay ”Dastuur gaaleed”

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha ansaxinta dastuurka iyo qaraxyadaba waxaad kala socon doonto shabakada warbaahinta baidoamedia.com haduu Illaah idmo.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply