Saturday, May 18th, 2013

Dastuurka qabyada ma qasabbaa in la qaataa?!

Dastuurka qabyada ma qasabbaa in la qaataa?!



Dastuuroow maxaad tahay?

 

Dastuurku waa nidaam qoran oo ku seesan xeer ummadeed ku salaysan heshiis iyo is afgarad  bulsho, xeer ummadeedkan ayaa  ah mid la waafajinayo marxaladda nololeed ee dhaqan dhaqaale ee meeshaas ka jirta, waana in lagu saleeyaa laguna sargooyaa qaabkii ay ummada xeerkaas loo samaynayaa u heli lahayd nidaam dowlideed, oo ku fadhiya sinnaan cadaalad, horseedi karana nabad iyo horumar.

Xeerkani waa inuu noqdaa mid qof kasta oo markaas nool iyo mid dhalan doonaba siinayaa  xuquuq buuxda oo aan lahayn kala sarrayn iyo mudnaan gaara. Waa inay jiraan hay’ado  loo celiyo oo awood u leh ilaalintiisa, wax ka bedelkiisa  iyo  wax ku daristiisa. Waa inuu jiraa garsoor  iyo cadaalad dhisan isla markaana si awood iyo xaq ah ku hirgeliya waxay ummaddu isku raacday.

 

Yaa dastuur iyo xeer bulsheedka sameeyn kara?

 

Waxaa dastuur samayn kara dad  bulsho iska dhex xusho, kuna yimid  rabitaanka bulshada doonaysa inay hesho dastuur iyo nidaam dowladeedka oo  lama huraanka ah, ayna ku kalsoon yihiin, haddaba  shaqsi dowlado shisheeye keensadeen ama  ay soo xuleen oo aan doorasho iyo igmasho shacab midna ku imaan, miyuu  samayn karaa dastuur, qeynuun bulsho iyo xeer  ku salaysan  cadaalad? Waa maya, taas macnaheedu waa (Hal booliya  Nirig xalaala ma dhasho!) dastuurka ummadeed  waxaa samayn kara marka ugu horreysa dad isku dhafan dhinacyo badan ka socda, dhinaca diinta, dhaqanka, siyaasada,  sharciyada, iyo arrimaha  bulshada, xuquuqul insaanka,  aqoon buuxdana u leh  dalka  iyo dadka iyo deegaantiisa, laguna yaqaan daacadnimo,hawlkarnimo, wadaniyad, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo, dadka sifooyinkan leh ayaa hirgelin kara oo aas aasi kara dhagaxna dhigi kara dastuur   ummadeeed.

 

Yaa loo sameeyaa  dastuur?

 

Waxaa loo sameeyaa Dastuur iyo xeer bulsho dad aan lahayn dastuur hore iyo  xeer bulsheed oo ama markaas ummada kale la midoobay, oo xeer cusub oo ay ku wada noolaadaan dejinaya ama markaas xoroobay ama markaas ka go’ay dal ay wadaag iyo  mid ahaayeen.

 

Haddaba, innagu saw maynaan lahayn dastuur (Rag iyo Dumar) u codeeyeen? Oo  aan samaysanay Lixdankii(1960) ay labadii gobol  ee Soomaaliyeed midoobay ku  midaysnaayeen oo laysku raacay, maxaa kellifay in  dastuurkeenii laga tago, oo aan mid cusub qaadano? Yaa dani ugu jirtaa?.

 

Ummada Soomaaliyeed waxay leedahay dastuur xalaala, oo dadkii xalaasha ahaa ee aan qiyaanada iyo danaysiga aqoon u qoreen, oo laysku raacay, maadaama ay sidaasi jirto, haddii wax laga bedelo marka dowlad rasmiya la helo ayaa muhiim ah  in wax laga bedelo, oo gole  shacab oo la soo doortay ka doodaan qodobada aan xadaaradda iyo marxaladaha  isbedelka la jaanqaadi karin, balse, maaha wax macquul ah ummad dastuur iyo nidaam lahayd  in la yidhaahdo kaagii hore ka guur oo mid cusub ayaan kuu keenayaa, hana ka hadlin, hana ka doodin  “duuduub  ku liq” “Mire daray duuduub  ayaa lagu liqaa” ayaan maqli jiray.

Aqoonyahanka ku hawllan dastuur samaynta, ee shaqadiisa wada ha noqdaane ama Madaxda   maamulka  dowladda ku meel gaadhka iyo  maamullada kale  ee  jira   wadankuba  hadday xal u arkaan in ummadsa Soomaaliyeed  la majara habaabiyo, oo  la dooriyo jirintaankooda, loona  horseedo burbur iyo in dalkooda laga dhigo (Waqaf) waa in bulshada Soomaaliyeed  iyadu  ka hadashaa  masiirkeeda iyo  mustaqbalkeeda oo aanay  mid  madoow iyo mid cad iyo mid iyaga u eg toona u daba fadhiisan  hannaankooda dowladnimo iyo  aayahooda danbe.

Halku dhigga madaxdeenu wuxuu noqday  “bulshada caalamku waxay rabtaa,  waxay dhaheen iyo waxay doonayaan in la sameeyo” balse, kama  maqlaysid bulshada Soomaaliyeed waxay rabtaa,  waxay dhaheen iyo waxaasay doonayaan toona. Wax walba oo loo sheego lana yidhaahdo kama doodi karaan, mana diidi karaan, ee  jawaabtoodu waa  (Haye) iyo   (Haa). Abwaanada Soomaaliyeed hore u yidhaahdeen i iyagoo ka soo horjeeda in qofku  wax walba oo wax dhimaallihiisa ah iska qaato, isaga oo aan  berri iyo  timaadaba waxay noqon midna eegaynin:

(Abwaan  cali dhuux)

Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne

Dheddigaanshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada e

Haddayan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene

wax ka dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine

                      ( Abwaan  salaan Carabeey)

Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu Xaaraane

Dhadhan malaha aadmigu waxay kugu dhalliilaane

Nin Dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye

Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.

 

Waxaa kale oo dhacday, nin qurbajoog ahaa ayaa la yidhi: walaalkaa waa Doqon,  ninkii hadalkii iyo farriimihii walaalkii uga imanayey wuu dhibsaday, berigii danbe ayuu soo noqday oo yimid  dalkii, waxuu tegay halkii walaalkii joogay, oo ahayd meel baadiye ah,

markaasuu walaalkiis la kulmay, waxaa  uu is yidhi bal arrinkii isaga ahaa, ee walaalkaa lagu xaman jiray ka wardoon,  sheekadan ayaana dhexmartay:

 

Qurbajoog: Walaal deegaankeenu waa abaaroobey ee aynu Geela sii dayno (Xer geyno).

Doqonkii: Haye walaal.

Qurbajoog: Waxaynu u sii daynaynaa ayuu yidhi hawd iyo haradigeed  meeshaasaa geed lagu sheegay iyo naq  haraadiya.

Doqonkii: Haye walaal

Qurbajoog: Walaal haddaynu u sii dayno Geela, oo u xer geyno Nugaal iyo Sool ka warran?.

Doqonkii: Haye walaal

Qurbajoog: Walaal hadday Saraar  iyo Guban iyo dhankaa xeebta u kaxayno  Geela ka warran?

Doqonkii: Haye walaal

Qurbajoog: Ayaa xanaaqay oo yidhi: war  waxuun nagu khilaafa ama sababee, oo dheh meeshaas colaad baa ka jirta, meeshaasii Xagaageedu ma fiicna,  meeshaas  Geela uma roon!  Wax igu soo kordhi waxna igu raac waxna iga diid .

Doqonkii: Haye walaal

 

Sheekadan gaaban waxay ku tusinaysaa hoggaanka dalku inay yihiin (Mudane Haye Ama  Yes Man) ee aan lahayn  talada iyo tusaalaha, ee aan lahayn  odoroska iyo hilaadinta  timaadada  ku taamilo qaadashada iyo xasuusta  tagtadii hore, inay wada yihiin.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa la gudboon laba arrimood middii ay xal moodaan, inkastoo hadda siyaasiyiin badan oo dalka magac ku leh iyo aqoonyahanno  Soomaaliyeed iyo  beellaha  qaarba diideen,  haddana,  “weli  fari kama qodna  Faanoole” sababtoo ah  sheekada maanta la saxeexaa waxaa u aayi  doonaa  qarniyada soo socda kuwa iman doona,  haddiiba la sii noolaado waxaana masaamiirta iyo qodxa badan ee hadda ku jirta dastuurkani aafayn doonaa kuwaas.

Waxaan sheekada ku maqalnaa dadka deegaanka ku ahaan  jiray  Austerelia  iyo Amerika iyo hadda waxa ay yihiin,  taas oo markhaati kaaga noqonaysa  haddii qodobada qaar aan la bedelin, sida mustaqabla  ubadkeena uu noqon doono, sida red indianska  waxaan uga digayaa  dadka wax xulaya iyo kuwa la xulayo inaysan  ku degdegin wax  dalkooda iyo dadkooda wax u dhimaya, anigoo arinkaa  ka hadlayaa ayaa waxaan  idhi: tixdan yar

 

Dhegihii daloolaa

Waanadu dawaysaa

Damacii fayoowbaa

Ku duxaa wax sheegiyo

Dubaaqii aqoonlaa

Tan danbeysa dhaadee

Illeen doqoni waa moog!

 

Dastuurkaagii hore tuur

Mid dirqiyana qaadoo

Ha ka doodin Maandhow

Ma daliil kitaabiyo

Dacwadii rasuulka(csw)?

Mise waa dan gaaroo

Dadka qaarkii dooneen?

Ma degreeto qaranbaa?

Ma dareenka shacabka?

Ma danbaa ma duminba?

Ma ku duug saxeexoo

Indhahana ka dado’oo

Ha dareemintii baa?

Ma dirkii galbeedkiyo

Damacii ba’naayee

Dulmigii gumaystuhu

Dabinkuu dhigayaa?

Allaa deeqda bixiyoo

Quudiya dadkiisee

Iska daa ku wacanaa

Intaan daadku kula tegin!

 

Dastuurka waxaad mooddaa in la qariyo ama wax ku hoos duugan yihiin, oo dano gaar ah laga leeyahay,  haddii dastuurka aan  wax laga siin shacabkii xaqa u lahaa taladiisa, sidee baa hadhoow loogu xukminayaa, oo qodobadiisa iyo qawaaniinta  ku  qeexani u qabanayaan? Illeen waaba laga qariyee, oo qol mugdiya ayaa qolyo gaara, oo dan ka lehi la galeene,  markaan arrinkaa arkay ayaa waxaan idhi:tixdan yar

 

Qoolleey haddii ay

Qoorqabadkii diiddoo

Qasab lagala quustay

Qof ma yeeli karayaa?

Qabyadaa iyo qoraalkaa

Dastuurkaa  qadhaadhee

Qaydhiinka laga dhigay

Qoomka loo qoraayana

Ka qarshaay la leeyahay

Qabarkaa ku hoos jira

Qorshe  reero kale iyo

Quruumo aan la garanayn

Qalinkii saxeexoow

Qarankeena iibshoow

Qowmiyadda Soomaal

Ruuxii qiyaamee

Qarash dhaafsanaayoow

Qaar horaa ku daalee

Qabqablaa ka noogee

Qaladkaad samaysaan

Qalinbaa qoraayoo

Dad aan quusan baa jira

Qalbigoodu noolyahay

Qarankooda daafaca

U qareena weligood

Qunyar dhiga tallaabada

Qamuunyaa danbaysee

Qadaf kii sameeyoo

Qoortaa lagaa qaban

Qoolbaa ku sugayoo

Beri baad qisaas geli.

 

Haddii aan bulshada Soomaaliyeed  foojignaanta iyo kartida  hadda qaarkood muujiyeen la wada imaan, oo aan af iyo adinba looga hortegin hadimooyinka ay wadaan dadka danaha  gaarka leh,  meel shishe ayaa laynaga eegi doonaa,  dal iyo dadba  goor aan  si weydiin iyo calaacal  iyo hadal wax tarayn, oo Xeedhiyo Fandhaal kala dhaceena  la gaadhi doono,  haddaan maanta  si dhaba  ah looga hortagi, haddimada iyo hagardaamooyinka soconayaa ee ku saabsan  dhaqangelinta dastuurka cusub,  markaan leeyahay dastuurku idil ahaan  ma wada  qaldana waxaa ku qoran,  balse  qaybaha ka hor imanayaa  dareenkeena iyo danaheena guud  waa in si weyn looga taxaddaraa looga feejignaada.

 

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


2 Responses to Dastuurka qabyada ma qasabbaa in la qaataa?!

  1. caaqilka yar says:

    baidoamedia.com asc all dhaman sahaqalaha runti aniga dastur waxa ladhaho waxan u arkaa xalad cusub oo hada bilaban doono mana ila wanagsano waqtigaan in tas toos cusub la soo saro wayo dastur waxaa lasameyn karaa wadanka oo nabad noqdo iyo shacabka oo rali ka ah waxa ladhaho dastuur mana ahan in hada lagu fududado dastuur cusub waa in la ilalsha nadamka dowliga ah dowlad waliba oo aduunka ka jirto waxe xukunka ama dasturka inuu shacibka rali ka yahay ama rali ku noqon karon balse waqtigan dowlada somalia mahan mid xogesatay oo waxaa u hargasan in gobalada ee gacanta ku dhigto marki nabad buuxdo lahelo ayaa dastuur la soo sari karaa iyo dowlad gobaled yada oo wada noqdan maamul somalia hoos yimado aniga waxan is dhihi karaa dhibka tagan laxaliyo ka dib neh dowlad xoog leh lahelo ka dib dastur low gudbo wayo waqtigan cid rali ka ah majirto in dastur salameyo asc all dhaman sahaqalaha runti aniga dastur waxa ladhaho waxan u arkaa xalad cusub oo hada bilaban doono mana ila wanagsano waqtigaan in tas toos cusub la soo saro wayo dastur waxaa lasameyn karaa wadanka oo nabad noqdo iyo shacabka oo rali ka ah waxa ladhaho dastuur mana ahan in hada lagu fududado dastuur cusub waa in la ilalsha nadamka dowliga ah dowlad waliba oo aduunka ka jirto waxe xukunka ama dasturka inuu shacibka rali ka yahay ama rali ku noqon karon balse waqtigan dowlada somalia mahan mid xogesatay oo waxaa u hargasan in gobalada ee gacanta ku dhigto marki nabad buuxdo lahelo ayaa dastuur la soo sari karaa iyo dowlad gobaled yada oo wada noqdan maamul somalia hoos yimado aniga waxan is dhihi karaa dhibka tagan laxaliyo ka dib neh dowlad xoog leh lahelo ka dib dastur low gudbo wayo waqtigan cid rali ka ah majirto in dastur salameyo wabilaahi towfiiq

  2. caaqilka yar says:

    baidoamedia.com asc all dhaman sahaqalaha runti aniga dastur waxa ladhaho waxan u arkaa xalad cusub oo hada bilaban doono mana ila wanagsano waqtigaan in tas toos cusub la soo saro wayo dastur waxaa lasameyn karaa wadanka oo nabad noqdo iyo shacabka oo rali ka ah waxa ladhaho dastuur mana ahan in hada lagu fududado dastuur cusub waa in la ilalsha nadamka dowliga ah dowlad waliba oo aduunka ka jirto waxe xukunka ama dasturka inuu shacibka rali ka yahay ama rali ku noqon karon balse waqtigan dowlada somalia mahan mid xogesatay oo waxaa u hargasan in gobalada ee gacanta ku dhigto marki nabad buuxdo lahelo ayaa dastuur la soo sari karaa iyo dowlad gobaled yada oo wada noqdan maamul somalia hoos yimado aniga waxan is dhihi karaa dhibka tagan laxaliyo ka dib neh dowlad xoog leh lahelo ka dib dastur low gudbo wayo waqtigan cid rali ka ah majirto in dastur salameyo

Leave a Reply