Wednesday, June 19th, 2013

Dalka India oo aan maalinta berito ah laga Ciidaynin.

Sida aan ku helayno wararka ka imaanayo dalka India, masaajida wadanka India oo dhan ayaan laga tukan doonin berito oo Ciid ah salaada Ciidul Adxaha ah.
Maalinta Sabtida ah ayaa loo asteeyay maalinta Ciidul Adxaha dalka India ayada oo dunida Islaamkana beri laga wada ciidi doono inteeda badan.
Masaajida dalka India ayaa waxa ay u sheegeen dadka ajaanibta ah ee ku nool dalkaas ee Muslimka ah inaanay khilaafin imaamyada dalka India oo ay la Ciidaan lana soomaan dadka dalkaas.
Balse sida uu shabakada warbaahinta baidoamedia.com u sheegay mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka India waxna ka barta halkaas, arday Soomaali iyo Carab u badan ayaa waxa ay qorsheynayaan inay beri oogaan salaada Ciida ayaga oo kireystay goobo cayiman.
Muslimiinta India ayaa waxa ay haystaa mad’habta Xanafiyada ayaga oo inta badana maalin dib uga dhaca ciidaha iyo maalmaha soonka.
Cabdishakuur
Baidoa media, 
Hydarabad, India.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply