Ayada oo ay sanad kasoo wareegatay dhimashadii madaxweynihii dalka Libya Mucamar Al-Qadaafi iyo dhicitaankii xukuumadiisa ayaa waxaa weli dagaalo ka wada qaybo kamid ah dalka Libya dagaalyahano daacad u ah madaxweynihii geeriyooday ee Libya.
Dagaalka ayaa waxa uu maalintii shanaad ka socdaa magaalada dhanka koonfureed ee Libya ku taalo ee Bani Walid halkaasoo ay ku xooganyihiin taageerayaashii madaxweyne Qadaafi.
Inta la ogyahay 25 qof ayaa ku geeriyootay 200 kalena waa ay ku dhaawacantay dagaaladii ugu dambeeyay ee magaalada ka dhacay ayada oo ay taageerayaasha Qadaafi dhismayaasha dushooda saarteen qoryaha wax lagu liishaamo ee meelaha fog fog.
Magaalada Bani Walid ayaa waxaa hareerayn ku hayay afartii cisho ee ugu dambeysay ciidamada dowlada KMG dalka Libya ayada oo ay ka jirto xaalad Aadanimo oo aad u liidato.
Dhawaan ayay ahayd markii afhayeenkii xukuumadii hore ee Libya Musa Ibrahim ay qabteen ciidamada dowlada Libya isaga oo kasoo amba baxay magaalada Bani Walid iskuna dayayay inuu ka baxo dalka Libya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com