Dagaal culus ayaa waxa uu xalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Alshabaab ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Alshabaab weerar qorsheysan kusoo qaadeen deegaanka Madax Waraabe oo ku yaalo duleedka degkada Xudue halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.
Maxamed Macallin oo ah gudoomiyaha degmada Xudur ayaa waxa uu sheegay inay iska caabiyeen ciidamadii Alshabaab ee weerarka kusoo qaaday isaga oo intaas raaciyay inay ka dileen dhinacii kale ee soo weeraray.
Sidoo kale sarkaal u hadlay Alshabaab ayaa sheegay inay ka dileen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ay soo weerareen saldhig ay leeyihiin dhinacyada kasoo horjeeda.
Dadka reer Xudur ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayeen dhinacyadii dagaalamayay.
Degmada Xudur waxa ay kamidtahay magaalooyinka ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya la wareen ee ay xaaladooda deganayd.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com