Wararka ka magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan inuu dagaal xoogan ka socdo magaaladaas wakhti xaadirkaan.
Dagaalka magaalada Xudur ayaa yimid kadib markii ay xiligii afurka weerar xoogan oo jihooyin badan leh kusoo qaadeen magaalada ciidamada Xarakada Alshabaab.
Jugta rasaasta iyo madaafiicda ayaa laga maqlayaa qaybaha kala duwan ee magaalada ayada oo ay argagax iyo cabsi lasoo darseen dadka ku dhaqan xaafadaha magaalada Xudur.
Magaalada Xudur ayaa dhawaanahaanba waxaa saarnaa go’doomin ay kusooo rogeen ciidamada Alshabaab kuwaasoo ka hor joogsaday magaalada raashiinkii ganacsiga ee soo gali jiray.
Wixii kusoo kordha dagaalka ka socdo magaalada Xudur dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa Insha Allah.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com