Sida uu soo sheegayo wariyaha shabakada warbaahinta baidoamedia.com ee magaalada Baydhabo, waxa uu dagaal xoogani oo bilowday shalay gelinkii dambe soona gaaray saakay aroortii ka dhacay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Dagaalka oo ay soo qaadeen ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa ahaa mid qaraar ayada oo ay ka qayb qaateen ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Xudur.
Waxaa jiro warar sheegayo inay jiraan qasaarooyin soo kala gaaray labada dhinac ee ku lugta lahaa dagaalka ayada oo sidoo kale dadka rayidka ah ee magaaladana uu qasaare soo gaaray.
Dhowr guri oo ku yaalo magaalada Xudur ayaa lagusoo waramayaa inay ku gubteen dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayna soo qaadeen ciidamada Alshabaab oo dhawaanahaanba kordhinayay weerarada ka dhanka ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ee ku sugan gudaha gobolada koonfur galbeed Soomaaliya.
Bar internetka ah oo taageerto Xarakada Alshabaab ayaa lagu baahiyay inay ciidamada Alshabaab xalay la wareegeen qaybo badan oo magaalada Xudur ah marka laga reebo saldhig ay ciidamada Itoobiyaanku ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur balse ma jirto cid beenisay ama xaqiijisay sheegashada Alshabaab.
Dhinaca kale waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta magaalada Xudur sababo la xiriiro dagaalka ka dhacay magaaladaas.
Baidoa media.
Baydhabo Janaay.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com