Thursday, June 20th, 2013

Dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Maanyo ee gobolka Bay.

Dagaal xoogan ayaa waxa uu shalay ka dhacay tuullada Maanyo oo 6 km u jirto degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay. Dagaalka ayaa waxaa ku qaaday tuuladaas ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Qansaxdheere sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Qansaxdheere Aadan Cabdi Qooqane.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in tuulada uu dagaalku ka dhacay ay ciidamadoodu weerareen kadib markii ay ka warheleen inay Alshabaab raashiin ay ku tilmaantay Zako ku keydsanaysay halkaas.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay ciidamadoodu ka dileen kuwa Alshabaab 2 askari halka dhinacooduna aanay soo gaarin wax qasaare ah sida uu hadalka u dhigay gudoomiyuhu.

Dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Maanyo ayaa waxa uu  kusoo aadayaa xili uu habeen hore dagaal xoogan ka dhacay magaalaa Baydhabo kaasoo ay ku geeriyoodeen tiro dad ah.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply