Friday, May 24th, 2013

Dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Deynuunaay.

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo dhanka kale oo Xarakada Alshabaab ah ayaa shalay gelinkii dambe ilaa iyo xalay ka dhacayay deegaanka Deynuun ee duleedka magaalada Baydhabo.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagusoo waramayaa inuu qasaare geystay inkastoo aan la ogeyn inta uu gaar siisanyahay qasaaraha.

Xarakada Alshabaab ayaa dhawaanahaanba sare u qaaday weeraradeeda ka dhanka ah ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska war qabadka Baidoa media,

Baydhaba  janaay.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply